Afhayeen u hadlay dawladda Liibiya ayaa sheegay in ay qabteen todobo doomood oo siday dad ka kala yimid dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo ay ku jiraan 79 haween ah oo 11 ka mid ah ay uur leeyihiin.
Doomahaas waxaa laga qabtay meel u dhaw Sabratha oo galbeedka ka xigta magaalada caasimadda ah ee Tripoli.
Sannadkan gudihiisa ayaa waxa ka gudbay Liibiya oo gaadhay Talyaaniga In kabadan soddon kun oo muhaajiriin ah.
Iyadoo doomahan lagu qabtay Liibiya ayaa waxa Turkiga gaar ahaan magaalada Istanbuul ka furmay shirkii koobaad ee caalamku uu uga arrinsanayo arrimaha banii-aadminimada ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay.
Hogaamiyeyaal dalal, hayโaddaha gargaarka iyo kuwo kale ayaa ka arrinsan doona jawaab celinta maaliyadeed ee arrintan iyo sida ugu wanaagsan ee loo gargaari karo ku baahida wayn qaba.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 15 bilyan oo doolar ay ka hoosayso kharashaadka gargaarka ee sannadkii loo baahan yahay, lacagihii iyo deeqaha la helaana aanay dhaafsanayn arrimaha aasaasiga ah.
Si kastaba ha ahaatee hayโdda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa diiday in ay ka qayb gasho shirkaas, waxayna ku doodayaan in aan dawladdaha culays lagu saarin in ay jabiyaan xeerarka xuquuqda aadanaha isla markaasna aysan ka soo bixi doonin balanqaadyo cusub.