Diyaarad ka duushay Brazil kuna socotay Colombia oo ay saarnaayeen 81 qof ayaa burburtay iyadoo ku jirta hawada dalka Colombia.
Diyaaraddan oo nooceedu ahaa British Aerospace 146 sababta burburkeedana wali lama caddayn in kastoo la sheegay in wax yar ka dib markii ay ka duushay Bolivia oo ay ku sii hakatay ay roobab mahiigaan ahi ka curteen magaalada Rionegro oo uu ku yaallo maddaarka ay ka degi lahayd ee José María Córdova International Airport.
Diyaaraddu waxay burburtay wax yar kadib saqdii dhexe ee xalay, raadaarraduna waxay muujiyeen intii aanay khadka ka bixin ka hor in ay hawada oo jawigeedu aad u xumaa ay meeraysanaysay.
Dadka saarnaa waxa ka mid ahaa uguna caansanaa kooxda ciyaartoyga kubadda cagta heerka koowaad ee Brazil ee loo yaqaan Chapocoense.
Kooxda Chapocoense waxa u qorshaysnayd in ay Arbacada berito ah la ciyaaraan kooxda xidigaha Atletico Nacionalreer ee u ciyaarta magaalada Medellin ee dalka Colombiya, waxayna noqon lahayd ciyaarta kama-dambaysta ah ee lagu kala qaadoayo koobka loo yaqaan Copa Sudamericana oo ah koobka labaad ee ugu caansan qaaradda Waqooyiga Ameerica.
Kooxda Chapocoense ayaa mar dhawayd bogga ay ku leedahay Facebook-ga ku baahisay ciyaartoygeedii diyaaraddu la dhacday oo u diyaar-garoobaya safarkooda iyaga oo ku sugan garoonka caalamiga ah Sao Paulo’s Guarulhos ee ku yaalla magaalo-madaxda Brazil.
Kooxda Chapocoense waxa ugu dambaysa in ay heerka koowaad ee naadiyada Brazil soo gaadhaan sannadkii 1970-kii, waxayna darajada koowaad soo gaadheen kadib markii ay 2014-kii ka badiyeen naadiga caanka ah ee reer Argentina, San Lorenzo Squad.