Qaybtii afraad ee taxanahan waxaad kusoo aragteen qaybo ka mida dhibaatooyinka dugsiyada gaarka ah ee dabarka goostay,qaybtan oo ah qaybtii shanaad ee qormada taxanaha ah ee lagu faaqidayo dhibaatooyinka ay bulshadu ku qabto waxbarashada gaarka ah siiba hoose iyo dhexe, ayaa inta aynaan u galin waxbarashada sare sida mac-caahidda iyo jaamacadaha,waxaynu qaybtan kusoo bandhigi doonaa aragtida ย qaybo ka mida waalidiinta ubadkoodu dhigtaan dugsiyada gaarka loo leeyahay,iyo qodobo taabanaya macalimiinta wax ka dhigta dugsiyada gaarka loo leeyahay.
Waxaa xusid mudan in dadkaasi intooda badani cabasho ka muujiyeen qaabdhismeedka iyo habdhaqanka dugsiyadan halka qaar kale sheegeen inay ku qanacsanyihiin dugsiyadan.
sida la ogsoonyahay bulshada s/land inteeda badani waa danyar waxaana culayska ugu badani kaga yimaad lacagaha xadkooda dhaafay ee lagaga qaado goobahan,waxaa kaloo ceebaha dugsiyadan ka mida in ay xataa bilaha fasaxa lacagtooda ย ay qaddintaan kana qaadaan waalidka,sidoo kalana qoysaska ay ubad badani u dhigtaan aanay siinin tixgalin.
waalidiinta qaar ayaa iyagu ku doodaya in deegaan iyo cimilo ahaan aanay intooda badani ku haboonayn meelaha ay ubadka wax ku baraan loona baahanyahay in wasaarada waxbarashadu qiimayn ku samayso,iyadoo dusiyada qaar laga yaabo inay ardaydu ku qabaan cidhiidhi,saxmad,iyo sidoo kale halista dhinaca waddo marista.
Qaar ka mida waalidiinta ayaa iyaguna waxay cabasho ka muujiyeen dirwaliinta basaska u shaqeeya dugsiyada gaarka ah waxaanay sheegeen in ubadkooda loogu yeedho magaca (SALOOL) isla markaana si axmaqnimo iyo masuuliyad darro ah loo mariyo dariiqyada magaalooyinka,dhaliishana ay leeyihiin mulkiileyaasha dugsiyada gaarka ah leh.
Dadka ra,yi ururinta laga qaaday qaarkood waxay aaminsanyihiin in la baabi,iyo dugsiyada gaarka ah waxaanay u cuskanayaan qodobo qaarkood ay yihiin kuwo cid kastaa ku qanci karto,qaar kale ayaa iyaguna ku doodaya in dugsiyadani ay kaabeen wax badana ku kordhiyeen waxbarashada dalka,fikraddaasi oo run noqon karta balse la odhan karo waxaa diciifinaya macaashka laga rabo aqoonta oo ka mida waxyaalaha aan inta badan laga raadin lacagta iyo sidoo kale xad dhaafka ay dugsiyada gaarka ahi ku bateen dalka oo keentay inay xumeeyaan in badan oo wax laga faa,iidi lahaa oo dalka ka jirtay.
Waalidiinta badankoodu waxay isku raacsanyihiin inaanay ubadkoodu dugsiyadan ka helin aqoonta xaga afka soomaaliga,dhaqanka,hiddaha,iyo waxyaalaha ku xeeran kuwaas oo loo baahnaa in ubadku si hufan uga haqab beelaan,waxaana loo aaneeyaa inta badan manaahijta shisheeyaha ee lagu qaato dugsiyadan qaarkood.
Sida ay ku doodeen waalidiin badani dugsiyada gaarka ahi waxay ku guul darraysteen inay sameeyaan goobo talooyinka guud,cabashada,fikradaha iyo dhaliilaha loogusoo hagaajiyo.
Dugsiyada gaarka ahi waxay sidoo kale ku tacadiyaan xuquuqda macalimiinta ay kasoo bililiqaystaan dugsiyada dawlada,waxaana dhacda in qaarkood mushaharka laga amaahdo dhawr bilood,halka qaar si bilaa naxariisa looga shaqaysiiyo iyadoo looga faa,iidaysanayo duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira,macalimiintaas oo taxanahan qayb laxaadle barnaamijkani siiyay ayaa qaybaha danbe waxaad ku arki doontaan dhacdooyinka foosha xun ee ay kala kulmaan dugsiyada gaarka ah.
Qaybtan shanaad ee taxanaha doodaha danyarta iyo dugsiyada gaarka ah oo ah taxane si bilaa turxaana u lafo gura aqoonta ganacsiga noqotay laguna rabo in la helo talo lagu saxo dheelliga dhinaca aqoonta gaar ahaan tacliinta faraha u gashay dadka ka ganacsada waxabarashada ayaynu intaas ku hakinaynaa qaybtii shanaad,la soco qaybta lixaad ย ee taxanahan oo hore loo baahiyay sanadkii 2016 imikana dib loo baahinayo.
Qalinka: Axmed Cisman batuun