Doodda Madaxwaynaha Puntland wax sharci ah ma wadatto (WQ: Rashiid Odowaa)

Waxa fiican qof ku marka uu dood soo dhigayo waa inuu raaciyaa qodobada sharci ee taageeraya dooddiisa Si doodu ay u noqoto(Validity) dood shaqaynaysa,madaxweynaha Cusub ee Puntland wuxu xariiqday xuduud qabiil oo reernimo.isaga oo iska indho tiray ama lagaba yaabaa inaanu aqoonba u lahayn xuduudaha caalamiga ah iyo shuruucda ka taallaa.
Haddii aan Tusaale u soo qaatto Somaliland waxay ku doodaysaa Xuduudka Somalia iyo Somaliland waxa la kala madaystay 1894 waxana la kala calaamadsaday 1929 waxa kala calaamadsady guddi ka kala socotta Britain iyo Talyani(ANGLO-ITALIAN COMMISION) dhamaan dhigaha iyo loolka ay dhacdo waa la wada yaqaan.
Haddaba qaraarka tirsigiisu yahay (AG/Res 16(1) ) ee soo baxay 1964 shirkii waddamada Africa ku qabsaden Qaahira Masar wuxuu si cad u bayaamiyay Doctrine (UTI posidetas) sharcigan oo dhigaya in Xuduudihii laga dhaxlay Gumaysiga ay yihiin sharci lama taabtaan ah.
Qodobkan wuxu ku aroorayaa oo laga soo dhanbalay Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka (International Court of Justice ICJ).
Qodobkan sharci ma khuseeyo Haddii Somaliland la aqoonsado iyo haddii kale ee waa wax mar kasta sidiisa u shaqaynaya haddii aan la helin sharci cusub oo odhanay ciddii isku reer ah ama is doonaysaa xuduud way jeexan karaan

Sidaas darteed Madaxweynaha Cusub ee Loo doortay Puntland waxanu leenahay Dooddaada sharci ku soo lifaaq oo waddo cad qabadsii.
Rashiid Odowaa