Hambalyada Madaxweynaha ee sannadka cusub ee Hijiriyada-1443

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Munaasibadda curashada Sannadka cusub ee Islaamka 1443-ka (Hijiriyada) awgii uu Hambalyo, Bogaadin iyo ducoba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka gaar ahaan Shacbiga Somaliland Meel ay Joogaanba.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu Hambalyo taa la mida u dirayaa Waddammada iyo shucuubta muslimiinta ah ee dacallada dunida ku nool, isagoo ku tahniyadaynaya curashada sannadka cusub ee Islaamka oo ku beegan berri oo Isniin ah.

Madaxweynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa inuu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan Sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Ugu dambayna Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Islaamka u rajaynayaa in Sannadka cusubi ula kowsada nabadgelyo iyo xasillooni buuxda.

Kullu Caam Wa Antum Bikhayr

 

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Line: 518390

https://madaxtooyadajsl.com/

https://somalilandnation.com/

https://www.facebook.com/XafiiskaAfHayeenkaMadaxtooyadaJsl?ref=hl

https://www.youtube.com/user/nasirnaska/videos