Hal-qabsi:
Marka aad nin hiiloow, Dabka hura bakhtiiyoow,
Halista iyo colaadaha, ku hagoogta dhiigoow,
La Hadhsade dhashaabaa, hooyo lagu xasuustaa,
Marka aad nin hooloow, hantidiisa bixiyoow,
Marti hagar ka gelinoo, hor Illaahey geystoow,
Lama Hurre dhashaabaa, hooyo lagu xasuustaa…
Midho ka mid ah heesta Hooyo, Gabyaa M. I. Warsame (Hadraawi).
Geedi-socodka dhismaha qaranimada Somaliland waxaa uu soo marey maraaxil kala duwan oo ay taariikh weyn ku duugan tahey rubuc qarniga dhamaadey haddeer. Afar madax-weyne oo xilka hogaamineed iska bedelay midba marxalad waayaheeda gaarka leh ayuu la kulmey. Waa sida u caadada ah dowladnimada dadkeedu leeyahey oo sunne weyn ka ah Jamhuuriyadda Somaliland. Dadka ummada ma huraanka u ah ayaa si weyn, geesino leh, naf-hur leh, oo hagar bax ah ula garab joogey hogaamiye kasta. maal, maskax, iyo muruq intaba oo uga dhignaa saad si joogto loogu habayey si dowladnimadu u hano-qaado. Dadka ummada haldoorka u ah waa ka mideysanaayeen oo isku duubnaayeen oo ula garab joogeen hogaamiyayaashooda taageeradan muga leh mar walba.
“Ninkan aynu duugney maanta kama sheekeyn karo inta waayo aanu mataano ku aheyn oo dowladnimada maanta ku naalooneyno u dib jirney (Waa marxuum C/raxmaan Faarax Sugaal AHUN-Mar. 2011). Dhowr qodob Ayaan ka xusayaa. Markii dowlada cusub Boorama lagu soo dhisey ee guutadii kowaad ee ciidanka Qaranka la sameeyey, oo guutadii labaad la wado, ayaa la go’aansadey in lacagta iyo baaboorka la soo daabaco”. “Saddex bilood rashiinkood oo hore ayaa guutada koowaad loo siiyey loogana amaahdey Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim-dheere) AHUN, guutada labaad oo cusbeyd raashinkooda saddex billoodka ah iyo midka guuto koowaad ee saddex biloodka labaad, iyo kharashka daabacaada lacagta iyo baaboorka ayaa loo baahdey”. “Kuye, caawa ma kala tageyneyno…. waa qarxineynaa si lacagtaas loo helo haddii kale waxba kala socon maayaan…… Ina Ibraahim Cigaalna kelidiis waxba ma sameyn karo haddii aan lala dhisin qaranka ayuu igu yidhi marxuumku”.
“Qaad kale ayuu noo direy, cabaar haddii aanu fadhino ayuu igu yidhi Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibraahim-dheere) –AHUN- ayeynu odhaneynaa kirada bakhaarada toban sanno noo qadin si kharashaadka loo maareeyo”. “Waxaan ku idhi oo sowtii guutada koowaad raashinkeeda ka amaahaney”. “Waa yeelkeed ayuu yidhi, subaxii xigey ayaanu u tagney Ibraahim-dheere, waa naga aqbaley toban sanno kiradoodii ayuu nasiiyey”. “Subaxii xigey ayaa marxuumku haddana ii sheegey in kharash kale oo hor leh loo baahan yahey; kharashka daabacaada, iyo saddex biloodka labada guuto ee hadda bilaabmey” “Ibraahim-dheere ayaynu ku noqoneynaa kuye”. “Waar ninka sowtii shaley u tagney oo waxaynu weydiisaney inaga aqbaley”. “Oo yaa loo tagayaa ee kale kuye”. Kharashka dhan ee loo baahnaa xilligan waxaa uu ahaa hal malyuun iyo ku dhowaad boqol kun oo doolarka Mareykanka ah. Ganacsato dhowr ah waxbaa laga qaadey balse in ku dhow afar boqol oo kun ayaa dhinaa”.
Intiina Ibraahim-dheere waa naga aqbaley…..intaas iyo wax ka badan ayaanu mataano ku aheyn oo u soo marney bahashan teyga miidhan loo soo gashadey ee hadda cid walbaa leedahey waan u soo shaqeeyey anigu garan maayo marka loo soo wada shaqeeyey eh” Intaas waxaa is raaciyey Odey Xaaji Muuse Xirsi Abokor (Muuse-dalab) tacsida geerida Marxuumka C/raxmaan Faarax Sugaal (AHUN) 7da Maarij 2011kii iyo caasimada Hargeysa weeye.
Haddaba dhacdan kooban oo daah-fur u ah sida reer Somaliland naf-hur uga soo muteen meel marinta himiladooda dib-u-dhiska ma aheyn in maanta waalahow iyo walbahaar la geliyo gobanimada qaan-gaadhey balse fadhiidnimada saareyda siyaasada oo ina dishoodey ayaa sabab u ah marxalada aynu ku suganahey waana nasiibdaro weyn oo u baahan in aynaan aqbalin.
Sidaa darteed maanta waxa aynu u baahanahey in la meel mariyo sida doorashada jiitanka gashey u qabsoomi laheyd. Waa in dowladu qorshe cad la timaado oo ma huraanka ummada u soo bandhigto si loo meel mariyo himilada oo doorashadu u qabsoonto. Waa hubaal in ay nool yihiin kuwa bedeley haldoorka aynu xusney taariikhdooda oo ah kuwa Alleystey. Waa hubaal in ay jiraan bedelkoodii oo tiro badan ku joogaan keliya naawilayaan baaqa madaxdooda.
Intaas waxaa ku lamaan, waa in saddexda xisbi kala shaqeeyaan sida talo dhab ah sidatan oo kale u dhisan loo meel marin lahaa. Guuldarada ay sababeen ma aha in ay inoogu lamaaneeyaan yooyootan hor leh oo isku keen dul qabsadaan misna cawaaqib xumo weyn horseedi kara. Xaasha’e. shaki igagama jiro in sidatan wax u qabsoomi doonaan balse waa baraarujin si looga baaqsado dibin-daabyo iyo wakhti lumis aan munaasib aheyn.
Wax niyad-jab ah iguma keenin sida xagal-daacu uga yimid dhinaca dhaqaale kabka ee beesha caalamka oo muraadkooda rasmiga oo iska oganahey marka laga tago farsamo xumooyin badan oo xageena ah oo inoo qiishanayaan ay jiraan. Waxaaba qaldaneyd in dawaro shisheeye lagu saleeyo miisaaniyada geedi-socodka dowladnimadeena marka horeba! In ka yar 5% oo la saaro dakhliga guud si la mid midkan 2% ee aafooyinka ayaa ku filan baahida kharashka doorashooyinkeena. “Nimaan kuu furi doonin yaanu kuu rarin weeye” haddiiba kale jabney oo jabney……………..!
Waan in si dhab, run ah, oo xaqiiqada ku saleysan looga shaqeeyo dowladnimada iyo meel-markeeda si aynu ugu naalooneyno badhaadhe ka mudan midka hadda aynu heysano. Himilada qarankeena waan ku badhaadhney, ku nasaney, oo xaqiiq ahaan manfaceeda aduunyadu inala wadaageysaa. Nasiibdaro, in aynu sheegano ha joogtee waaba dib-u-noqosho sida aynu wax u wadnaa mana aha in aynu aqbalno wax-magaratada kala safatey oo aynu u duleysanahey haddeer.
Waxaan kaga baxayaa Hal-heyska Halyeygii Reer Hargeysa “YAA LABEEYEY OO LIIBAANEY”. Maal-qabeenada hadda Kacey ayey hortaalaa baaqan si dowladnimadeena loo badbaadiyo. Alle ha u naxariisto Halyey Cali-maarshaal oo hal-heyskaa iska lahaa. Waa toddobaatanadii wakhtigu iyo wadciga cahdiga towrada lagala kulmey!
Allaa mahad leh,
Qalinka: Mustafe Suleymaan Cilmi,
Hargeysa, Somaliland.
Tel: 00 252 (0)63 4137470
Email: mustafe72@gmail.com