“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah Q. 5aad(W.Q: Maxamuud Axmed Oday)

Markuu geelii dareeriyay, geeluna waa fahmayaaye intuu kaadi isla tubay, ayuu sugayaa waddada la qaadsiin doono. Markuu xeradii ka soo dhammeeyay, ayuu galay edeggii nirgaha, oo soo dhufsaday sibraarkii uu xalay mijilay, oo garabka u ritay. Qorigii iyo kashaddii feedha-cadda ahaydna waa sitaa! Cabdi-gaasna, intuu Cali-mahad saaray hashii Gaydho, wuxuu in-yar tuurta u wada ritay, hadhuub-gaalkii, maqaarkii hasha igadhka ah, iyo labadii gudmood ee kala yaraa. Kolkaasuu dhengeddiisii feedhnayd ee galoolka ahaydna halkan kala soo haaday, oo u diyaar-garoobay inuu geela u duubo dhanka odaygu ugu taliyo.
Faarax-goray, intuu geelii dhabbada qaadsiiyay, oo u dareeriyay dhanka waqooyi ee ay xigaan gulaankii, darantii, iyo ceelashii uu geelu ku jeel-beeli jiray ayaa wuxuu hoos ugu gurxamayaa, oo ku laba-celinayaa, oo isku tir-tirsiyayaa “Marmar Sare Weyn;
Magli Mooyee;Musku Qarin Waa!”, oo uu ula jeedo, geela ama hashu xerada ay ku jirto lagaga baqi maayee, waxaa lagaga baqayaa hubka iyo ninka haysta.

Waxa uu si xawli leh, oo feejignaan badani ku lammaan tahay uu geelii u duubayey ilaa iyo intii waagu si fiican u beryay. Markii ay libdhadu dhulka iska soo jartay, oo geeliina toorihii yareeyay, ayuu Faarax-goray sibraarkii ka soo dejiyay degta, oo furtii yarayd ka furay ayuu Cabdi-gaas ku yidhi “War qabo hadhuubka!” Cabdi-gaasna, kama habsaamine, wuxuu hoos-dhigay hadhuub-gaalkii. Qarka markay yimaaddeen caanihii iyagoo xoorinaya, ayuu Faarax-goray oo isha kala socday, fureeyay sibraarkii. Waa la is af-yaqaannaa! Cali-mahad ayuu u dhiibay, isagoo weliba ka taageeraya haynta hadhuubkan buuxa. Cali-mahadna intuu u fadhiisaty ayuu qudh-qudho dhegaha la nabay. Markuu Cali-mahad, ka dhergay caanihii, ayuu Cabdi-gaasna hadhuubkii dhabannada qabsaday, oo sida gafanaha uga soo go’ay. Intaasi haddii ay dhacday, ayuu Cabdi-gaas hadhuubkii oo goc-goc ku jiro isla taagay, oo uu hoos dhigay sibraarkii oo Faarax-goray sidii ula taagan yahay, sidii si la mid ah ayuu furtii yarayd ka furay, oo ku sii daayay hadhuub-gaalkii, markuu qarka yimina intuu ka qabtay ayuu sidii u fureeyay. Intuu sibraarkii oo weli caano ku jiraan saaray geed midhcaanyo ah oo agtiisa ku yaal, ayuu qorigiina dul-saaray, oo Cabdi-gaas ka qabsaday hadhuubkii. Mar qudha intuu u xiiq-tirtay, ayuu hadhuubkii oo madhan dhulka dhigay, oo qorigiisii shanshada qabsaday, sibraarkiina garabka saaray, ayuu inammadii si dhiillo leh ugu yidhi “War ina erya!”.

Geelii oo isba u baahnaa in uu cabbaar daaqo oo hal iyo geed ah, ayaa la soo gaadhay. Cali-mahad waxaa la saaray hashii Gaydho, oo ugu jirta halkii hooyadii Dhudi oo kale. In kastoo ay noloshu ku qallafsan tahay, waxay u eg-tahay in ilaahay u aqbalay heestii ducada xambaarsanayd, ee hooyadii Dhudi markii uu yaraa ay ku sabaalayn jirtay marka uu ooyo, iyadoo intii uu hooyadii la noolaa hurdo iyo lulo waxaan ahayni aanay weligii kaga oohin.
“Caloowa Caloow Caloowa;
Calow Cidla Laga Hayaamay;
Carruurii Laga Xambaartay;
Allow Aanad Carari Waayin;
Allow Aanad Ciil La Ooyin” waa heestii hooyadii Dhudi ku sabaalayn jirtay inankeeda Cali-mahad intaan waayuhu kala irdhayn.

Geelii ayaa mar kale la isu ururiyay, oo dhabbada la qaadsiiyay. Kol haddii aanu maanta iyo berri midna ceelkii uu ka cabbi jiray gaadhayn, colkii iyo gaadihiina dhankii laga filayey uu ka yimi, daaqsin iyo socod isku jira ayuu geelu maanta gelinka hore ahaanayaa, halka gelinka dambe inta la isu ururiyo si dhaqso ah loo carraabinayo, ilaa iyo inta uu ka gaadhayo, xeryo-guulladii uu kalal badan sii galay.

La soco……

 

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland