Geel jirku waa qof deegaanku ku barbaariyo dabeecado kakan oo la yaab leh badiyaa ba kibirku waa u astaan. Hadda ba dhaqan geel jire oo siyaasadda Somaliland hoggaankeeda iiga muuqda ayaan sheeko yar ku soo koobayaa.
Geel jiruhu aragtida koowaad marka uu isha ku geliyo wuxuu kaaga istaagaa faraha hore haddaad ka diirto oo iska riixdo dib ayuu kaaga gurtaa, haddaad ka aamusto kulanka labaad wuxuu yidhaa; ” Aan lagdanno!” ย Lagdankaas haddii inta uu ku tabceeyo ku rito intaa wixii ka dambeeya aagamaha iyo guud ahaan agabkiisa kugu rartaa. Arrintii caagadda ee Faysal iyo M. Biixi waxay iila muuqatay lagdan, waxa aan filnaa ba in Faysal la rarto iyo in dib looga istaago oo uu wax iska celiyay!