Wararka ka imanaya magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ayaa sheegaya in weerar uu ka dhacay jaamacadda magaaladaasi oo ay dhigtaan dad badan oo Soomaali ah. Wararka ayaa sheegaya in sagaal qof ay ku dhaawacmeen weerarkaas oo midkood halis yahay.
Golaha xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka qeybtiisa Ohio, ayaa cambaareeyay weerarkaasi oo lagu tuhunsan yahay in uu fuliyey nin Soomaali ah.
Shir jraa’id oo ay golahaasi si wada jir ah fiidkii Isniinta u qabteen, ayay ku sheegeen in weerarkaasi aanu ka tarjumeyn Islaannimo iyo dhaqanka Soomaalida toona.
Waxay ugu baaqeeyn dadyowga Maraykanka in ay wada jiraan, oo uusan tafaraaruq soo kala dhex galin.
Weerarka ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus ayaa wararka nasoo gaadhaya sheegayaan in lagu tuhunsan yahay in uu ka dambeeyey qof Soomaali ah.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu isku dayey in uu baabuurka uu watay uu dadka jiidhsiiyo kadibna isaga oo mindi wata uu galay jaamacadda isla markaana dhowr qof uu toorriyeeyey.
Wararka ay idaacadda VOA ka heshay dad ka mid ah bulshada ayaa sheegaya in ninkaasi lagu magacaabo Cabdulrazaak Cali Cartan oo 20 sano jir, inkastoo wararka qaar sheegayaan in uu 18 sanno jir yahay, isla markaana uu waddankan Maraykanka soo galay sannadkii 2014-kii.
Ilaa haatan booliiska ayaan si rasmi ah u shaacin magaca qofka weerarka lagu tuhunsan yahay iyo ujeeddada weerarka ka dambaysa toona.
Sucaad Cusmaan oo ka mid ah ardayda jaamacadda dhigata ayaa VOA uga warrantay dareenkeeda xilliga weerarku dhacay waxayna sheegtay inay cabsiweyni gashay isla markaana ay ku sugnayn maktabadda jaamacadda.
Waxay sheegtay in booliisku ay goor dambe fasaxeen dadkii ku sugnaa jaamacadda in ay baxaan, waxaana lagu dhowaaqay in jaamacaddu xidhan tahay.