Dhibaatooyinka caafimaad ee gudniinka gabdhaha (WQ: Cabdiraxmaan Maxamed Iimaan “Cawke”)

 

Gudniinku waa dhaqan soo jireen ah oo dhibaato weyn ku haya caafimaadka gabdhaha. Waa dhaqan ka jira meelo badan oo dunida saddexaad ah, laakiin wuxu ku sii badan yahay dhulka Soomaalidu degto.

In kastoo ay jiraan noocyo kala duwan oo gabdhaha loo gudo, ayna kala halis badan yihiin, haddana nooc kasta oo gudniinka ahi waa halis.

Gudniinka habluhu waa fal arxan-darro ah oo aan ku salaysnayn diin. Waana dhaqan dhaawacaya caafimaadka iyo sharafta qofka oo aan lahayn ujeeddo loo cudur daari karo. Gabadhuhu waxay caafimaad ahaan, nafsi ahaan iyo bulsho ahaanba ku wacan yihiin in loo daayo sidii Ilaahay u abuuray.

Gabadha oo aad u da’yar marka xubinteeda taranka la jarjaro, waxay ku keentaa xanuun ba’an oo sababi karta in ay miyir beesho.  Sidoo kale waxa ku iman kara dhiig-bax keeni kara in ay geeriyooto. Waxa ku xiga caabuq soo noqnoqda oo ku dhaca xubinta taranta ama marinada kaadida iyo cilladdo ku iman kara kelyaha. Haweeenka qaar kaadida iyo caadada ayaa mararka qaar ku joogsata.

Marka gabadha la guursado, waxa ku yimaadda xanuun iyo cillad caafimaad oo ka dhasha galmada. Wakhtiga foosha gudniinku haweenayda wuxu ku keenaa xanuun aad u faro badan iyadoo ay sababto in haweenayda dib loo jarjaro haddana dib loo tolo. Cilladaha ka dhasha gudniinka ee haweenayda ku yimaadda wakhtiga fooshu mararka qaar waxay sababaan geeri.

Somaliland wacyi-gelin badan oo la sameeyey sannado fara badan waxay muujinayaan in uu hoos u dhacayo laakiin weli ku-dhaqankiisu aad u jiro.

Maadaama gudniinku leeyahay dhibaatooyin aan nolosha qofka ka hadhayn, waxa muhiim ah in aad looga taxadaro oo waalid kastaa ubadkiisa ka ilaaliyo.

Ma gaydee gabadhaada, ha u gaysan gudniinka!