Boobe shakhsiyan isuma naqaano, laakinse waxaanu kuwada xidhiidhnaaa Emailada gaar kuwa ku saabsan waayaha iyo siyaasada Somaliland. Sida ka muuqan jirtay qoraaladiisa, wuxuu ahaa nin waddani ah oo jecel Waddani .
Wuxuu qayb wayn ka qaatay diyaarintii qabyo qoraalka barnaamijka Waddani, waxaanu soo saari iyo tifaftire “editor” ka ahaa jariidada “Wadaag”ee xisbigu soo saari jiray, laakinse haatan hakad ku yimid oo aan soo bixin beryahan dambe.
Dhowaan ayay ahayd markii uu la socday weftigii Guddoomiye Cirro ee socdaalka ku soo maray gobollada Galbeed gaar ka Gabiley oo uu hormuud ka ahaa.
Sidoo kale Dhowaan ayey ahayd markii uu Guddoomiye Cirro kala tashady xilka Madaxwayne Siilaanyo u magacabay ee Ictiraaf raadinta.
Suaa’shu waxa weeye , maxaa isku beegay xilka tegista Boobe iyo bilowga wadahadalka Waddani iyo Isbahaysiga Kulmiye? Jawaabtu waxa weeye Xirsi iyo Boobe xisbi ma wada qaadi karo.
Waxa la wada ogyahay in Boobe iyo Wasiir Xirsi isku dhaceen, markii ay xilalka hayeen. Sida uu Xirsi sheegay, wuxuu Boobe ka duubay hadal telefoon ah oo uu sharaftiisa iyo karaamadiisa wax ugu dhimaayo. Arrinkaasi wuxuu soo dedejiyay istiqaaladdi Boobe ee Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Wuxuu ku soo biiray Waddani si uu ula dagaalamo Wasiir Xirsi iyo Xukuumadda uu ku jiro.
Xirsi iyo Isbahaysiga Kulmiye waxay wada hadal la bilaabeen Waddani, waxaana 70% laga yaaba in ay ku biiraan. Boobe godkiiisii biyo ayaa ugu galay, waxaanu go’aansaday in uu ka baxo Waddani.
Boobe waa nin degan, af-tahana, sugaanta ku fiican, laakinse waxaad mooda in uu layli ku yahay siyaasadda.
Drs Hoodo Yusuf, UK, London.