Dhibta iyo dheefta caafimaad ee kujirta in ay gabadhu uur ku qaado da’da 40 jirka kadib Q.1aad (WQ: Kamaal Axmed Cali)

Waxaa adduunka ku soo badanaya haweenka hooyo noqonaya xilli dambe oo da’dooda ah. Arrintaas waxaa inta badan lagu sababeeyaa hab nololeedka is beddelay ee adduunka oo kallifaya in waxbarashada iyo shaqada ama diyaarinta xirfadaha shaqo ay qofka ka qaataan sannado badan, taasina ay keento in da’ weyni uu ku guursado. Laakiin arrintan waxaa mar kasta hareer socda hadal haynta la xidhiidha saamaynta caafimaad ee uu uurka da’ weynidu ku yeelan karo gabadha.

Qormadan oo ay faafisay shabakadda wararka ee Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa dhibaatada iyo waxtarka caafimaad ee ay xeeldheereyaasha caafimaadku ku sheegeen uurka afartan jirka kaddib ay gabadhu qaaddo.

–SAAMAYNTA TABAN EE UURKA QAADISTA DA’DA 40 JIRKA KA WEYN–

1. KHATARTA CEEBO ABUUR AH OO ILMUHU YEESHO

Cilmibaadhis ayaa lagu ogaaday mar kasta oo ay sii weynaato da’da ay hooyadu ku uurqaadaysaa in ay sii badanayso filashada ah in ilmuhu uu qaado xanuunka loo yaqaanno ‘Down’ oo ah dhibaato dhinaca abuurta ah oo dhacda marka Koromosoomyada (Chromosome) abuur ee tiradooda dabiiciga ahi ay tahay 46 ay noqdaan 47.

Halkaas koromosoom ee kordhay oo tirsigiisu yahay ‘21’ ayaa sababa xanuunkan oo ah in koritaanka jidhku uu daaho iyo in koritaanka maskaxdu uu la jaanqaadi waayo koritaanka jidhka. Xanuunkan oo leh marxalado sii kala khatarsan ayaa keena naafanimo dhinaca maskaxda ah iyo muuqaalka jidheed ee qofka oo isbeddel ku yimaaddo, tusaale ahaan madaxa iyo dhegaha oo yaraada.

2. UURKA OO DHIBAATO NOQDA

Mar kasta oo da’da gabadhu sii weynaato, waxaa adkaata fursadda ah in ay uur qaaddo. Waxa aanay dhakhaatiirta arrimahan ku xeeldheere aaminsan yihiin in marka da’da gabadhu ay dhaafto 32 sano, in ay bilaabato suurtagalnimada in ay si weyn hoos ugu dhacdo fursadda uurqaadisteedu. Waxa aanay arrintan ku sababeeyaan dhibaatooyin caafimaad oo inta badan da’dan ku bilowda habeenka, kuwaas oo adkeeya hawlgalka bacariminta ogxaanta.

Waana sababta ay dumar badani dunida maanta u isticmaalaan habka ah ku tabarucista ogxaanta, arrintaas oo kharash aad u badani ku baxo.

3. XANUUNADA WAARA

Xanuunnada waara waxa aynu uga jeednaa xanuunnada aan laga filan in laga bogsanayo ee qofku uu la noolaado, sida macaanka iyo dhiigkarka. Warbixintu waxa ay sheegaysaa, dhibaatooyinka caafimaad ee ugu badan ee gabadha soo waajaha. Marka ay dhaafto da’da 45 sano jirku, in ay tahay in uu ku dhaco mid ka mid ah xanuunnada waara, haddii ay taasi dhacdana waxaa qiyaas boqolkiiba 50 ah hoos u dhacaysa rajada uurqaadista. Waxa kale oo ay xaaladdani keeni kartaa in gabadhu ay ilmaha dhiciso ama uu qubto.

Waxa ay khubaradu sheegayaan in sababta da’da iyo uurqaadista isku xidhaysaa ay tahay isbedello qofku marka uu da’dan gaadho ku yimaadda jidh ahaan, kuwaas oo ay ka mid tahay isbedello dhinaca hormoonnada ah iyo dhibaatooyin caafimaad oo inta badan iskala socda da’da.

4. LAFO BURBUR

Cilmibaadhisaha lagu sameeyey xaaladdani waxa ay muujinayaan in dumarka uurqaada 35 sano jirka kaddib, ay khatar u yihiin xanuunka lafaha burburiya / lisa (osteoporosis), khatartaas oo lagu qiyaasay in ay laba-laab ka badan tahay khatarta ay waajahayaan dumarka da’daas ah ee aan uurqaadin.

Talada ugu fiicanina waa in haweenka uurka leh ee da’dan ahi ay qaataan qaataan cuntooyin ay ku badan tahay kaalshiyaamtu iyo dawo Kaalshiyaam ah oo ay marka hore dhakhtar takhasus ah kala tashadeen inta aanay isticmaalin.

5. MACAANKA UURKA

Xanuunka macaanka noocyadiisa waxaa ka mid ah mid xilliga uurka soo baxa.

Sida ay sheegtay jimciyadda xanuunka Macaanka ee dalka Jarmalku, macaanka uurku haddii aan si sax ah loo daweyn waxa uu keenaa khataro kale oo dhinaca dhalmada ah. Kuwaas oo ay ka mid tahay in hooyadu ay umusho toddobaadka 37 ee uurka. Taas oo macnaheedu yahay in ilmuhu uu dhalanayo isaga oo aan weli dhammaystirmin abuur ahaan laakiin nool. Waana sababta ugu badan ee ay u dhintaan carruurta dhalatay.

Sida oo kale macaanka uurku waxa uu keenaa in uu marka dambe uu isu beddelo macaan rasmi ah oo ku dhaca hooyada iyo xitaa ilmaha ay uurka ku sido.

La soco qayb kale