Beesha caalamka oo si culus uga falcelisay dabkii Hargeysa ka qarxay

Madax badan oo beesha caalamka ka mid ah ayaa si adag uga falcelisay dabkii Hargeysa ka qarxay Jimcihii, dabkaas oo baabiiyey mid ka mid ah suuqyadii ugu camirnaa uguna weynaa Geeska Afrika. Dabkaas oo baabiyey hanti lagu qiyaasay inta u dhaxay 1.3 ilaa 2 bilyan oo doollar, isla markaana Burburiyey 90% dhismeyaashii suuqweynaha Waaheen.

Beesha caalamka ayaa shalay ka falcelisay masiibadan, madaxda soo dirtay farriimaha ay murugada kula qaybsanayaan dadweynaha Somaliland waxa ka mid ah Ra’iisal-Wasaaraha Ingriiska Boris Johnson, Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, Ra’iisal-Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Sidoo kale waxa Hargeysa shalay soo gaadhay wefti ka socda Dawladda Federaalka ee Itoobiya oo ka kooban wasiiro uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda iyadoo Dawladda Deegaanka Soomaalidu ay hore ugu soo gurmatay bakhtiinta dabka iyadoo soo dirtay baabuur dabdamisyo ah iyo booyado biyeysan.

Waxa iyaguna maanta yimid wefti ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti.

Hase ahaatee, waxaan weli soo gaadhin xukuumadda Somaliland wax taageero ah oo la xidhiidha gargaaridda dadkii ay masiibadu saamaysay.