Marka aan xasuusto afartii sannadood ee aan Boorama waxbarashada u joogay waxa igu soo dhaca maalmo badan oo xiiso leh. Maalintii qalinjabintaydu waxay ka mid tahay kuwa ugu xusuusta wacan.
Subaxnimo Khamiis ah, 22kii July 2004, ayaanu ka kalahnay Hargeysa iyadoo ay ila socdaan Cabdikariim Xasan Ismaaciil “Qurusdoon” iyo Axmed Xuseen Xasan oo wakhtigaa wax ka baranayey Qaahira fasaxna ku yimid Hargeysa. Cabdikariim waxay u ahayd markiisii u horaysay Boorama, Axmed se magaaladu kuma cusbayn oo sannad iyo dheeraad ayuu Cammuud nala joogay ka hor intii aanu deeq waxbarasho ka helin Masar.
Waxaanu wadanay gaadhi Mark II GL ah oo ay asxaabtu ku naanaysi jireen Daabbad. Intii aanu dhexda ku sii jirnay badankeeda waxaanu dhagaysanaynay cajalad ay ku urursan yihiin heesihii Shamsa Cumar Haydara. Waxan ka sii xasuusta heesaha Guri Rays Leh iyo Tawaawac. Mararka qaar waanu la jiibinaynay Shamsa!
Xafladdii qalinjabinta
Maalinta Cammuud laga qalinjabinayo waa dhacdada ugu muhiimsan ee ka dhacda Boorama, sidaa daraadeed looma kala hadho. Hoolka Jaamacadda iyo kaymaha ka horreeya ayaa la is buux dhaafiyey. Caleemo qoyan dhirta kuma hadhin. Meel walba ubax iyo biibiiyo ayaa laga lulay. Saxmadda waxa sii kordhiyey ilaaladii iyo gaadiidkii uu watay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo wufuuddii ay ka mid ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka.
Khudbadaha, heesaha iyo gabayada laga jeediyey xafladdu way iska badnaayeen. Dabcan, khudbadda ugu muhiimsani waxay ahayd tii hoggaamiyaha ruuxiga ah Prof. Suleymaan Axmed Guuleed. Wuxu jeediyey hadal ruxay intii madasha fadhiday, noona tilmaamay jidka naga horreeya iyo sidii aanu u waajihi lahayn annagoo dhawrayna sharafta Jaamacadda Cammuud. Dhinaca ardayda waxa noo hadlay Axmed Cabdi Ismaaciil “Jeesto” oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, markaana ahaa Guddoomiyaha Ururka Ardayda. Shahaadooyinkana waxa na guddoonsiiyey Madaxweyne Rayaale. Alle ilehe si weyn baa nalooga tumay!
Subaxnimadii dambe waxan suuqa Boorama ka iibsaday wargeyska The Republican. Sawirkayga ayaa bogga hore ku yaallay. Waxan u gartay saaxiibkay Xildhibaan Maxamed Xuseen Raamboo oo wakhtigaa suxufi ka ahaa Jamhuuriya in uu dadkii iga dhex gartay, sidaana sawirkayga ugu ladhay maqaalkiisa.
Marka laga yimaad damaashaadkii qalinjabinta, waxa jiray saddex dhacdo oo xiisahooda lahaa, kuwaas oo ku ladhan xusuusta maalintan. Waa Shukran Lakumaa, Shil Fudud iyo Shir-jaraa’id Jacayl ah.
Shukran Lakumaa
Markii laga soo dareeray hoolka xafladda, annaga oo sawiro ku galayna barxadda ka horraysa maktabadda ayaa waxa warqad furan ii dhiibtay ardayad ka mid ahayd lodadkii naga dambeeyey. Maadaama ay bilaa gal ahayd waxan akhriyey iyadoo ay ila joogaan Qurusdoon iyo Axmed. Waxa ku qornaa ereyo kooban oo ah “Qadada berito aniga ayaad ii casuuman tihiin”, waxayna ku soo gabogabaysay “shukran lakumaa.”
Qurusdoon oo bartay sida la isugu turjumo afafka, af-Carabigana aqoon durugsan u leh, ayaa yidhi berito anigu casuumadda waan idinka hadhayaa, sababtoo ah inantu labadiina oo kali ah ayay casuuntay, waxan ku garanayaa waxay hadalka ku soo xidhay “shukran lakumaa.” Haddii ay saddexdeena ina casuuntay waxay ku soo khatimi lahayd “shukran lakum.”
Aniga iyo Axmed waanu kaga fikir duwanaanay Cabdikariim. Waxaanu aad isugu daynay in aan qancino wuuse naga diiday. “Cabdikariim shaydaanka iska naar waa la inna wada casuumay, lakum iyo lakumaa-na waa isku mid.” Wallay ka tahay, waanu kari waynay!
Maadaama ay telefoonnadu wakhtigaa aad u yaraayeen waxaanu ku khasbanaanay in aanu ergay u dirno xaafaddii noo qado-samaysay si loo soo hubiyo cidda la casuumay. Jawaabtii nagu soo noqotay waxay noqotay “saddexdiinuba waad casuuman tihiin.”
Waxay ahayd qado-sharafeed aad u sarraysa oo cunto iyo cabitaan nooc kastaba la soo dhigay. Markii aanu qadadii dhammaysanay ayaanu inantii uga sheekaynay sababtii uu Cabdikariim qadada kaga baaqan gaadhay. Maalintii oo dhan bay qoslaysay!
Shil fudud
Gelinkii dambe ee isla maalintii aanu qalinjabinay waxaanu gurigooda ugu tagnay Maxamed oo ahaa arday aanu isku fasal ahayn si gaar ahna isugu dhawayn. Waxa isaguna nagu soo biiray oo shan nagu noqday Siciid Nuur oo ka mid ah kooxdayadii reer Hargeysa ee degganayd gurigii Shacabka ee loo yaqaanay “Yellow House-ka.” Waxa jiray weedh caan ka ahayd jaamacadda oo ay ardaydu odhan jireen maanta “farxad aynu abuurano.” Waxan u malaynayaa Cabdirashiid Bullo ayaa weedhaas iska lahaa. Gelinkii dambe oo dhan halkaas ayaanu farxad ku abuuranay oo aanu sheekooyinka midba mid uga gudbaynay.
Fiidkii markii aanu kacnay ee aanu dibedda u baxnay ayaanu gaadhigii waynay. Siciid Nuur ayaa noo sheegay uu isagu furaha siiyey gabadh xaafadda ah, isla markaana gabadhii shil fudud gashay oo ay gaadhi kale ku dhacday, gaadhigiina uu hadda geerash yaallo. Waxaanu waraysanay gaadhigii kale xaaladdiisa, warkiisa se waanu waynay. Inantii shilka gaysatayna way naga xishootay ama guriga way ka maqnayd.
Gaadhigii ayaanu geerashka ugu tagnay. Waaba Daabbad oo albaabkii dambe iyo muraayaddii isla burbureen. Waxaanu ku tashanay in gaadhigii kale warkiisa aanu ka soo helno xafiiska taraafikada. Cabdiqaadir Tallaabo oo wakhtigaa u shaqaynayey CARE oo aanu ballansanayn ayaa gaadhigiisii nagu qaaday. Waxa isaguna na sii raacay Cabdisamad Cige, oo hadda ah Hormuudka Arrimaha Ardayda iyo Adeegyada Latalinta ee Jaamacadda Cammuud, oo aanu habeenkaa marti u ahayn. Laba sarkaal oo aanu xafiiska ugu tagnay waxay noo sheegeen warka shilkaasi in aanu soo gaadhin. Waxay naga qorteen faahfaahintayada, waxayna noo sheegeen in ay nala soo xidhiidhi doonaan haddii ay cidi soo dacwooto.
Isla maalintii aan qallinjabiyey waxaan shaqo wakhti gaaban ah ka helay hay’ad dalka ka guurtay oo la odhan jiray Save the Children USA. Subaxnimo aniga oo raacaya gaadhi Landcruiser ah oo hay’adda u shaqeeya oo uu lahaa AHN Xaaji Musbaar ayaan arkay duqad weyn oo janbiga dambe kaga taalla. Cabdiqaadir Batac oo dirawal ka ahaa ayaan waydiiyey waxa ku dhacay gaadhiga. Wuxu ii sheegay in maalintii Cammuud laga qalinjabinayay gaadhiga oo maqaaxida Seven Stars hor yaalla ay gabadh wadatay gaadhi Mark II ah oo xawaare sare ku socotay jiidhay, kadibna ay meeshii ka baxsatay. Cabdiqaadir waxan u sheegay in gaadhigaasi uu kayga ahaa, gaadhigii u ku dhacayna aan raadinayey, lacagta ku baxaysa samayntiisana aan anigu bixinayo. Cabdiqaadir wuu u qaadan waayey warkii aan u sheegay. Wuu iga diiday in aan gaadhiga sameeyo. Xaaji Musbaar oo aanu aqoon dhaw isku lahayna wuu u sheegay. Isagiina wuu diiday in aan gaadhiga hagaajiyo. Waxayse noqotay sheeko xiiso leh oo dadkii xafiiska ka shaqaynayey looga wada sheekeeyey!
Shir jaraa’id jacayl ah
Weli dhacdooyinkii maalintii qalinjabinta ayaynu ku jirnaaye, habeenimadii annagoo ku cawaynayna maqaaxi ku hor taalla xafiiska Telesom ayuu noo yimid arday baranayey macallinimo oo ka mid ahaa ardaydii naga dambaysay ee ka timid gobollada Bari. Si aan loo aqoonsan waxaynu magaciisa ugu yeedhaynaa Cabdillaahi. Wuxu iigu hambalyeeyey qallinjabintaydii iyo xafladdii qiimaha lahayd ee naloo qabtay. Waxan is baray Axmed iyo Cabdikariim. Waxoogaa sheekadii markii ay noo socotay ayuu yidhi waxan doonayaa in saddexdiinuba aad habeen dambe igala soo qayb gashaan shir-jaraa’id oo aan ku shaacinayo jacaylkayga, kaas oo ka qabsoomaya Seven Stars. Wuxu isticmaalay ereyada Ingiriisiga ah ee “declaration of love.” Axmed iyo Cabdikariim aad bay u yaabeen oo dhinacayga ayay soo eegeen. Aniguse lamaan yaabin oo Cabdillaahi si fiican baan u garanayaa. Waxan xasuusanahay oo aan goobjoog u ahaa dhacdo hore oo tan ka darnayd una baahnayd indho’adayg. Waanu ka aqbalnay casuumaddii, isaga oo dhoola-caddaynaya ayuu naga tagay.
Shir-jaraa’id muu ahayn laakiin wuu ku dhawaa. Waxa la soo casuumay ku dhawaad labaatan bahdii Cammuud ah. Isagii iyo gabadhii waxay soo fadhiisteen kursi naga soo horjeeda iyagoo aad u lebisan farxad badanina ka muuqato. Inanta si fiican baan u gartay. Waxaynu magaceeda ugu yeedhaynaa Hana. Waxay dhiganaysay Jaamacadda, waxayna ahayd xubin aad u firfircoon oo ka mid ah ururrada horumarinta dhallinyarada kuwaas oo aan qudhaydu ka mid ahaa. Waxayna ahayd gabadh qurux badan. Intii uu Cabdillaahi noo warramayey iyadu may hadal ee waa ay dhoola-caddaynaysay iyadoo muujinaysa sida ay ugu raacsan tahay waxa uu ka hadlayo. Wuxu yidhi “Annaga xaaladdayada waxa ka turjumaysa heestii Ruun Xaddi Sabban ee ahayd “Wed iyo calaf wax aan ahayn jacaylkeenaa ka wayn.” Wax aan labadaa ahayn oo na kala kaxayn karaa ma jiro.
Warkii markii uu soo galay suuqa Boorama siyaabo kala duwan ayaa looga falceliyey. Dadka qaar waxay faallo ka bixiyeen in Hana ay dhinaca waxbarashada ka tallaabo horayso Cabdillaahi, dhinaca arrimaha bulshadana kaga caansan tahay sidaa daraadeedna aanay ka filayn iska daa xaflade in ay sheeko ka rasayso. Laakiin dadka sidaa u fikirayey waxay ahaayeen dad aan aqoon u lahayn Cabdillaahi. Wuxu ahaa nin aftahan ah, fariidnimo ka muuqato, aadna u dhiirran. Haddii uu sheeko kuu bilaabo maad ogaanayn goor ay adduunyadu ku dhaaftay. Gabayadii Guba, Silsiladdii Halac-Dheere iyo taariikhihii hore ee Soomaalida gabigoodaba korkuu ka hayey. Waxbarashada in kastoo aanaan hoos u ogayn waxan qiyaasayaa in uu ku fiicnaa.
Si kastaba wax ha u dhacaane, isma ay guursan Cabdillaahi iyo Hana. Waxay u kala dhaqaaqeen laba jiho oo kala durugsan. Wed muu kala kaxayn laakiin waxan u malaynayaa calafkii uu sheegayey ayaa kala weeciyey!
WQ: Mustafe Maxamed Khayre
Waxaan u mahadcelinayaa Cabdirashiid Xasan Bulxan oo kaydiyey sawirka sare.