Jen. Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay madaxwayne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland

Jen. C/raxmaan Cabdi Xuseen Guulwade oo ka mid ah Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee Wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay inuu sax ahaa xasuuqii loo geystay shacabka Somaliland.

“Dad ayaa diyaarad lagu garaacay run weeye, dad ayaa la laayay run weeye, laakiin dal kasta oo adduunka hal ma ogolaan karo, madax banaanidiisa iyo midnimadiisa in lagu ciyaaro dowlad adduunka ogol ma jirto, ciidan jabhad oo iyagoo hubeysan oo dalka inay kala gooyaan diyaar u ah ayay magaalada soo galeen, dowladdii markaas jirtay ma waxaa kula talin laheyd inay soo kala cararaan, dowlad kasta adduunka joogta waxay mas’uul ka tahay madax banaanida iyo midnimada, cidii midnimadaas halis ku ah waxay xaq u leedahay wax kasta awood ah inay isticmaasho” Ayuu yidhi Jen. Guulwade Wareysi uu siiyay Yuusuf Xasan oo ah soo saaraha Barnaamijka Garnaqsi oo ka baxa Shabelle TV.