Wasiirka Khayraadka Biyaha wuxu fariin u diray beelaha ku dagaalamay Ceel-Afweyn

 

Munaasibad balaadhan oo hadhimo sharafeed ah ayaa Wasiirka Wasaaradda Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdi Boos oo maanta ugu sameeyey magaalada Hargeysa gaar ahaana Hudheel Diiriye qaar ka mid ah Qoorweynta, Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka iyo Madaxdhaqameedka beelihii dhowaan ku dagaalamay deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag

Munaasibadan oo uu Wasiir Xuseen Cabdi Boos uga dan lahaa xoojinta adkaynta nabadgelyada, midnimada Gobolka iyo  isku soo dhoweynta Dadka deegaanka ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Garaad Cabdilaahi Guuleed, Boqor Maxamed Nuux Aadan, Suldaan Cali Yuusuf Badacas, Caaqil Jafaal, Jiif Caaqil Aadan maxamed jaamac, Jiif Caaqil Ibraahin Ismaaciil Jaamac, Jiif Caaqil Maxamuud Nuux Maxamed, Caaqil Xuseen Digaale Yuusuf, Caaqil Axmed Jaamac Dafac, Isuduwaha wasaarada Warfaafinta Gobolka Sanaag Maxamuud Maxamed Xasan “Saraaf”, Maayar-ku-xigeenka Degmada Ceerigaabo, Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo dhalinyaro aad u tiro badan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

bandhige@gmail.com