Arbab Khizer Hayat oo culayskiisu yahay 436kg ayaa raadinaya gabadh la miisan ah oo uu guursado

Arbab Khizer Hayat, oo u dhashay Dalka Pakistan ayaa xaqiijiyay in uu diiday codsiyada 300 Gabdhood oo guur ka doonaya,waxaana uu u sheegay in uusan dooneyn gabadh uu ku dhaawaco culayskiisa Awgii.

Gabadha uu raadinayo ayaa waxa uu shuruud uga dhigay in Miisaankeedu ugu yaraan yahay 100kg isla markaana ay ku fiicantahay cunto karinta.

Arbab  dhererkiisu waa 1.93M ama 6 fiit iyo 4 inji, waxaa uu ku quraacdaa subax kasta 36 xabbo oo Ukun ah.

Maalintii waxaa uu cunaa 3kg oo cunto ah iyo 5 LT oo Caano ah, haye hee?

Xigasho: Daily Mail