Somaliland ma shaqo la’aan baa ka jirta mise shaqaysi la’aan? (WQ: Mohamed O. Hagi Mohamoud)

Somaliland ma shaqo la’aan baa ka jirta mise shaqaysi la’aan?

Haddii ay shaqo la’aani ka jirto maxaa suuro-galiyey in Yemenigii shalay qaxoontiga ahaa ee Berbera ka soo degay isaga oo qaawan uu maalmo ku tijaaray iyada oo kuwii dalka u dhashay ay wax gidaarrada fadhiyaan oo ay shaxaad la tuban yihiin?

Maxaa keenay in Itoobiya intii ka joogtay yihiin shaqeeyayaal, halka muwaaddinkii camal la’yahay? Sida muuqata shaqo la’aani ma jirto ee shaqaysi la’aan ayaa jirta. Waxa la ga khashaafayaa shaqooyinkii suuqa yaallay.

Waxaad arkaysaa iyada oo ay ka faa’idaysanayaan ajaanib badan oo ay lacag badan ka sameynayaan Somaliland. Si loo ga hor tago shaqaysi la’aanta waa in dhaqanka dadka iyo hab-fekerka waddanka wax la ga beddelaa. Haddii kale dhib weyn ayaa soo socota oo dhaqaalaha waddanka laf-jab ku ah.

Mohamed O. Hagi Mohamoud