Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Carro-Edegaynta : Sidee buu dunnida dib ugu qaabayn doonnaa Cudurka Coronavirus? (Wq: Abdirisaaq Daahir Maxamuud)

Sidda aynu la wada soconno, waxa saameeyan xoog leh ku yeeshay dunnida, cudurka sidda ba’an ugu faafaya ee loo yaqaanno Covid_19, cudurkaasi oo caafimaadka adduunka halis galiyay misna waxyeello badan u geeystay nolosha aadamaha, ayaa hadana la saadaalinayaa in marka laga yimaaddo dhinaca caafimaadka, in uu dhaawac wayn oo kale uu u geysan doonno qayabaha kale ee saameeynta tooska ah ku leh nolosha ibnu aadamka sidda: dhaqaalaha, siyaasadda, iyo guud ahaan isku furnanshihii (Golobliztion) dunida ka jiray.
Waxa sidoo kale la filayaa in qaabka looga hortagayo xanuunkani uu noqon doonno, mid dib u qeexi doonna tayadda talsiyada siyaasadeed ee dunnida tan ka arrimiya misna loolan aragtiyeed oo aad u adagi ka dhexayn jiray sannado badan, sidda kuwa aragtida hantigoosadka ah ee dimuqraadiyadda iyo liberaalisamka ah ku dhisan amma kuwa aragtida hantiwadaag ah ee qaarkood kali-talisku u weheliyo ku dhisan.
~Dhaqaalaha:
————————
Maalmihiii ugu danbeeyay, waxa dhaqaalaha dunnida soo food saaray culays wayn oo uu sababay faafida uu cudurka Coronavirus ku hayo caalamka, kaasi oo dhaliyay in ay kala xidhanto dunnidu inteeda badan oo magaalooyin waaweyn oo suuqyadda maaliyadeed ee caalmaka xudun u ah ay dhaqdhaqaaq yadoodii ganacsi ay kala joogsadayn, taasi oo ku keentay khasaare badan oo maaliyadeed uu gaadho suuqyaddii ganacsiga waliba gaar ahaan suuqyadda dalxiiska, duulimaadyadda iyo guud ahaan kala iibsiga dunnida ka dhexeeyay.
Warbixin ay soo saartay wakaaladda Bloomberg ayaa sheegtay in dhaawaca ugu wayn uu gaadhi doonno suuqa duulimaadyadda adduunka kaasi oo dhaqaale badan caalamku ka sameeyn jiray, waxaynna ku qiyaastay hoos u dhaca ku iman doonna suuqaasi, in uu noqon doonno 8.9% , iyadoo hoos u dhacaasi uu noqonayo midkii ugu darnaa ee soo mara suuqaasi muddo ku siman 42 sanno, isla markaanna ay u sii dheer tahay burburka dhaqaale ee ku dhici doonna suuqyadda kale ee ku ladhan suuqa duulimaadyadda ee kala ah dalxiiska, ganacsiga iyo guud ahaan dhaqaalaha ka soo bixi jiray isku socodka bulshada iyo ganacsiga ee caalamka. Waxa sidoo kale uu saameeyn dhaqaale uu cudurka Coronavirus uu ku keenni doonnaa qaybo kale oo xasaasi u ah dhaqaalaha dunnida, sidda hoos u dhac ku yimaadda qiimaha shidaalka, wax soosaarka iyo soo dajinta badeecadaha, bankiyada, shaqaalaynta, qiimaha lacagaha iyo guud ahaan hoos u dhac ku imanaya dhinacada dalabka (demand) iyadda oo ay ka badantahay badeecadda iyo adeega suuqa yaala (supply).
Arrimahaas oo dhan marka la isku geeyo ayaa natiijada ka dhalan karta ay keenni doontaa sidda la saadaalinayo, burbur dhaqaale oo lixaad leh oo isla markaanna la mid ah amma ka daran kuwii ka dhacay adduunyada xiliyadii 1930s (Great depression)  iyo midkii dhacay 2008 uu caalamka ku dhici doono saameeynta xanuunka Covida_19 awgii, iyadoo uu dib u qaabayn doonno nidaamka caalamiga ah ee sameeysmay kadib wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad adduunka, taaso la mid noqon doonin bay yidhaahadayn xaaladda duniddu ku sugnayd xanuunka ka hor.
~Siyaasadda Caalamka: ——————————————
Qaabka uu nidaamka siyaasadda caalamku u dhisanyahay, wax badan iskama ay badalin wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee aduunka, isaga oo saldhig u noqday qaab- dhismeedka dawladnimadda casriga ah, balse waxa hadheeyay nidaamkaasi loolan siyaasadeed oo aad u adag, kaasi oo aad uga  dhexeeyay aragtiyooyinka qaabeeya qaab dhismeedka dawladnimaddu ku shaqeeyso.  Wax se hirdanka aragtiyooyinkaasi uu aad ugu dhexeeyaa labbo aragti oo kala ah :
Aragtida hantigooskadka ah (Capitalism) oo ay is xanbaraan dimquraadiyadda iyo aragtida hanti-wadaag (Socialism) oo kali-talisnimadu mararka qarkood ay weheliso, inkastoo iyaga laftigoodu ay sii kala baxaan.
Hadaba sidda ay khubarada siyaasadda iyo dhaqaalaha aduunka faaqida ay saadalinayaan, waxa cudurka Coronavirus iyo qaabka looga hortagaa uu dib ugu qeexi doonaa tayda dawladnimadda ku dhisan aragtiyooyinkaasi, iyagoo sheegay in ay is badelo waaweyn ku dhici doonaan awoodaha dalalka caalamka hoggaamiya maanta dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba.
Tusaale ahaan, waxay u soo qaadanayaan, in adeeyadda caafimaadka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee dalalka reer galbeedka ah ay ku fashilmayn qaabka ay ula tacaleen cudurka Corona Virius uu sida ba’an u galay sida dalalka Italy, Spain iyo Maraykanka, halka dalka shiinaha oo dawladdu maamusho guud ahaan adeegyadda cafimaadka ay ku guulaystay xakamaynta faafida cudurkani, taaso caddeeysay bay yidhaahdayn fashilka nidaamka hantigoosadka ah, iyadoo waliba su’aal adag hor dhigtay mustaqabalka jiritaankiisa.
Maalin dhawayd, waxa warbixin daabacay wargeyska Foreign Policy, waxanna lagu falaaqeenayay xaalada Caabuqa Coronaviris uu ku badali doonno caalamka, iyaga oo wareeysi la yeeshay 12 mufakir oo caalami ah ayaa sheegay guud ahaan, in qaab dhismeedka dunnidu ay u eegaan doonin, sidii waqtigii ka horreeyyay dilaaca xanuunkani, isla markaanna  ay isbadalo waaweyn ay  dhici doonaan dhammaan qaab dhismeedka nidaamka caalimiga ah, haday tahay awooddaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo tiknaloojiyadda, iyagoo intaasi ku daray in xittaa awoodda adduunku ay u janjeedhi doonto dalka Shiinaha, halka ay quwaddii adduunka soo hoggaaminaysay tobanaankii sanno ee ugu danbeeyay waa Maraykanka ee, ay hoos u dhac ku iman doonno.
~ Mustaqbalka Carro-edegaynta ( Globalization):
—————————————————————————–
Maadaama uu xakamaynta faafida cudurka Covid-19 uu ku kalifay dawladihii caalamka, in ay qadaan talaabooyin ay ku kala xidhanayaan xuduudaha iyo guud ahaan isku socodkii adduunka ka jiray, ayaa hadana waxa la saadaalinayaa in talaabooyinkaasi ay dib u qaabayn doonaan carro-edegaynta caalamka ka jirta.
Arrimahaasi hadheeyay caalamka, waxa ay saameeyn toos ah ay ku yeelanayaan isku fur-furnaanshihii dunnida ka jiray misna loo yaqaannay carro-edegaynta caalamka- taasi oo ah falsafad ay abuurayan dalalka hodanka ku ah wax soosaarka xiliyadii ka danbeeyay kacaankii warshadaha ee ka hanaqaaday dalalka reer galbeedka-  iyadoo ujeedkeedu ahaa mid lagu caalamiyeeynayay dhaqaalaha adduunka, si la iskugu furro dhammaan suuqyadda, isla markaanna laga qaado dhammaan xayiraadihii haysan jiray isku socodka badeecadaha iyo adeegyadda dunnida ee dalalkaasi hodanka ah soo saaraan. Waxa sidoo kale carro-edegaynta dhaqaalaha barbar socoday, kuwa kale oo kala ah: caalamiyeeynta siyaasadda, dhaqanka iyo guud ahaan warbaahinta adduunka, si ay u sii fududeeyaan guud ahaan isku fur-furnaanshaha dhaqaalaha adduunka.
Hadaba talaabooyinka la qaaday tan iyo intii uu dilaacay xanuunka Covid-19, waxa ay kala xidhay isku socodkii adduunka, taaso keeni doonta bay yidhaahadayn qolyaha faaqida dhaqaalaha, in ay dib ugu dhiirigaliso dawladaha caalamka, shirkadaha iyo guud ahaan bulshada dunnida, in awoodda loo saaro wax soo saarka gudaha, si ay ula macaamilaan is badelka uu keenay cudurkani. Sidaasi daradeed, waxay arrintaasi dib eegaysiin ku saamayn doonta carro-edegaynta caalamka ee hadda la yaqaanno.
Ugu danbeeyntii, waxa la isku raacsanyahay, in xaalka ay aduunyadu u eegayd cudurka Coronavirus ka hor, in ay ka gadisnaan doonto marka laga gudbo kadib, iska markaanna ay dib u qaabayn ku sameeyn doonto qaab dhismeedkeeda.
Abdirisaaq Daahir Maxamuud.