Waa kuma Maxamed Axmed, orodyahanka reer Somaliland ee Canada u safta

Waxa toddobaadyadii ina dhaaftay fagaareyaasha ciyaaraha ee caalamka, gaar ahaana ciyaaraha Olimbikada ee ka socda dalka Japan, ka soo muuqday Maxamed Axmed oo ah orodyahan ku dhashay una safta Canada kana soo jeeda Somaliland. Axmed wuxu noqonayaa orodyahankii afraad ee caalamiga ah ee ka soo jeeda Somaliland ee billado ku guulaysto marka lagu daro Cabdi Bile Cabdi, Jaamac Karaaciin iyo Mo Faarax.

Haddaba, waa kuma Maxamed Axmed?

Bishii January 1991 ayuu ku dhashay dalka kanada. Axmed wuxu ordaa oroddada dhaadheer wuxuuna noqday qofkii labaad ee tartanka 5000 mitir ah isagoo ku guulaystay billada silfarta ah tartanka olimbikada ee ka socda Tokyo. Waxa hambalyo u diray madax uu ka mid yahay Ra’iisal-Wasaaraha Canada Justin Trudeau.

Axmed wuxu sidoo kale billad naxaas ah ku guulaystay sannadkii 2019kii, wakhtigaas oo magaalada Dooxa ee waddanka Qadar lagu qabtay tartanka foolaadka ciyaaryahannada ciyaaraha fudud. Sidoo kale, laba jeer ayuu ku guulaystay billadaha silfarta wakhtigaas oo uu ka saftay ciyaaraha waddamada Barwaaqo-Sooranka ama Common Wealth-ka.

Sannadkii 2020 Axmed wuxu noqday qofkii Kanadiyaanka ahaa ee ugu rikoodhka wacnaa dhinaca ordka kadib markii uu 12:47.20 ku dhammeeyey orodka 5000m, tartankaas oo ka dhacay Portland, Oregon.

Axmed ayaa ka hor intii aanu fagaareyaasha caalamka iman wuxu u ordi jiray dugsiyada uu dhigan jiray, isagoo mar kasta ka mid noqon jirtay 10ka ama 5ta qof ee ugu horreeya.

Axmed ayaa ka baxay Koolajka St. Catharines ka hor intii aanu ka qallin jabin jaamacadda Collegiate University of Wisconsin–Madison.

Sannadkii 2018, barmaanijka la yidhaa Somali Awards ayaa Axmed u aqoonsaday Soomaaliga Sannadka ee Ciyaaraha.

Axmed ayaa aad ugu hanweyn waddanka uu ka soo jeedo ee Somaliland iyadoo mar kasta la arko isagoo calanka Somaliland ku xidhan gacanta marka uu tartamayo.

Waxa aad loogu rajo weyn yahay in uu keeni doono guulo la mid ah kuwii uu soo hooyey Mo Faarax.

bandhige@gmail.com