Tallaabo Laga Qaado Diyaaradaha Itoobiya iyo Imaraadku Yaanay Colaad Keenin. W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Waxa jira qaaciido ay Dublamaadiyiintu aamisan yihiin oo tidhaahda ” inta suurtagal ah saaxiibo samayso, laakiin cidna ha aaminin”. Diyaaradaha Itoobiya iyo Imaraadku waa shirkado macaash doon ah, oo kolba halkay lacag ka helaan ayey dantooda ka dhex arkaan. Iyada oo qaddiyadda Soomaalilaan la difaacayo oo Wallaweynta la iska celinaayo waa in si maangal ah loo fikiro.
= isku dhac kasta oo ina dhexmara dalalka Itoobiya iyo Imaraadka oo ah kuwa keliya ee inala safan ee cadowga isku keen soo bahaystay inala difaacaya, waa in aan iska ilaalino in aan isku dhacno. Haddii aynu tallaabo weyn ka qaadno magaca Soomaalilaan ee ay boggagooda ka saareen waxa dhici karta inuu xidhiidhku xumaado, oo ay cadowga la soo saftaan.
= Keligii tayihii MSBarre ayaa 6000 oo Kuubaan ah oo midowgii Soofiyadka dalkii Soomaaliya ka saaray wakhtigii dagaalkii 1977. Waxa lagula taliyey in aanu saarin. Waayo beddelkoodii ma haysto. Wuu se diiday. Waa kuwii dhinaca Itoobiya ka soo jeestay ee adhaxda ka jebiyey ciidankii Soomaaliya. Sidaasi oo kale beddelka Itoobiya iyo Imaraadka ma haysano ee si taxadir leh arrimaha ha loo eego.
Like

Comment
Send