Maxaad ka taqaan Yuhuuda? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Nabi Ibrahim Illaahay laba wiil ayuu siiyay midwalba sifa gaar ah ayuu Illaahay Qur’aanka ku sheegay, Nabi Ismaaciil wuxu yidhi (qulaamun xaliim)ilmo dulqaad badan, Nabi Isxaaqna wuxu yidhi (qulaamun caliim) ilmo aqoon badan.  Maanta yuhuudu sifadaa Illaahay siiyay ayay si qaldan u adeegsadeen dhibtaa maanta bani aadamka haysatana iyagaa inta badan wada, iyada oo dajjaal fuushan yahay, nin Yuhuudi ah ayaa yidhi:

“Maalinta dawladda shaydaaniga ah ee Israa’iil la waayo ayaa caalamku wada islaamayaa.”

Ninkale oo yuhuudi ah ayaa yidhi:

“Muslimiintu waxay naga guulaysanayaan marka ay Salaada subax u tukadaan sida ay Jimcaha u tukadaan.”

Bal ka warama Salaadeena subax masaajidadu sida ay yihiin, markaas ayaynu guul raadinaynaa.

Yuhuudu sida Illaahay Qur’aanka ku sheegay Muslimka ayay ugu neceb tahay, Illaahay wuxu yidhi (ina ashada naas cadaawtan liladiina aamuna alyuhuuda waladiin ashrakoo…..)dadka kuwa ugu neceb kuwa iimaanka laga helay waa Yuhuuda iyo mushrikiinta.

Sifo kale ayaan kuugu dari lahaa iyagoo Muslimka ugu neceb hadana waxay ugu neceb yahiin tarankii Nabi ismaaciil. Nin Sheekha ayaa yidhi:

“Dadka waxa ugu nasiib xun kuwa uu qadarku ka dhigay in ay Islaamka la dagaalamaan oo waa yuhuuda. (the Jewish were destined to fight Islam).”

Nin gaal ah ayaa ka hadlay Yuhuuda wuxu yidhi ma jirto mujtamac ku nool adduunyada oo ayna dhexgalin, inaguna mujtamaatka adduunka ayuun baynu ka mid nahay, waliba Muslimnimo iyo tafiirtii Nabi Ismaaciil inoo dheer tahay, had iyo goorna waxay ka shaqeeyaan basaasnimo, dagaal oogis iyo dadka oo ay isku diraan, waayo ma xukumi karaan dadka haddii ayna isku dirin, Madiina intaan Rasuulku iman scw labadii qabiil ee daganaa Aws iyo Khasraj sidaa ayuun bay iskugu diri jireen, inaga dagaalo badan oo qabaa’ilka dhex maray iyagaa ka dambeeyay, cisaabadaa reerah dhex gashay, haddii aanay ahayn dadkale maxay dadka u adoonsanayaan, ee ay u xiniinya siibayaan, haddii aanay cidkale  ahayn maxay  wadaad iyo waranle daaha dabadiisa uga  maamulaan, haddii dhaqdhaqaaq waddaniyeed yimaad qaar iyaga ah ayay ku darayaan, haddii mid qabaa’il yimaad qaar iyaga ah ayay ku darayaan, si aan loo garan oon loo fahmin.

Nin baa iiga sheekeeyay sheeko markii waddanka lagu soo noqday, nin Soomaaliyeed ayaa waxay is barteen nin Ingriis ah, maalintii danbe ayuu ninkii Ingiriiska ahaa ku yidhi:

“Aabahay ayaa doonaya inu kula kulmo.

Markii ninkii Soomaaliyeed iyo odaygii Ingiriis kulmeen ayuu odaygii Ingiriis ku yidhi;

 

‘Ma dhulkii llaahay ayaad ka timid.”

Ninkii Soomaaliyeed ayaa la yaabay oo waydiiyay wuxu uga jeedo, odaygii Ingiriis ayaa yidhi:

“Markii ingiriisku gumaysanaayay woqooyiga, sun ayaa naloo dhiibi jiray si aanu ugu buufino waxa nool oo dhan dad iyo duunyo anagoo dadka ugu sheegayna in aanu Ayax buufinayno, Illaahay waxa kale uun buu usoo diri jiray suntiiba waxba kama jiraan.”

Miyaanu dhulkii markaa dhulkii illahay ahayn.

Ninbaa ka hadlay qaabka dagaalka waa saddex ayuu yidhi:

“Haddii aad istaqaan laakiin aanad cadawgaaga aqoon boqolkiiba 50 ayaad guulaysanaysaa, boqolkiiba 50 na waa lagaa guulaysanayaa, haddii aad istaqaan cadawgaagana aad taqaan boqolkiiba boqol ayaad guulaysanaysaa, haddii aanad is aqoon cadawgaagan aanad aqoon boqolkiiba boqol ayaa lagaa guulaysanayaa.”

haddaba inagu qaybtee ayaynu soo galaynaa waxaynu soo galaynaa qaybta saddexaad inaguna isma naqaano cadawgeenana ma naqaano markaa marwaba waynu jabaynaa sidii lixdankii aynu u jabnay, imikaba waynu  jabsanahay laakiin isma ogin.

Markaa mushkilada ina haystaa waa dadkaa laynagu dhexbeeray ee aynaan garanayn ee cadawga ah.  Markaa marwalba waynu jabaynaa maxaayeelay maba naqaan cadawgeena.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com