“Una dhaqan sidaad tahay
Kuna dhaqan waxaad tahay
Lana dhaqan ciddaad tahay”
Waa galab. Waana casar gaaban. Waxa ay qorraxdu usii liicaysaa xaggaa iyo godkeeda. Waxa aan hareer ka fadhiyaa Wabiga Shabeelle. Diyaarna waxan u ahay in aan dalxiiso. Wax badan haddaan xaafadda kaga jirayey nimcada wabiga, maanta waxan u soo banbaxay in aan waqtigayga oo dhan ku qaato agtiisa iyo dhexdiisa, si aan jawigiisa qurxoon ugu raaxaysto, uguna dajiyo nafta, maadaama aan ku jirey dhowr bilood oo halgan ah.
Waqtiga aan joognaa waa dhammaadkii 1959-ka, waa afmeerkii gumaysiga, waana maalmo la urinayo saxansaxadii gobanimada. Ruux kasta oo madaxweyne jeclaa, waa maalin uu is leeyahay waxad hoggaamin doontaa Soomaali oo idil. Mid kasta oo xorriyad jeclaana waa maalmo uu naftiisa uga sheekaynayo hadduun baad alleylehe saan-caddaalaha ka raysan doontaa. Saancaddaale laga raysanayaana ma jiro’e, waaba loo darsan doonaaye.
Waxa hareertayda fadhiya oday aad u weyn, wuxu u muuqdaa qof xikmad badan, waayo-aragna ah, bal waan waydiin doonaa waayo-aragnimadaase. Labadayaduba waxaan indho debacsan ku eegaynaa wabiga, dhago foojiganna ku dhuganaynaa dayaanka ka soo noqonaya wabiga oo aad mooddo in uu xodxodayo laabtayada, xanxantana warkeed haba sheeginba.
Anigu isaga waxba ma dheeri, laakiin isagu dhowr dhinacba aniga waa iga badiyaa, waa da’da iyo cirradaaban u malaynee. Isagu waxa uu ka shaqaynayaa afar dhinac oo muhiim ah: “Aragga, maqalka, urta, iyo ereygaba”.
Odaygu waxa uu ku indho-kuulanayaa quruxda iyo bilicda wabiga iyo xayawaannada kala duwan ee madasha jooga. Ceelo-joog-joogta biyaha dul sabbaynaya iyo shimbiraha dhirta, biyaha iyo hawada u kala gooshaya ayuu indhaha la raacraacyaa. Luuqda ay isu tebinayaan shimbirahaas, dhirta iyo qulqulka biyaha ayuu ku darsaday raadiyow ay ka daaran tahay heestii gumaysi diidka ee uu curiyey Abwaan Barkhad Cas AHN ee odhan jirtay:
“Awowgay ninkii indhaha tirey, ninkii aabbahay addoonsaday…”
Iyo waxyaabo kale oo baas. Inkasta oo aan heestan is moodsiinayo, oo aan is leeyahay inkaar qabe ma adiguu cuqdad kugu beerayaa? Taliyaanigu waa duriyad aad jeceshahaye, muxuu gumaystayaal ugu sheegayaa?
Sidaa ay tahayna, waxaan isku dhaafinayaa codadka shimbiraha agagaarkayga jooga, anigoo hoos ahaan isku weydiinaya: “Car ma qastaa ba? Car mirqaanka ba ma ka jiidhaa? Iyo maya ee wuu ku dili.” Wuu ku dili waxaan u leeyahay waqtigan aan joogno, odayaasha waa laga baqaa.
Ka soo gudub. Waxan u jeestay dhankaa iyo shimbiraha, “Ma u heestaa?”.. “Oo maxaad odhan? “ “Dee wixii yaraantii la odh-odhan jirey”. “Ee tolow maxay ahaa?” “Ee ahaa:
Shimbirayahow heesa, hees wanaagsan heesa, halkan soo fadhiista.”
“Waar mayee odaygaa kula yaabi”. “Waar odaygu sowka laf dhuun gashay kugu noqday”. “Mooyiye ha u fiirsan. Wuu ku dili haddaad heesta qaado, iyo shimbirahaba odaygu waa neceb yahay. Oo yaa kuu sheegay inuu neceb yahay? Mooyi”. Waa su’aalaha aan hoos ahaan isku weydiinayo. Odaygaan ka dhawrayaa, waayo wajigiisu ilama qurux badna. Wuxuu u egyahay raggii talayaanigu ku galay dagaalkii 2aad.
Galabtan waxa soo dhacaysa dabayl qoyan oo wadata neecow udgoon.
Ereygu waa meesha kaliya ee aan arkay ee uu odaygu balo ku qabo. Waxa uu ku dhaga-barjaynayaa ereyo ay xikmadi ka ceegaagto, waxa magow u ah murti, maah-maah, iyo maanso, inta nooc ee afku iskugu yimaaddo. Wuu qayilayaa, waxaana aad mooddaa in uu fadhigan u faruur-xidhan yahay isku illowsiin uu isku illowsiinayo diihaalkii gumaysiga.
Anigoo xaaladdaa u fiir-fiirsi ku jira, dhinacna odayga ka jeedaalinaya, haddana kamaan war la’ayn agagaarkayga iyo waxa ka socda. Koley isaguna kolkii horeba waa iga fiiro dheeraaye.
Hareerta odayga, waxaan sheed ka milicsanayaa xaar-walwaal jooga dhiniciisa. Anigu xaar-walwaalkaas waan himbiriirsi daymoonayaa, laakiin isagu waa quudhsi daymoonayaa.
Waxaan arkayaa xaar-walwaalka oo isku tuuraya biyaha wabiga, tolow muxuu iskugu tuurayaa? Ma noloshuu fahmi waayey? Mayee wuu dabaalanayaa? Oo kaalay xaar-walwaalkuna ma dabaashaa? Inkastoo aan is waydiiyey su’aalahaas iyo kuwo kale oo fara-badan, haddana sidaa ay tahay, xaar-walwaalka lama yaabani, waayo caqli ba male uu halista kaga joogo. Laakiin waxaan la yaabanahay odayga naxariista daran ee miskiinka aan caqliga lahayn ku daawanaya, misne quudhsi daymoonaya, muu ka qabto wuuba ag-joogaaye.
Xaar-walwaalkii isku tuur wabigii. Wuxuu gunta u galay biyihii, laakiin marka aan eego xaaladda wabiga ilama aha in uu nabadqab kaga soo bixi doono. “Waar muxuu isku haligay” waa su’aal isla markiiba maskaxdayda ku soo xaadirtay.
U soo noqo odayga. Marka aan arko wajigiisa, waxa uu iila muuqdaa ma naxe, ma jixanjixe iyo macangag naxariis daran. Wuu iila muuqdaa, laakiinse in uuna ahayn waxaan ku xaqiiqsanayaa:
Mar alla marka uu arko xaaladda xaar-walwaalkaasi ku jiro, naxariis ayaa ku soo xaadiraysa, waxa uuna damcayaa in uu badbaadiyo.
Ugu dambayn, wuxuu go’aan ku gaadhayaa in uu u gacan fidsho si uu uga soo saaro biyaha, laakiin nasiib xumo xaar-walwaalku garabka ayuu u gundhinayaa. Mar 2aad, iyo mar 3aad ayuu gacanta u fidinayaa, misne waa ku guul darraysanayaa in uu badbaadiyo. Anigu intaas sheedda ayaan kala socdaa. Markuu mar 4aad marayo, ayaan damcayaa in aan la hadlo.
Waxaan ku idhi:
“Assalamu calaykum, maxaa meesha ka dhacaya? Mar baad u dhawaaqday, wuu ku diiday, mar 2aad iyo 3aad waad ku hungowday, mar 4aad ayaad haddana gacanta u fidinaysaa. Maad waallan tahay?!!”
Uma joojin odhaahdaydii, iimana jawaabin, waxa uu sii watay hawshiisii, illaa markii dambe uu ku guullaystay in uu soo badbaadiyo.
Soo badbaadin dabadeed, markii uu dhowr goor Alle u mahad naqay, ayuu ii soo jeestay oo uu igu yidhi:
“Wiilkaygii, garab gundhintu waa dabeecadda xaar-walwaalka, jaceylka iyo naxariistuna waa dabeecaddayda. Ha igula yaabin ilaalinta dabeecaddayda, hana igu khasbin qaadashada dabeecadda xaar-walwaalka. Waayo marka aan tiisa qaato waxaan ka tagayaa tayda. Waxaan mar walba jecel ahay in aan is ahaado, waayo in uu qofku is ahaado waa sirta ugu weyn ee uu ku guulaysan karo.”
Wallee waan la yaabay jawaabta degan ee uu i siiyey odaygu, misne waxaan ku idhi:
“Ma arag intii aan soo noolaa jawaab ka degan jawaabtaada. Laakiin is-ahaw!! Waa maxay tani?.”
Wuxuu yidhi:
“Inaad is-ahaato waa in aad ku dhaqanto dabeecadda aad adigu leedahay. Waxaad ogaataa, dunidu waxay ka kooban tahay laba guri iyo baaxad u dhaxaysa; guri waa ka dhalashada, maalintii aad dhalatay cidi kulama socon, mana aad wadan dabeecad qof kale. Gurina, waa ka dhimashada, kaasina cid iyo dabeecad qof kale kugu wehelin maayaan. Baaxadda u dhexaysana waa muddada uu qofku isku qoro bogagga taariikheed ee nolosha, waa muddada uu ku go’aamiyo in uu noqdo qof dhashay, dabadeed dhintay, dhaxalna aan ka tagin iyo in uu noqdo qof dhashay, nolosha dheefsaday, dhaxal badanna ka tagay, oo aan weligii dhimanayn.”
Waa halka ay maansadu tidhi:
“Guriyada ka dhalashada
Iyo kiisa dhimashada
Gaab waxa dhextaal u ah
Uu ruuxu dheefsado
Kana tago wax dhaxal gala.”
Sidee la isku ahaanayaa? Ayaan si dagdag ah u waydiiyey.
Wuxu yidhi:
“Wiilkaygiiyow, si aad u ahaato qofka aad tahay, ha noqon shimbir la dawaafsan karo, ee noqo shimbir iyadu wax dawaafsata. Ha noqon neef loo kaxeeyo waraabka ee noqo mid isagu wax u kaxeeya waraabka. Ha noqon af-ku-itaalle ee noqo addin-ku-itaalle. Haddii ay talo kaa murgacanto, ha noqon kama waantoobe. Haddii madal layskugu yimaaddo na, ha noqon masaasad jaqe. Haddii ay bulsho ku aamminto na, ha noqon mudane iimaan la’. Haddii ay arsaaqdu meel kaa gasho na, ha noqon qof la yidhaa “Allaa u maqan”. Xoogso adiga oo xisna ku daraya. Ha na yeelan muruq bilaa maan ah, iyo maan bilaa muruq ah. U dhaqan sidaad tahay, kuna dhaqan waxaa tahay. Ahow qofka aad tahay. Caawi noolaha, walow uu xaar-walwaal yahay. Kasbo maal iyo magac, kana maaran qayrkaa. Noqo qof dhashay oo aan dhimanayn. Haddii aad meel ku kufto, baro sida loo kaco. Sidaas ayaad isku ahaanaysaa.”
Dabadeed inta uu alaabtiisii aruursaday ayuu iga dhaqaaqay. Alla afka qabay muxuu u joojiyey muu sii wado? Sowka kugu badh-gooyey xikmaddii. Nasiib-xumo, buug ma wadatid, wax badan baad qori lahayd. Ereyo la isku qulaamiyo waxaad maqashay kuwii u qaalisanaa. Intaa intaan is weydiinayay, tage odaygii. Intii aanu libdhin ayaan weydiiyey ugu dambayn magaciisa, anoo codka kor u qaadaya.
Wuxu i yidhi:
“Dhogortii-huwane iigu yeedh.”
Wabillaahi tawfiiq.
Xamse Aadam Daahir “Xikmad”