Waxgaradka deegaanka Qoolcaday oo soo kormeeray mashruuca seeraha Aroori

Odayaasha  iyo Cuqaaasha  deegaanka  Qoolcaday  ayaa safar xaqiiqo  raadin ah waxay ku tageen  Mashruuca Seeraha Xoolaha  ee banka  Aroori  oo ku yaala Duleedka  magaalada Burco.  Wax garadkan ayaa ku soo arkay  mashruuci  Seeraha  oo gebo gebo ku dhaw. Isla markaana la dhamays tiray ceelashii  riig biyoodka  ahaa, xarumihii  dhakhtarada, goobihii xanaanooyinka. Waxayna taasi ka badashay  fikirkoodi  hore ee ay ka qabeen  hirgalinta mashruuca  seerayaasha. Iyadoo aan ilaa hadda la taaban  Seerayntii  deegaanka  Qoolcaday  oo qorshuhu  ahaa in ay mar wada bilaabmaan  ka Aroori.

Odayaasha  iyo waxgaradka  Qoolcaday oo wixii ay ku soo arkeen  safarkoodi  Aroori  xog waran  ku siiyay  Wasiirada  Xanaanada  Xoolaha iyo Qorshaynta Qaranka xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha, waxay cadeeyeen in ay hadda wixii ka danbeeya is barbar  taagi  doonaan  sidii uu u hirgali lahaa Seeraha  Qoolcaday. Mid ka mid ah odayaashii Safarka  ku tagay Seeraha Aroori oo ka waramaya waxa uu soo arkay iyo go’aankooda waxa uu yidhi:

Waxaanu Indhahayaga ku soo aragnay mashruuci Aroori oo socda oo Ceelashii  biyaha la qoday oo dhakhataradii  la dhameeyay. Waxaa naga  baxay hadalkii badnaa tiradii  ee laysla  dhexmaarayay  ee dad dano gaara lihi la haayeen  wax la qodayaa  ma jiraan. Maanta laga bilaabo waxaanu idin cadaynaynaa  inaanu  barbar taaganahay  dhammaantayo  sidii mashruuca Seeraha  Qoolcaday  u hirgali lahaa. Waayo degaanka  iyo Duunyadaba  danweyn  ayaa ugu jirta.  Rer Togdheer Aroori  way ka faa’iidaysteen iyagaa u midoobay.”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdillaahi Cukuse ayaa isna Kulan kaas ka sheegay in uu aad ugu farax sanyahay  in ay intaas oo Waxgarad ahi soo xaqiijiyaan  runta iyo dhaxalka  muuqda ee laga gaadhay Mashruuci  Seeraha Aroori, wuxuuna ugu baaqay odaasha  in ay gaadhsiiyaan  wixii ay soo arkeen dadka deegaankana  isna garab taagan sidii Seeraha Qoolcaday u hirgali lahaa maadaama  oo wakhti koobani  ka hadhay in uu mashruucaasi wakhtigiisu dhaco.

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Cali Salaan Jirde “Cali Shoonba” oo isna ka hadlay war bixintii  odaygaasha  kadib. In uu dadaal weyn u galay sidii dib loogu soo celin  lahaa isaga iyo Wasiir Cukuse mashruuca Seeraha Qoolcaday, kadib markii wakhtigii loogu tallo galay uu dhammaaday . Wasiir Cali Shoonbe  wuxuu kula dar daarmay  Cuqaaasha iyo Waayeelka  deegaanka in ay la shaqeyaan  oo la badbaadiyaan  sidii loo xaqiijin  lahaa mashruuca Seeraha Qoolcaday oo deegaanka  wax weyn ka badali  doona una soo kordhin  doona.

bandhige@gmail.com