“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 16aad

Salaadii subax ka dib, ayay Dhudi kacday, oo intay qaraf ka soo qaadatay gedaanka haanta qabada ah, ee aan weli la xoolayn ee ka midka ah gur-gurka teedsan aqalka Jinaw, ayay debedda u baxday si ay dab u shiddo. Jinaw oo iyaduna jarmaadsan oo doonaysa in ay reer Cige quraac u samayso ayaa kadinka qol-qolka lagu kulmay. Ooddii, ayay ka rogtay, waa la is-bariidiyay “Barinay iyo barinay”. Dhudi weli waa xishoonaysaa. Jinaw ayaa tidhi “eeddo ha xishoone, shalay maqribkii laga bilaabo affo xil saaran yahay baad tahaye, orodoo aqalka ku noqo, oo daqiiqdii tenegga ku jirtay, in soo shub”. Sidaa ayaa reerkii xalay martida ku ahaa guriga Jinaw, loogu sameeyay quraac. Kolkii ay quraacdeenna Cige wuxuu qabtay shaqadiisii.

Maalintiiba, Cige iyo saaxiibkii Daahir iyo nimanka ay ka wada tirsan yihiin ciidanka waxay u ahayd kaftan ku saabsan, Cige iyo nasiibkiisa “Haween Iyo Fardoba Waa Hoodee” ilaahay ha isu kiin barakeeyo, ayuu ahaa gunaanadka kaftanku.

Dhudi, oo jawigeedu aad uga duwan yahay sidii uu ahaa shalay iyo wixii ka horreeyay iyo Jinaw ayaa isku soo hadhay. In kastoo, Dhudi ay heshay wehel aad u wanaagsan, kalsooni badan iyo dugsina uu u muujiyay saygeeda Cige, weli waxaa ka maqan curadkeedii Cali-mahad. Cige, wuxuu u sheegay ooridiisa cusub ee Dhudi, haddii uu ka tallaabsan karayo dhaqanka deegaankan yaalla, inuu intuu gaadhi RL ah kaxaysto, cagta ku baadi dooni lahaa Cali-mahad oo u keeni lahaa hooyadii, si ay u weheshato. Tani, waxay niyad-wanaag iyo kalsooni gelisay Dhudi.

Dhudi waxay Jinaw ku war-gelisay in Cige uu doonayo, in uu deg-deg ula wareego, oo uu maanta weydiisanayo taliyihiisa guri ka mid ah guryaha cusub ee loogu talo-galay xaasleyda bilayska. Waxaa kale oo ay u sheegtay, in uu u samaynayo aroos weyn iyo alla-bari aan isagoo kale hore loo qaban. Jinaw oo ku faraxday qorshaha Cige, ayaa Dhudi ku tidhi “Eeddo waa nin qiimo lehe, sidaa uu ku taliyay adiguna la yeel”, Dhudi oo u qushuucday ammaanta Jinaw ay saygeeda ammaantay ayaa tidhi “Eeddo mar hore ayaan ka yeelay”.

Toddobaad ka dib ayaa la dhigay arooskii reer Cige, oo inta awr gool ah iyo toban adhi ah lagu qalay, uu noqday aroos aan isagoo kale hore uga dhicin magaalada. Sidaas ayay Dhudi ku noqotay marwo qiimo leh, oo ninkeedu sida muraayadda isugu daawado. Dhudi waxaa u soo noolaatay rajadii adduun ee ay mar quus ka joogsatay, oo waxay deggan tahay guri ka kooban qollaal fara-badan oo loogu talo galay, saraakiisha iyo saraakiil-xigeenka bilayska uu qortay ingiriisku. In kastoo, aan weli la sarkaalin Cige wuxuu ka tirsan yahay ragga loogu xushmad badan yahay dhiggiisa dableyda ah ee bilayska. Hawl-karnimadiisa, asluubtiisa, kartidiisa, direys-qaadkiisa, dhaqan-wanaaggiisa iyo cod-karnimadiisuba waxay tilmaan ku dayasho ah u yihiin ragga ay ku wada jiraan hawshan askarinnimo.

Intii reer Cige arooska ahaa, Cige waxaa min-xiis iyo wehel-ba u ahaa Daahir oo ay saaxiib isku dheer yihiin. Dhanka kale, Jinaw waxay u taagan tahay soddoh qiimo leh, iyo wehelka kowaad ee ay Dhudi haysato. Sidaas, ayaa reer Cige kaga mid noqday qoysaska deggan magaaladan gaar ahaan laynka bilayska ama Indian line-ka qofba sida uu u yaqaanno.

In kastoo, ay Dhudi nasatay oo dareentay raaxada nolosha lammaanaha is-calmada iyo quruxda uu leeyahay guurka aan ku iman sida can-ka-mudka ahi, haddana weli waxaa damqanaysa dhibaatadii ay kala kulantay maqnaanshaha curadkeedii Cali-mahad. Weli waxaa u sawiran, sidii ay u naxday markii loo sheegay in wiil yar oo geel-jire dayacay uu libaax la tegay.

La Soco

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Somaliland