Dhuuxidda Qisooyinka Quraanka Ilmihii yaraa ee reer Ukhduud (WQ: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub)

Suuradda Buruuj ee ka warranta taariikhdii reer Ukhduud waa mid ka mid ah sheekooyinka ugu caansan Quraanka. Waa dhacdo ka sheekaynteedu xanuunkeeda leh, waxa laga warramaya dad nolosha lagu gubayo, loona gubay Ilaahay ayaad addoomo u noqoteen, halka addoon kibray ku dala’sanayo aniga ii addoomooba.

Sheekada suuradda Buruuj waxa fasir faahfaahsan ka bixiyey xadiiska saxaabiga Suhayb ka warrinayo Rasuulka NNKH, ee ay soo saareen Muslin iyo Tirmidi. Waxa xusid mudan in Quraan iyo xadiis toonna carrabaabin boqorkaasi midka uu ahaa, se xadiisku sheegayo in dhacdadani ay ka dhacday dalka Yaman. Doodda leh wuxu ahaa Du-Nawaas boqorkani wax caddayn ah looma hayo.

Sida xadiisku ka warramayo boqorkaa Yaman ka talinayey ayuu u yimid sixiroole uu lahaa, dabadeed u sheegay in uu gaboobay, geerina uu ka baqayo, sidaa ajligeed inta aanu dhiman ama maskax ahaan isbeddelin in loo keeno wiilyar oo uu baro sixirka. Boqorkii ilma yar ayuu u keenay si uu uga reebo odaygan aqoontiisaa sixir.

Ilmihii yaraa waddada wuxuu kula kulmay oday wadaad ah oo diinyaqaan dhowrsoon ah. wuxuu uga warramay in uu barto sixirka boqorkaasina uu soo diray si uu odaygaa da’da ah uga reebo aqoontiisa. Odaygii wuxu gartay in wiilkani meel sare ka socdo wuxuu talo ku gaadhay in uu isna baro aqoonta sharciga ee Ilaahay jideeyey iyo wixii sugnaa ee laga hayey kutubtii xagge Alle ka timid. Wiilkii yaraa wuxuu isku waday barashada aqoonta waxyiga iyo sixirka ee ay labadaa oday u kala dhigayeen.

Muddo ka dib kolkii wiilkii yaraa uu weeleeyey labadii oday dhaxalkoodii, isaga oo xaggii guriga u sii socda ayaa wuxu ku soo baxay bahal waddadii xidhay oo dadkiina dhaafi kari la’yihiin. Wiilkii wuxuu is idhi maanta jaanis aad ku kala ogaato labada oday ka waxa uu ku baraa saxyahay ayaa kuu soo baxay.

Dhagax ayuu qaatay Ilaahay ayuu la hadlay oo waxa uu ku yidhi sida xadiisku sheegayo, “Ilaahow haddii warka saaxiirku been uu yahay, oo warka odaygaa raahibka ahi dhab yahay dhagaxaygaasii bahalkaa dila.” Dhagaxii bahalkii ayuu dilay, dadkiina waddadii ayey mareen iyaga oo faraxsan lana yaabban dhagaxaa yar ee ilmahayari tuuray ee bahalkii weynaa dilay.