“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 14aad

Jinaw, ayaa is hayn kari wayday, oo Cige ku tidhi “In Shaa’ Allaahu, galabta ayaa taladiinnu wanaag ku idlaanaysaa. Hannaga wer-werin”. Cige ayaa yidhi “hawraarsan” iyo nabad-gelyo oo ku noqday fadhiisinkii colkiisa.

Isagoo aan Cige weli libdhin, ayay Jinaw ku soo jeesatay Dhudi oo canaan u saar-saartay. Eeddo, maxaad ninka jawaab u siin weyday, ayay iyadoo amankaagsan ku tidhi, Dhudi. “Oo eeddo ninku ma iga war-hayaa, in aanan ahayn cadrad ugub, ee aan ahay gabadh carmal ah, oo la soo furay, oo weliba wiil ka maqan yahay” ayay Dhudi ku jawaabtay. “Anigaan kuu sheegine, intaaba wuu kaaga war hayaa”, ayay Jinaw ku tidhi Dhudi. Oo weliba intaa kuma daynine, tidhi “Eeddo ninkaasi hadduu galabta innagu soo noqdo, ka yeel oo la dhis reerkaa uu doonayo in aad la dhisto”. Jinaw, wixii ay su’aalo weydiisay Cige, dhammaan sidii ay ahaayeen ayay jawaabihii uu bixiyey ugu sheegtay Dhudi, oo weliba ku qancisay in uu yahay, nin ay ka muuqato daacadnimo badani.

Cige wuxuu gaadhay goobtii shaqada, kolkaasaa Daahir si sarbeeb ah u waydiiyay, in hawshii u hagaagtay iyo in kale. Cige waa iska dhega-maray, hadalkii Daahir, oo sidii nin aan maqlayn hawshiisii iska watay.

Galabta la ballamay, saddexda qof ee ballamay mid walba kaga badan, toddoba galbood. Dhudi, waxaa ka degi la’ in iyadoo muddo saddex sano gaadhaysa joogtay magaaladan, oo aan arag nin xiloodiya, uu maanta wiil bar-baar ahi u soo baxay, oo weliba uu ka codsanayo in aanay diidin. Waxaa ka degi la’ muddadaa saddexda sano ah oo dumar u kood-kalaama mooyaane, aanay magaalada ku arag cid u jiidh-naxda, oo aan ka ahayn eeddadeed Jinaw, in maanta ninka quruxdaa leh, ee weliba doob-ka ahi uu doonayo. Cigena, wuxuu ka fekerayaa sidii gabadha dhegtaa lihi aanay u dhaafteen. Mar-mar ayuu ka fekeraa, bal in ay cidi dhinac kale kaga jirto iyo in kale. Wuxuu xasuusanayaa, odhaahihii haweenka lagu odhan jiray, ee ay ka mid ahayeen “Kun bay u Sheekaysaa, Oo Kow Ka Raacdaa” iyo “Kas Naageed, Oo Kada-loob Rag Kaaga Dambeeyay, Kaad Ku Ogaydba Maaha!”. Oo loola jeedo, sheekada haweenku, inta badan waa kolba ninka ku dambeeya. Kolkaasuu haddana yidhaahdaa, wax kasta oo ay kugu qaadanayso, gabadhaa nin kale ha uga tegin. Jinaw, dhinaceeda waxay is-leedahay oo ay aad u doonaysaa, in ay Dhudi reer yeelato, carruur badan oo ay ku il-doogsatona u dhasho Cige-dheere, wiilkeedii Cali-mahadna soo kaxaysato, oo ay halkaa ka bilawdo nolol wanaagsan, oo badhaadhe ah.

Galabtii ayaa la gaadhay! Jinaw waxay halkan soo fadhiisisay Dhudi, oo u sheegtay in haddii aanay ninkaa soo codsaday yeelin, ay noqon doonto calafla’. Jinaw, kolba inta ay qoorta sare u yar taagto ayay isha ka lalisaa muska, oo ay jeclaan lahayd in mar uun Cige soo muuqdo. Haddii ay in-yar fadhiyeen hadh-galabeedka baxay ee geedka maraaga ah ee ku yaalla qol-qolka, ayaa waa Cige iyo Daahir oo sida ay u xarragoonayaan aad yaabto! Waxaaba aad mooddaa nin caruus ah iyo min-xiiskiisii. Salaama-calaykum iyo calaykuma-salaam. Daahir, oo dhoolla-cadaynaya ayaa Dhudi ku yidhi “Inaadeer hanna xiijine, dumarku keligaa maahee, haddii Cige oo noogu fiicani ku soo doonay, maxaad noo laba-celin”. Dhudi, xishood bay la hogatay, oo ma hadlin. Jinaw ayaa hadalkii qaadatay “Waaryaa! Waa ninka, waa af-dheeridiinniiye, ma laga yaabaa labadaa qof ee calaf-doonka in aad ku kala dhabato, oo xumaan dhex-dhigto”. Intii aanu Daahir hadlin, ayaa Cige hadalkii qaatay oo yidhi, “Xaasha! Daahir xumaan nama dhex-dhigayo, ee wanaaggayaga ayuu jecel yahay, waa se, haddii aannu aniga iyo Dhudi is-af-garano”. “Ballan hebeennimo kaakac orooryuu leeyahay! Hadalka halkii aynu ku kala tagnay, ee uu inoo joogay aynu ka amba-qaadnee, Dhudiyay adiguu ku joogaa” ayuu ku daray Cige.

Dhudi ayaa hadalkii qaadatay, oo intay dhiirratay tidhi “Hawshii aad tidhi ila qabo, iyo reerkii aad tidhi ila dhis waan kaa aqbalay, waana aan kula dhisayaa”. Haddii intaasi afkeeda ka soo dhammaatayna, Daahir ayaa saddex-booddo, sacab iyo jaan-gaaban is-raaciyay, oo sidii shilin la tuuray ciyaar soomaali is-laba-rogay. Jinaw-na iyadoo aan is-ogayn ayay mashxarad isla taagtay, oo sidii faras dananaya u codaysay.

La Soco…

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland