Waayoo aragnimo (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Inkastoo noloshu tahay xidigis u dhexeeya habeenada la nool yahay oo aan lahayn sadaal la hubiyo sahan lagu guuri karo, xawawarka iyo geeddiga  aad soo martay muddadii koobnayd ee aad jirtay kama duwana cilmi lagu barto dugsiyo sare oo leh hagayaal iyo barbaariyayaal nololeed. Guul iyo gobonimo midkoodna kuma jirto, marka weelkii lagu dhami lahaa iyo kii lagu dhitaysan lahaa waayo aragnimada nolosha uu kaa liido, xeelad xumi iyo is-xambabuur aan xikmadaysanyn  oo haleela  dadka lana kulmaan dhacdooyin isku cayn ama tixraac ah, dhacdooyinkaas dadku  u yeelan waayaan  adkaysi iyo khibrad toona waxa lagu tilmaamaa waayo aragnimo la’aan.

Waxaa nolosheena loo tiiriyay dhamaad aan lahayn soo noqosho iyo bilow dhowrsan oo nadiifnimo iyo diracnimo labadaba aad ku dhexjirto, waxaase u dhexeeya muddo kooban oo aad haysato fursad aad ku hagaajin karto gunaanadka safarkaaga aan lahayn soo noqodka. Safarada la galaa  isku saanad iyo sahay toona maaha, waxaa jira socdaalo habeenkii la guureeyo iyo kuwa maalintii la jiidaalo, dadku isku itaal iyo tabartoona maaha oo waa loo kala adkaysi badan yahay mugdi, jiilaal, jariimad  iyo dhaxanba. waxaase laga dhaxlaa khibrad iyo jirrab la dhitaysan karo, intaas oo dhan waxaa laga helaa waayo aragnimo.

Waayo aragnimadu waxaa laga soo xigtaa kitaabkeena suuban oo qisooyin badani ku jiraan iyo  dadkii ka horeeyay ‘’Dhulka socda waxaad arkaysaan cidhib xumida dadkii beenalayaasha ahaa’’ waa aayad Qur’aan ah ‘’nimaan dhul aragi dhaayo ma leh’’ ‘’xog waayel baa laga helaa’’ xadiis laga soo weriyay suubanihii Rasuul Maxamed SCWS wuxuu yiri “Qofka mu’minka ah god laguma wada qaniino laba jeer’’, Xogaha ay ku hibeeyeen xigashooyinkaas kala duwani  waa majare hagaagsan oo toosan,  hadaad si wanaagsan u weelayso, si aad u xulato godadka nabdoon iyo geeddi tudhasho leh.

Waayo aragnimo waxaa lagu qeexaa inaay tahay aragti taagan oo aad bar-bar dhigtay dhacdooyin aad hore usoo aragtay ama aad sheeko ku hayso sida ay wax u dhaceen iyo sida uu xaalku yahay maanta.

Fikradaha waayo aragnimada lagu bartaa waxaay maraan afar qaaybood:-

  1. Khibrad adag oo aad u leedahay dhacdooyinka socda iyo kuwii soo dhacay, waa in ay jirtaa bisayl aad si wanaagsan u xasuusato.
  2. Muuqaal celin aad ka heshay indho-indheyn aad ku sameysay xaalado taagan iyo kuwo hore u soo dhacay ama kuwa dhacaya oo aad ka helaayso khibarado waara.
  3. Inaad fikradaha u bedesho oo aad u rogto xigmado waara dadka waxaad ka fa’iido adoo adeegsanaya xikmadahooda ama xeeladahooda.
  4. In ay jirto firfircooni tijaabo oo lagu rog-rogayo xikmadaha dhacaya iyo kuwaad sheekada ku helayso.

Aadmuhu waxa uu sameeyaa dhowr korrimaad oo kala duwan: mid jidheed, mid maskaxeed, mid waayo aragnimo. Qofku jismiga iyo maskaxdu in ay koraan waxaa loo aaneeyaa arimo badan sida: caafimaadka, duruufta nolosha (mid wanaagsan iyo mid addag) cilmiga iyo akhirska, lakiin waayo aragnimada iyo khibraddu waxa ay  ku xidhan tahay qofka siduu isugu taxalujiyo raadinta barashada dhul badan, aragti badan, dad badan iyo  raadinta is-bar-bardhiga wixii uu shalay soo arkay iyo waxa maanta socda.

Khibradaha laga dhaxlo nolosha guud ahaan waa ay kala duwan tahay dadkuna sidaas ayay noloshoodu tahay ama laga dareemaa inuu haysto waayo aragnimo heerkaas gaadhsiisa,  tusaale ahaan dhib ku korka noloshu waxuu  inta badan ka sheekeeyaa  badhaadhihiisa aan badnayn, dheef ku kor kuna inta badan jabkiisa kooban ayuu kaaga waramaa, barbaartuna waa labadaas qoloba dhan xiseeysa, waxaase ku jira xikmado wanaagsan  oo lagu  ogaado in ay jirto duruufo kala duwan, duruufahaas oo u baahan aragti dheeraad iyo dadaal adag si looga samato baxo ama loo sii badiyo guulaha  is-bedel doonka.

Xogaha aad haysaa waxa ay waxtari karaan bar-baarta maanta, waayo aragnimada waxaa loo kala bixiyaa sida loo kala deeqsisan yahay, sidoo kale waxaa qofku ugu bakhaaylaa sida dadku u  kala lexejeclo badan yahay, waxaa jira farqi lexejeclo waayo aragnimo iyo mid hantiyeed.

 

WQ: Xasan Cabdi Shire

Email: shire202@gmail.com