Dareeriska Quraanka ee ka warrama Qaaruun gunaanadkiisu waa in Ilaahay dhulka ahaysiiyo duulka aan isweynayn, ummaddana arbushin, cidhibta dhulkana ay leeyihiin cidda Alle ka baqata, inta uu doono gefsanuhu ha socdee maalin uun la qaban doono oo u afweynta u dhici doono.
Baananka lacagaha, dahabka iyo dheemanka kaydiyaa waa qaar inta badan dhulka hoostiisa ah, si adag loo dhawro ammaankooda, waayaha nolosha layaabkeedaa ah in maanta lambaro lagu xifdiyo albaabka lagu galo kaydkaa, se wakhtiyada qaar ayaa loo tumayey albaabo waaweyn, sannada badanna la sameeyo, mafaatiix muddo la samaynayeyna waa lagu furaa laguna xidhaa, waliba rag xoog waaweyn oo koox ah ayaa furayaashaa qaadayey.
Qaaruun waxa uu noolaa xilligaa xoolaha lagu kaydinayey kaydadkaa iyo mafaatiixdaa kooxdu qaadayso. Hantiile oo kaliya muu ahayn ee aqoonyahan lagu murmo waxa uu bartayna wuu ahaa, sida doodda loo geliyo waxa ay isu ahayeen Nabi Muuse NKH.
Aqoontaa iyo hantidaa uu lahaa waxa ay dhaxalsiisay in uu isla weyni ka qaado oo keligii aqoon noqdo, tolkii intii garaadka iyo aqoonta lahayd ayaa kula taliyey in uu isla waynidaa iska daayo oo Ilaahay ka baqo, waxa aanay u sii ladheen, โHaku kibrin hantidan, Ilaahay kuwa kibra ma jeclee.โ
Waxa ay taladaa u sii raaciyeen in uu nolosha intiisa ka qaato oo aanu dheeraad ka doonin, in aan looga qorinna aanu ka qaadayn si kasta haddii uu ugu dedaalo, ummaddana kula dhaqmo habdhaqan tolmoon oo aanu dalaโsan tolkii, ogsoonaadana in Ilaahay jeclayn duulka dhulka kharriba.
Kibraani aan garawshiyaha aqoon in uu ahaa waxa ku tusinaya jawaabtii uu siiyey raggaa u diir naxaya, โXoolahan waxa aan ku helay aqoontayda.โ Gallad Alle in ay tahay ma qirsana mana dhaafsana garaadkiisu intaa uu bartay in uu ku helay dedaalkii.
Nooluhu garasho iyo aqoon midna kama sinna, isku sinna wax uma oddorosi karaan, qof kastaana garashadii wax ka badan ma sheego. Indheergaradnimada la sheegaa waa saadaalinta waxa maqan oo lagu saleeyo waayaaragnimo. Sababta tolkii u waaninayaa ah in intooda maangaabka ah aanu maskax dilin, hayntoodana quudhsi kaga ridin, waana mid dhacday.
Maalin ayaa uu bannaanka u soo baxay isaga oo dhar bilic leh xidhan, intoodii la ashqaraarsanaa hayntiisa adduun ayaa ku cataabay, โGuuldarradayadee, miyaa lana siiyo intaa la siiyey, Qaaruun dheefweyn ayaa lagu mannaystay.โ
Indheergaradkii magaalada ee catawgooda maqlayey ayaa ula hadlay si xeeldheer, kana kexeeyey dhaldhalaalkaa ay ku asqobeen , waxa ay la hadleen quluubtooda iyaga u bidhaaminaya ballanqaadka Alle SWT, agtiisa waxa yaallaana ka weyn yahay wax kasta oo ay u hanqal taagayaan, waxa aanay u sheegeen abaalcelinta Alle in aanay la kulmin samrayaasha cid aan ahayn, โGuuldarradiinee, abaalcelinta Alle waxa ay u sugnaatay cidda isaga rumaysa, waxqabad wanaagsanna la timaadda, arrintanse lalama kulmiyo duul samir badan mooyee.โ
Kibraanigii Qaaruun habeen badh ayaa dhulkii gurigiisu ahaa la libdhiyey. Rasuulku waxa uu yidhi, sida Bukhaari soo saaray โMid kibraani ahaa ayaa dhulka lala gooyey, ilaa qiyaamahana dhulka sii libdhaya.โ Culimada qaar ayaa sheega in uu Qaaruun yahay ninkan xadiisku sheegayaa.
Waagii waxa uu baryey gurigii Qaaruun oo dhulkii la goโay. Cidda kaliya ee Quraanku intaa ka dib ka warramay hadalkoodii ayaa noqday maalinjirkii la dhacsanaa hayntiisa oo hadda indha dilaacsaday, hadalna ku bilaabay in ay wax walba Alle u qiraan, โKuwii shalay doonayey hayntiisa ayaa waa-bariistay, la yaab badanaa Alle; addoomihiisa cidda uu doono haynta wuu u ballaadhiyaa, cidda uu doonana waa uu ku cidhiidhiyaa. Haddii aanu Alle na galladin dhulka ayuu nala goyn lahaa. Waa la yaabe, gaalo ma guulaysato.โ
Lama dhaxlin hantidii Qaaruun, waxa aanay u badan tahay in hantidiisa lagu kaydinayey gurigiisaa shalwaday. Sababta isaga, gurigiisii quruxda badna iyo hayntiisii la wada majeeranayey mar kaliya la isku wada raaciyey waxa ay tahay in aan la isa siin dhalanteedka adduun. Maaha in la diidayo in la shaqaysto oo la baabinayo hantida, se waa ciqaabta Alle mid kasta oo kibra ugu abaalgudo, inta ka agdhowna digniin looga dhigo ay ku waxqaataan.
Indheergaradnimada iyo maangaabnimada ayey qisadani tusaale wax ku qaadasho u tahay, waxa aad arkaysaa indheergaradku in saadaashiisu sideedi u dhacday, xagga indhowgaradkii isaga qabtu kolkay dhacday uu miirsaday waxna kala gartay. Waa dhacdo dhiirigelinaysa wax akhrinta, daraasaynta ogaanshaha sooyaaladii la soo maray, si loo dhiteeyo loona oddoroso mustaqbalka.
Haynta iyo aqoonta oo la moogganaado in ay tahay gallad Alle SWT, oo u baahan in loogu mahadnaqo, lana ogsoonaado in ay tahay dheeraad maalin lagugu maamusay ayaa iyana ah sida kali ah ee aqoonta iyo hantida cidhibteedu u barakoobayso.
Hoos ka akhri qaybtii 1aad
http://bandhige.com/dhuuxidda-qisooyinka-quraanka-muuse-aqoon-korodhsigii-khadir-wq-sheekh-cabdirisaaq-cabdiraxmaan-xasan-rakuub/