Somaliland Oo u dhaw in ay fuliso heshiiskii ay hore ula gaadheen Khaatumo

Somaliland ayaa lagu wadaa in ay fuliso qodobadii heshiiskii ay la gaadheen Madaxwaynaha Khaatumo Pro.Cali Khaliif Galaydh Kaasi oo ay labada dhinac kala saxiixdeen 21 0ct 2017 heshiiska ayaa ka koobnaa qodobo dhawr ah kuwaasi oo kala ahaa,

In la helo cadaalad, sinnaan iyo nabad ku wada noolaanshiyo

In la ilaaliyo jiritaanka iyo madax banaanida Somaliland

In Khilaaf walbo oo jira lagu dhameeyo wadahadal iyo jid nabadeed

In la adkeeyo midnimada iyo nabad ku wada noolaanshiyaha

In dib loo furo Dastuurka si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalad iyo sinnaan

In la qarameeyo ciidamada Khaatumo

In Somaliland iyo hayโ€™adaha deeqda bixiya ay si mid ah uga howlgalaan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle

Fulinta heshiiskan labada dhinac ayaa waxaa hakad galisay Somaliland oo gashay xili kala guur ah iyadoo heshiiska ay Khaatumo hore ula saxiixdeen Xukuumadii Madaxwayne Axmed Maxamud Siilaanyo hase ahaateen Doorashadii madaxtinimo ee Somaliland gashay isbedel ku yimid hanaankii maamul iyadoo taladii dalka uu ku guulaystay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaana marar dhawr ah soo baxday in Xukuumada Muuse Biixi Cabdi kaga caga jiidayso fulinta heshiiska oo qodobka ugu adagi yahay furida Dastuurka si hanaan cadaalad ku dhisan wax loogu qaybsado.

Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya Xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ay ku dhiiranayso kana faa,iidaysanayso sii ay u ambaqaadi lahayd heshiiskii Somaliland Iyo Khaatumo wada gaadheen iyagoo ka duulayaย natiijada ka soo baxday Doorashadii madaxtinimo ee Puntland gashay taasi oo ku guuldaraysteen Siyaasiyiin ka soo jeeda deeganada Khaatumo ama gobolka Sool kuwaasi oo ka mid yahay siyaasiga Dr Cali Ciise Cabdi waxaana arintan ka dhashay niyad jab siyaasadeed oo la soo gudboonaatayย  qaar ka mid ah shacabka goboladaasi ku dhaqan kuwaasi oo u hanqaltaagayey in ay mar uun arkaan siyaasiyiin deegaanadooda ka soo jeeda oo hogaamiya Puntland.

Xigasho:- Sool Today.

Bandhige@gmail.com