Wasaaradda Qorshayntu waxay tobabar u furtay shaqaalaha waaxaha Qorshaynta iyo Xogta

Tababarkan socdeena muddo 7 cisho oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorshaynta ayaa waxa uu maanta ka furmay hudheelka Maansoor, tobabarkan ayaa waxa lagu barana doonaa culuum ku saabsan mala-awaalka la xidhiidha korodhka Bulshada, Saadaalinta Mustaqbalka marka laga eegayo dhinacayada kala duwan.

Ujeedada tobabarkan ayaa waxay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa xirfada aqooneed ee shaqaalaha waaxaha qorshaynta iyo xor-ururinta.

Tobabarkan ayaa waxa maal-gelisay Ha’yadda Qaramada Midoobay ee UNFPA.

Tobabarka ayaa la filayaa in uu wax weyn ka tari doono shaqada ay hayaan waaxaha Qorshaynta iyo Xor-ururinta wasaaradda Qorshaynta taasi oo aad heli doona xogo badan oo dhamaystiran si ay wasaaradda Qorshayntu u soo samayso qorshayaasha dhabta ah ee baahiyada dadweynaha.

bandhige@gmail.com