“Dhudi Iyo Curadkeedii Cali-dhawaaq” Sheeko Taxane ah. W/Qoray: Maxamuud Axmed Oday -Qormadii 3aad

Dhawaaqa garrida iyo caroogga ayaa markiiba isu yeedhay! Raggii geelasha abbaanduulayaasha u ahaa iyo wixii dab lahaa oo dhan ayaa bar keliya isugu yimi. Goobta la isugu yimi waa bar-kulan hore loo calaamdsaday, oo haddii la maqlo dhawaaqa caroogga ama garida, aan laga maqnaan karin!

Faarax-goray oo guntiga labada law in weyn kor u dhaafiyay, oo shanshada haysta maadhiin-yarihii ayaa soo gaadhay goobtii bar-kulanka ahayd. Afar raggii uu goobta ugu yimi ah ayuu ula gadh-rooray xaggii raadkii gaadaha ahaa ee uu arkay. Haddii la soo gaadhay dugsigii colka gaadaha ahi fadhiistay, ayuu Faarax-goray yidhi “Colka ina sahamiyay, waa laba nin inta aan raadkooda arkay. Inta aan hubo, hal qori oo aan uustar-gaab u malaynayo ayay sitaan”. Haddii ay isa soo rogeen, oo col-waynihii u yimaaddeen ayaa talada la halaambeeyay. Halku-dhiggu waa talo col ninbaa loo daayaa! Jaamac-dhagar oo la tuhunsan yahay inuu lib-cas dhashay ayaa jooga, oo marka ay talo-colaadeed noqoto, aan dabadii la odhan. Isagoo aan ku hawshoon, ayuu raggii qorsheeyay. Saddex dab leh, oo Faarax-goray hor-jooge u yahay ayuu u qaybshay in ay kor-jooge tagaan, oo u baxaan kurta geelu uu tiigta ku gaadho. Waa kur ka dheer aroorrada iyo carrisyada isku googo’an ee geel-joogeenka ah, ee geelashu daaqaan. Kor-joogahaasi, haddii ay arkaan siigada fardaha ama rakuubka aan ka dhicin faraska ee ay ka filayaan Karin-casuuro, waxa ay ridayaan xabbad digniin u ah colka intiisa kale. Afar nin oo lababa gaar u wada socoto, oo laba kasta mid ka mid ahi sito caroog ama garri qaylo-dheer ah, iyo labada kale oo hubaysanna wuxuu u kala asteeyay labada daraf ee galbeed iyo bari ee geelashu daaqayaan, oo waxay si foojigan u hor-socdaan labada geel-baalleed ee darafyada. Haddii ay col arkaanna, waxay afuufayaan garrida ama caroogga qaylada dheer ee dhiilla-saareenka leh. Marka laga reebo, kurayyada geela raaca, ragga intii soo hadhay wixii dab sitay iyo wixii waranle ahaaba, waxay dhex-qaadayaan badh-tamaha geelasha oo markan sidii hal geel oo keliya dheegga isku haya. Ragga waaweyn, maalintaasi waa kaga badnayd bil. Mid kastaaba wuxuu hoos uga fekerayaa, haddii maanta la is-galo sida wax noqonayaan.

Cali-mahad dhiilladan dhacday war kama hayo, Cabdi-gaas ayaa saaray maraq-saarka hashii Gaydho, kolkaasuu isna baarka qabsaday, oo ay geela iskala dhex-mushaaxaysaa. Maanta ka horow, geeloodu wuxuu daaqi jiray qoor ka go’an geelasha kale, oo isma ay arki jirin cid aan ahayn Cabdi-gaas. Maanta oo geelashii isku soo dhowaadeen, dad waxay ishiisu ugu hor-qabatay, inan yar oo isaga la da’ ah, oo sidiisa qaalin rakuub ah fuushan. Wuu yaabay! Wuxuu maskaxdiisa ka helay, in inammada yar-yar oo dhammi ay sidan u nool yihiin. Duhurkii ayaa kuraydii geelashu meel isugu yimaaddeen. Legdinta, ultanka, boodda-jaradka iyo hawsha meeshaa taallaa waxay yaab hor leh iyo naxdin ku abuurtay Cali-mahad. Malahay, da’diisa yar uun baa hawshan iyo qaxarkan ka bad-baadisay, laakiin goor ay ahaataba waa hawl sugaysa haddii cimri ku simo, marka uu toban jirsado ee la gudo. Cabdi-gaas ayaa geed maygaag ah hadhkiisa fadhiisiyay, oo intuu sibraarkii ibta yar ka furay, ku yidhi qabso Caliyow hadhub-gaalka aan caano kuugu shubee. Calina hadhuubkii ayuu sibraarkii hoos dhigay, markii hal waxoogaa ah uu ugu shubay, ayuu sibraarkii fureeyay, oo sudhay kurtin jirridda geedka maygaagga ah ku yaalla, oo ku yidhi halkaa inaadeer inoogu ilaali sibraarka. Marka laga reebo xusuusta aan sugnayn, ee maskaxdiisu mar-mar u sawirto, laakiin aanu hubaasheeda hayn, weligii muu arag qof ku yidhaahda hadal debecsan, sida; inaadeer, walaal, habar-wadaag, ina-abti, hooyo iyo aabbo, midna, oo aan ka ahayn Cabdi-gaas.

Goor dambe, ayuu arkay wiil jimidh yar, oo isaga aan ka da’wayneyn, oo ku soo socda goobtan kuraydu is baacsanayso. Wuxuu is-weydiiyay, tolow ma kaad saaka aragtay ee hasha fuushanaabaa, mise waa mid kale? Wiilkii yaraa, oo isaga laftiisu isha ku haya wiilkan yar ee ay is-le’eg yihiin ayaa ku soo baydhay geedkii Cali-mahad hadhsanayay. Wuu soo gaadhay, oo agtiisa oo aan ka fogayn is-taagay, oo ku dhaygagay inankan yar ee hadhuubka caanaha ku dhamaya. Midna mid lama hadlin. Laakiin, waxaa hubaal ah in ugu yaraan uu midba midka kale ku farxay, oo ogaaday in aanu keli ku ahayn noloshan qallafsan. Cali-mahad markuu caanihii ka dhergay, ayuu hadhuubkii dhulka qotomiyay, oo isna ku dhaygagay wiilkii yaraa ee u yimi.

La Soco.

W.Q: Maxamuud Axmed Oday

moxamud_oday@yahoo.co.uk

Burco, Soomaalilaan