Dhidar onkod kiciyay (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Bal dadkan markaliya uun wada ambabaray markay ogaadeen in siyaasada Somaliland ku salaysantahay beelaysi eega.  Wixii dagaal ka dhacay wadanka wuxuu ku salaysnaa uun beelaysigaa.

Waxa ka sii daran oo aydaan ogayn in beelaysigani wax jira ahayn ee uu yahay uun wax awrka lagu kacsado. Waar danbay ahaan lahaydba hadii ay qabyaaladiista yihiin eh, qabyaaladan aad moodaysaan inay aaminsanyihiin ma aaminsana ee way ku danaystaan. Arinkan aad aragteen( it’s the tip of iceberg), nimankan sidaad moodaan ka sal ballaadhan eh waxaa is waydiinleh ma tiihaas ayuun baa aynu ku jiraynaa.

Anigu sunaha illaahay ma diidaayo , illaahay wuu karaa in uu si fudud wax ku badalo, laakiin aduunyada asbaab ayay ku salayasantahay asbaabtii oo dhan iyaga ayaa haysta lagu hagi lahaa umada, is badal walba oo yimaad iyaga uun baa ka faaidaysanaya waayo waa shabakad   isku xidhan oo isu keen feeraarisay. Hadii khayraadka dalka la soo saarana iyaga uun baa ka faaidaysan sida ay imakaba hantidii yaryad u boobeen inta kaba qaadka ahna hambada ayay u daadin.

Waxaad tihiin ugaadh didsan, ugaadhu isma way diiso waxa didiyay iyo waxa dhinacaa loogu diday ee marka ay aragto iyada oo la didsan yahay, way  la didaa uun.

Isma waydiisaan wixii koonfur ku geeyay isma waydiisaan wixii landtan ku keenay sidaa uun u didsanaw.

Waxaan idiinku bushaaraynayaa dhidaradan onkod kiciyow sidaas ayaad ku jiraysaan ee ku bushaaraysta tiihaas.

 

Nuur X Xiiray

Nur.hersi21@gmail.com