Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.4aad (WQ: Xasan Ciise)

Culayska Musharax-ku-xigeennada

Xisbiga Waddani waa xisbiyada siyaasadeed ee waddanka sharci ahaan uga jira kan ugu da’ yar, waxaana la aas-aasay sannadkii 2012-kii markii la oggolaaday in ururro siyaasadeed la furo taasi oo ka mid ahayd ballan-qaadyadii Kulmiye ku galay doorashadii madaxtinimo ee 2010-kii, labada xisbe ee kaleba waa ka guunsan yihiin isaga.

Ilaa hadda waxaa la yidhaahdaa Waddani ma ah xisbi bislaaday oo haykalkiisa maamul wada dhan yahay waxaana wali qabyo ah golaha dhexe oo aan ilaa hadda la ogeyn inta ay tiradiisu noqon doonto, waxaa kale oo qabyo weyni wali ku jirtaa cidda noqon doonta Musharaxa Madaxweyne-ku xigeenka-xisbiga. Malaha waa geed ka go’an iyadu cidda noqon doonta musharaxa madaxweynaha oo waxaa si iska dabiici ah la iskaga oggol yahay in Cirro jagadaas ku suntan yahay.

Hadda waxa ugu cad cad nimanka isku haya jagada musharax ku-xigeenka Axmed Muumin Seed iyo Maxamed Cali, inkasta oo ay jirto warar ay faafiyaan taageereyaasha Cabdirashiid Xasan Mataana oo ay yidhaahdaan waa musharax haddana isaga wali lagama hayo waan taagan ahay. Markaa Mataan ha ii joogo ee waxaan aan isku dul taagayaa labada nin ee hore oo aan isku dayi in aan caddeeyo saameynta ay ku yeelan doonaan xulashadooda mustaqbalka xisbiga Waddani.

Saaxiibtinamada Seed iyo Cirro waxa ay ka soo bilaabantay markii ay isku ahaayeen ama ka wada tirsanaayeen xisbiga UCID loona tartamayey  doorshadii Madaxweynaha ee sannadkii 2010-kii ee Kulmiye guulaysatey. Waxaa kale oo ay isku jaalle ahaayeen labada nin khlaafkii weynaa ee soo wajahay xisbiga UCID taasi oo ay ka dilaaceen xisbigaas sannadkii 2012-kiina ay amaamudeen xisbigan curdinka ah ee Waddani.

In kasta oo saaxiibtinamadaas dheeri ee labada oday u dhaxaysa jirto haddana siyaasaddu waa maslaxad ee saaxiib joogto ah ma leh, waase is og yahay Seed oo malaha taasi wuu ka tabaabulshaysan.

Aan ku noqono Maxamed Cali iyo Cirro waxaa la ii sheegay xidhiidhkoodu in u taxan yahay ilaa waagii dawladdii milataraiga ahayd ee Soomaaliya oo labaduba Safiirro ka soo noqdeen, waxaase Maxamed saaxadda siyaasada Somaliland mudh ka soo yidhi sannadkii 2012-kii markii ay sameysteen ururkii Waddani ee maanta xisbiga noqday, mana sahlana tartanka hor yaallaa oo waa uu ogyahay saaxiibkiisan kale ee reer Awdal magaca iyo halganka dheer ee uu u soo galay xisbigan taasi oo cidhiidhi badan galin karta.

Labadan siyaasi mid kasta waxa ka danbaysa beel weyn oo aan  la dhayalsan karin taasi oo haddii ay Waddani ka waydo wax hungurigeeda mara oo ay miliqsato ay u jabi doonto meel kale oo ay taageeradeeda ku wareejin doonto.

Dadka siyaasadda Somaliland dhuuxaa waxa ay dhaliil weyn u soo jeedinayaan Guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna musharaxiisa aan cidi wali taraxin, waxaana la is waydiinayaa sababta uu ku-xigeennadiisa midba cad gooni ah ugu qancin la’yahay taasi oo u sahli lahayd marka ay shirweynaha qabsadaan in uu yaraado dildillaaca xisbiga ku dhi kara isla markaana fududayn lahayd in is-af-garasho timaad shirweynaha hortii.

Waxaa kale oo ilaa hadda aan caddeyn in ay hay’adaha xisbiga ee kala duwani ay dhammeys tiran yihiin oo ay wada jiraan, waxaana la sheegayaa ama hadal-hayntu u badan tahay in aanu wali jirin Gole Dhexe oo buuxa oo  xubanaha xisbigu isku raacsan yihiin, taasina haddii ay dhab noqoto waa mid muujinaysa qabyo weyni in ay ka dhex jirto xisbigan, maalinka uu shir weyne qabsadana ay dhici doonto is-qab-qabsi iyo khilaaf ka weyn kii Kulmiye ka dhex dhacay taasi oo fursad badan siin doonta xisbiga Kulmiye.

 

IMG_0444Muuse

 

Hoos ka akhri qaybihii hore ee faallada:

Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.1aad

Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.2aad

Faallo: Tartanka Biixi iyo Cirro u dhaxeeya fari kama qodna, Q.3aad

 

Waxaa Qoray: Xasan Ciise