Diiwaangelinta Dugsiyada Qur’aanka JSL.
Dhi mise Dheef? Qormadii Koowaad.
Bismillaahi waa kow, waana hadalka bilowgii, aan baaq idin guddoonshee bulshayahay makuu nabad? Waxa ahayd maalinkii shalay markii aan xerdaydan Faysbuugga soo dhigay laba weyddiimood oo aan ku toyanayo barnaamijka tirakoobka iyo diiwaangelinta ah ee beryahan Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ka wadday geyiga JSL, barnaamijkaa oo wejigiisii kowaad ka qabsoomay magaalada Hargeysa ee xarunta JSL dorraadna wejigiisii labaad laga daahfuray degmada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Weyddiimahaa oo ahaa laba weyddiimood waxa aan isku weyddiiyey cidda dejisay ee hagaysa siyaasadda tirakoobka iyo diiwaangelinta Dugsiyda Qur’aanka iyo ujeeddada ka dambaysa tirakoobka iyo diiwaangelinta Dugsiyada Qur’aanka. Dabcan ma helin warcelino xaqiiq ah oo yimi Wasaaradda Awqaafta kuna taxalluqa weyddiimihii aan hore isu weyddiiyey, hase ahaatee waxa aan qalinka u qaatay in aan si maangal ah daaha uga feydo waxyaabo badan oo ay suuragaltahay in barnaamijkani huwanyahay, kuwaa oo dhanka taban ka joogsan doona barnaamijka, qoraalkaygan oo ah aragtidayda oo badhax la’ waxa igu kallifay walaac mugleh oo aan qof ahaan ka qabo barnaamijkan. Waxa aan isku deyi doonaa idanka Alle in aan ku horreeyo dhaabadaha iyo ilaha uu ka soo burqanayo walaaca aan qof ahaan ka qabo barnaamijkan, aniga oo ku xigsiin doona wejiyada taban ee barnaamijkani yeelan karo iyo madmadowga ilaa hadda dulhoganaya.
Sababaha walaacayga
Walaaca aan qof ahaan ka qabo barnaamijkan oo ah sababta gundhigga u ahayd weyddiimahaygii shalay iyo qoraalkaygan maanta ba waxa uu leeyahay hal sabab oo noqonaysa tiir dhexaadka iyo bu’da uu ku wareegayo, dabcan waana midda uu qoraalkaygu xoogga saari doono idanka Alle. Gundhigga tuhunkayga iyo walaacaygu waa cidda hawshan qabanaysa ee isu xilqaamtay oo ah Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligan! Yare joogso, akhriste waa laga yaabaa in aad isweyddiiso ama ka biyo diiddo in boogta gundhigga u ah walaacayga iyo tuhunkaygu tahay Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligan. Aan isweyddiinno waa tuma Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligani?! Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligani waa haayad hoos timaadda maamulka uu gadhwadeenka ka yahay Muuse Biixi, haayaddan iyada oo isla sida ay maanta u dhisantahay u dhisan magaca ay maanta wadato na wadata waxa ay ahayd haayaddii hoos tegi jirtay maamulkii uu hoggaanka u hayey Axmed Siilaanyo, wasiirka wasaaraddan oo ah Khaliil Cabdullaahi Axmed waxa magcaabay Axmed Siilaanyo dharaartii uu soo dhisay hurintii ugu horraysay ee maamulkiisa oo dhalatay ka dib markii xilka madaxnimada Soomaalilaand ka tirsaday odaygii isaga uga horreeyey hoggaaminta JSL ee Daahir Rayaale. Qeexidda hadalkaygaa oo idil waxa aan uga golleeyahay in aan ku idhaahdo Wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligani waa haayad cimrigeedu yahay muddo sagaal gu’ ah oo ka bilaabanta dharaartii uu hoggaanka JSL guddoonsaday maamulkii Axmed Siilaanyo. Haa, waa haayad cimrigeedu yahay sagaalkaa gu’ marka laga eego tubta shaqo ee haayaddani qaadday muddadaa sagaalka gu’ ah iyo tallaabooyinkii ka soo fulay. Akhriste markale waxa laga yaabaa in aad isweyddiiso waxa ay haayaddan sagaalka gu’ cimrigeedu yahay kaga duwantahay haayadihii magacan watay ee middan ka horreeyey oo ahaa kuwii la soo shaqeeyey maamulladii ka horreeyey maamulkii Axmed Siilaanyo iyo maamulkan Muuse Biixi?
Aniga weyddiintaydaa hore kaaga warcelinaya waxa aan doonayaa in aan kugu madiixo wadar qodobbo ah oo ay haayaddani kaga duwantahay haayadihii ka horreeyey ee geyiga Soomaalilaand ugu magcawnaa Awqaafta iyo Arrimaha Diinta. (1). Qodobka kowaad ee kala duwanaanta labada haayadood waxa uu noqonayaa xiddiga maamulkii Axmed Siilaanyo u cugtay hoggaaminta haayaddan oo ah Khaliil Cabdullaahi Axmed. Khaliil Cabdullaahi Axmed waxa uu noqonayaa xiddigii kowaad ee abid maamul Soomaaliyeed u cugto wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta guud ahaan ba geyiga Soomaalidu degto ee ku yaalla Gobolka Geeska Afrika oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Salafiyada oo ah Dhaqdhaqaaqii ibafuray baraarugga Islaamiyiinta Carro edeg ee dhulalka Soomaalida doorka ugu weynna ka qaatay fidinta fahamyada togan ee Islaamka iyo la dagaallanka khuraafaadkii bulshada Soomaalida daashaday intaanay Salafiyada iyo Ikhwaanku boodhka ka tumin fahamka togan ee Islaamka oo sabab u noqotay in badiba bulshada Soomaalidu tuurto heeryadii khuraafaadka ee ay ka dhaxashay Dariiqooyinkii Suufiyada aan aqoonta badan lahayn ee geyiga Soomaalida ku badnaa wixii ka horreeyey badhtamihii qarnigii idlaaday. (2). Qodobka labaad ee Wasaaadda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligani kaga duwantahay kuwii ka horreeyey waa in ay tahay haayaddii hormuudka ka ahayd furitaanka iyo bakhti afuufta kaniisaddii uu saanacaddaalihii Ingiriisku ka dhisay magaalada Hargeysa xilliyadii uu gumaystaha ka ahaa geyigan oo xidhnayd wixii ka dambeeyey dharaartii uu maradiisii calalka ahayd goor galab ah la carraabay 25kii Juun ee 1960kii. Tallaabadan ay Wasaaraddii Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ilaalinteeda iyo dhawristeeda ugu magcawnayd iyo ku dhiirrashada hadalladii wasiir Khaliil ba waa wax ugub ku ah guud ahaan geyiga Soomaalida iyo inta ogaalkayga ah dhulweynaha muslimka ee Carro edeg labada ba. (3). Qodobka saddexaad ee ay haayaddani kaga duwantahay haayadihii ka horreeyey waa doorkii ay ka qaadatay ansixintii wejigii hore ee xeerkii shaamareerka badnaa ee magaciisu ahaa “Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga ee Soomaalilaand X/L 78”. Kaalintaa oo ahayd mid hoosaasin iyo hadhdacaar ah oo wasaaradda iyo wadaaddada raacsani ba bulshada isugu muujiyeen in ay soo tooseen goor xeedho fandhaal kala dhaceen ka dib markii ay bannaanka u soo baxday qaylo dhaantii bulshada shacabka ah ee Soomaalilaand. Mar labaad wasaaradda oo uu hormuud u yahay Wasiir Khaliil waxa ay si mugleh uga qayb qaadatay dejinta xiisaddii kacday markii bulshadu xeerkaa warkiisa heshay, iyada oo wasaaraddu sheegtay in madaxweynihii xeerka saxeexay aqbalay in xeerka dib u eegis lagu samayn doono hase ahaatee sida sharcigu yahay xeerkaasi waa dhaqangalay mana jirto cid dambe oo ka hadashay iyo cid garan karta meel uu ku dambeeyey ballan qaadkii wasaaraddu bulshada maqashiisay ee ahaa in xeerkaa dib u eegis lagu samayn doono!. (4). Qodobka afraad ee haayaddani kaga duwantahay haayadihii ka horreeyey waa kaalinta mugga leh ee ay kaa qaadatay cabudhinta iyo xayiraadda culimada xaqa madiixda ee Soomaalilaand joogta. Iyada oo hadda ka hor waraaq xayiraad ah saartay wadaadka muddada labada sano ah maxbuuska ku ah Soomaalilaand ee Sheekh Aadan Cabdi Warsame oo lagu garan ogyahay Sheekh Aadan Sunne, Sheekh Aadan Sunne maanta isaga oo xanuun iyo xaalad adag la nool waxa uu maxbuus ku yahay magaalada Hargeysa, iyada oo dadyowga uu u qoolanyahay aanay ka madhnayn wadaaddo wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand taabacsani. (5). Qodobka shanaad oo noqonaya mid ka mid ah qodobbada ugu waaweyn ee haayaddani kaga duwantahay haayadihii iyada ka horreeyey waa sida ay u xummad jebisay dadaalkii dacwadeed iyo xamaasaddii wadaaddada Soomaalilaand ka wadeem geyiga Soomaalilaand intii aan Khaliil Cabdullaahi Axmed noqon wasiirka wasaaraddan, taas oo aynnu ku macnayn karro in Wasiir Khaliil Cabdullaahi qaaday kaalin aynnu ku sheegi karro hubka dhigis iyo quwad jebin qabow, waxa uu Khaliil iyo saaxiibbadiisa wasaaraddan la joogaa kaalin mugleh ka qaateen maaxduminta nuxurkii dacwadda iyo dadaalkii dacwadeed ee ay wadeen xubnaha wadaaddada Salafiyiinta u badan ee reer Soomaalilaand, waxa ay u sahleen in ay isku milmaam wadaaddadii iyo maamulkii Axmed Siilaanyo, taas oo keentay in rag badan oo wadaaddadii dhawrsoona ah faro ka gaadhaan maamulka iyo xoolihii ummadda ee ay sida xadka baxa ah u farraqday xukuumaddii Axmed Siilaanyo ka dibna xaalkoodii noqday af wax cunay xishoo, madaxdaada ka xishood, iyo maamul wanaagsan baa yimi danahaaga wado, ka dibna waxa ka dhalatay dadaal la’aan dhankii dacwadda ah iyo hoos u dhac ku yimaadda meelo badan kalsoonidii bulshada in badan oo ka mid ahi ku qabeen wadaadka Soomaalilaand. Arrintaasi waxa ay bidhaaminaysaa in wasaaraddu door aad u weyn ka qaadatay in Soomaalilaand maanta noqoto bogcadda ugu badan ee laga helayo bulshada la nool calmaaniyadda, wadaadka nacaybka iyo mararka qaar Alle diidka guud ahaan geyiga Soomaalidu degto. Hirgelinta barnaamijkan waxa ay wasaaraddu u martay siyaasad heer sarraysa oo aan odhan karro waxa laga soo dheegay dalalka carbeed oo Sacuudigu ugu horreeyo, siyaasaddan oo aan anigu u bixiyey “Toban (10%) wanaaji si aad sagaashan (90%) u dumiso”. Barnaamijkani waxa uu ku dhisanyahay afar tallaabo oo wasaaraddu qaadday kuwaa oo marka dhanka wanaagga laga eego noqonaya tallaabooyin qurux badan laakiin marka indho feejigan lagu dhugto tallaabooyinka kale ee wasaaraddana la barbar dhigo noqonaya kuwo halxidhaale furdaamintiisu adagtahay ku noqonaya qofka si maangal ah wax isaga weyddiiya wasaaradda Awqaafta Soomaalilaand ee xilligan.
Tallaabada kowaad ee afartan tallaabo waa sii deyntii xukuumaddii Axmed Siilaanyo sii deysay qaar ka mid ah culimada Soomaalilaand oo maamulkii Rayaale xabsiyada si xaqdarro ah ugu guray, tallaabada labaad waa in cadaadiska laga qaaday rag badan oo maamulkii Rayaale ugaadhsanayey oo ka mid ahaa culimada Soomaalilaand, tallaabada saddexaad waa hirgelinta Barnaamijka Tartanka madaxweynaha iyo habeenka kulanka madaxweynaha iyo Culimada Soomaalilaand oo isbarkan, halka barnaamijka afraadna yahay hirgelinta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ee Soomaalilaand oo lixda gobolba laga dhegeysto. Afartan rukun waxa ay noqoyaan kuwo xukuumaddii Siilaanyo ka dhigaya maamulkii ugu wanaagsanaa dhanka Diinta ee Soomaalilaand soo mara, waa marka aan la eegin tallaabooyinka taban oo dhab ahaan noqonaya kuwo boqol tallaabo dib loo qaaday dhanka horumarkii dacwadda iyo dareenkii feejignaanta ducaadda Soomaalilaand ee ku aaddanaa arrimaha Diinta. Cugashadii Axmed Siilaanyo ee Wasiir Khaliil Cabdullaahi, qaaditaanka tallaabooyinka isbarkan ee wasaaraddu qaadday muddadii Khaliil joogay iyo soo celinta Muuse Biixi mar labaad dib ugu soo celiyey xukuumaddiisu ba waa halxidhaale kale oo isweyddiintiisa mudan! Waxa intaa dheer in wasaaraddu tahay wasaaradda qudha ee aan xataa isuduwaayaashii gobollada dalka waxba laga beddelin se si dhammaystiran ay u kala dhaxleen maamulladii Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi marka laga reebo agaasimaha guud oo dhawr jeer isbeddelay.
La soco qormada labaad oo aan ku duljoosan doono wejiyada taban ee ay suuragalka tahay in ay laga dhaxlo barnaamijka diiwaangelinta iyo tirakoobka dugsiyada Qur’aanka Soomaalilaand.
Ismaaciil Xaaji Ciise, Hargeysa Soomaalilaand.