Wafti ka socda qaadhaan-bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo booqday xarunta kaydka dhuumaha biyaha Hargysa

Wefti ka ka kooban dawladda Somaliland oo ay Wehelinayaan qaadhaan-bixiyayaasha Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) ayaa booqday xarunta kaydka dhuumaha biyaha qaada (Beebabka) ee duleedka Hargeysa, halkaas oo ay yaalaan beebabka loogu talo galay biyo balaadhinta Hargeysa iyo goobaha  ay ka socoto hawsha dhigista beebarka iyo xarunta wax-soo-saarka biyaha ee Geedeebe.

Ujeedada booqashada weftiga ayaa ahayd sidii ay u soo kormeeri lahaayeen mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo ay fulinayso Hay’ada UN-HABITAT oo kaashanaysa Wakaaladda Biyaha Hargeysa Iyo Wasaaradda Biyaha oo ay si wada jir ah u maalgaliyeen Midowga Yurub iyo Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa ayaa waxa uu imanayaa wakhti dadweynaha Hargeysi ka rajo biyo qasabadeeda oo guryahooda ku helaan.

Balse mashruucan wakhti badan qaatay ayaa waxa haatan la wadaa dhigista dhuumaha.

bandhige@gmail.com