Dib-u-Qabsashada Gobolka Sool Iyo Faa’iidada ku jirta. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Madaxweyne Biixi haddii dib loo doorto fursad weyn ayuu u haystaa inuu deg deg dib ugu qabsado gobolka Sool, markuu iska dhammeeyo hawsha ictiraafka. Haddii aan dib loo dooran, waa inuu bisha ugu dambaysa muddo xileedkiisa weerar ku qaadaa gobolka Sool.
Isaga oo inta badan qabsaday, ayuu xilka wareejin karaa, si ay imtixaan adag ugu noqoto dawladda cusub ee mucaaradu soo dhisi doonaan, loona eego siday u maareeyaan. Waana sidii uu yeelay madaxweyne Buushkii weynaa ee Maraykanku uu ciidamadii Maraykanka Soomaaliya ugu diray markii doorashadii laga helay. Kilinton waa kii maarayn kari waayey.
= Qoraageenna Gees ayaa laga hayey Dhulbagante 100 sanno ayuu ku faanayey halgankii Daraawiishta. Isaaqna 100 sanno ee soo socda wuxuu ku faani doonaa halgankii SNM, waayo dawladdii weynayd ee Maxamed Siyaad ayey meesha ka saareen. Sidaasi oo kale in gobolka Sool dib loo qabsadaa waxa ay soo afjaraysaa faanka Dhulbahante iyo inay taariikda u gasho Isaaq in dagaal lagu jebiyey.