Ruug cadaa siyaasadeed oo waayo-arag ah Axmed Maxamed “Siilaanyo” Madaxweynaha Qaranka allaylahee waa hal aan tabaayey mar haddii uu maanta magacaabay guddi Icttiraaf raadinta Somaliland oo isugu jira Aqoonyahan, Haldoorka iyo dad la majiirto oo qaranka qiimo ugu fadhiya,
Mudane Madaxweyne waxaan ku leeyahay hambalyo shacabku guulahaas iyo guulo ka waa weynba waa kaa rajaynayeen dabcan, waxaan u arkaa in aad gudatay waajib qaran oo xilkiisu ku saarnaa waan kugu mahadinayaa garashada ku siisay in aad gudigaasi magacowdo waliba aad usoo xusho hab iyo hanaan ay ku jirto haybada hoggaamineed.
Qaranka Somaliland maanta wuxuu shacabka Geeska Africa dheer yahay waa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” halgamaa diiwaanka taariikhdu baal dahaba ku xaradhay runtiina aan odhan karno waa tusaale fiican oo jid cusub u jeexay siyaasiyiinta badan oo qaranka hoggaamin doona haddii Alle ka dhigo, waana hubaal in ummaddu hogaaminta Madaxwyene Siilaanyo ay mahadisay oo maalinkasta ay ku faraxdo talaabada uu qaado iyadoo qarankuna talaabadaasi uu kor ugu socdo islamarkaana ay wax ugu kordhaan, taasi waxay muujinaysaa oo marag u tahay hoggaaminta suuban ee Madaxweynaha.
Guddiga Ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland waa xubno xul ah oo qaranka milgo badan ku leh, waa dad haddii ay shaqadaasi si daacad ah u gutaan oo shaqadaasi guda galaan kasoo bixi kara islamarkaana qadiyada Somaliland ka iibin kara fagaarayaasha caalamka, waxa ku jira shakhsiyaad hal door ah oo fagaarayaasha siyaasada caalamka si weyn looga yaqaan islamarkaana garaaci kara oo furi kara albaabo badan oo Somaliland ka xidhnaa, waxay samayn doonaan awood iskaashi iyo afkaar midaysan taasina waxay saamixi doontaa in ay keenaan aqoonsi buuxa.
Talaabadan uu qaaday Madaxweynaha Siilaanyo waxay taabatay quluubta shucuubta Somaliland kuwaas oo u riyaaqaayey in ay mar uun arkaan qarankan oo ictiraaf helay balse Madaxweyne Siilaanyo wuxuu furay dariiq ay garashadiisa hoggaamineed siisay in uu haldoorkii qaranka iyo dadkii dunida macaacilka la lahaa uu u garto in ay qaranka raadiyaan ictiraafkiisa iyagoo isku duuban oo taasi waa mid aad loogu baahnaa qarankuna uu in badan naawilaayey.
Somaliland Guul iyo Gobanimo Waarta.
Waxa qoray: Cali Xasan Xuseen