Cilmiga adeega bulshada ayaa qarnigii 19aad kasoo bilaabmay dalwaynaha Ingiriiska (England), xiligaas oo ay oo ay ka dunida bilaabmeen kacaankii warshadaha wadamada reer galbeedka gaar ahaan halgankii bulsheed si wax looga qabto fakhriga iyo dhibaatooyinka bulsheed ee ka jira magaalooyinka waawayn ee dalalka reer galbeed. Hadaba wadamada dunida saddexaad leysku yidhaa ee aynu inagu ka midka nahay waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee ay ka jiraan dhibaatooyinka bulsheed ee caalaamka ka dhaca sida kufsiga, gudniinka fircooniga, guurka degdega ah, takoorka bulshada, fakhriga, dilka iyo waliba dhibaatooyinka qoysaska soo foodsaaraba.
Cilmiga adeega bulshada ayaa door muhiima ka qaata kor u qaadida nolosha bulshada, iyagoo adeegayaasha bulshadu sameynaya wacyigalino iyo fursado bulshada loogu abuurayo inay ka qayb qaatan dhamaan shaqooyinka ka dhex socda bulshada, sidoo kale adeegayasha bulshada ayaa dadkaasi ku wacyi galiya inay ka qayb noqdaan amaba ay ka mid noqdaan waxkasta oo bulshada dhexdeeda ka dhacaya si loogu sinaado fursadaha kheyraad ee dalku leeyahay taasi oo ka hortagaysa in qoolooyin gaari isku kooban kheyraadka uu dalku leeyahay.
Bulsho ahaan dalkeena waxaaย jira bulshooyin badan oo an ka qayb qaadan shaqooyinka ka dhex dhaca bulshada iyadoo loo,aaneynayo inaanay la sinayn bulshada inta kale madaama iyaga lagu hayo takoor haday noqoto mid jidheed iyo midย maskaxeedba, iyaado sido kale ay ka qayb yihiin dadka lagu takooro qabiilka,ย adeegayasha bulshadu iyagoo waxaas oodhan u kuurgalaya ayay dadkaasi ka caawiyaan inay siiyaan adeega bulsheed ee ay xaqa u lahaayeen, iyaago waliba sido kale adeegayasha bulshada u sameynaya inay bulshada kusoo dhex daraan dadkaasi la takooray ee ka aradan dhamaan xaqa iyo xuquuqda ay lahaayen. Hormarinta adeegyada bulshada ayaa qeyb laxaad leh ka qaadata amaba udub dhaxaadba u ah dhamaan hormarka ay bulshadu gaadhayso sida heerka akhriska iyo waxqorida, abuurista fursado shaqo, la dagaalanka saboolnimada, la dagaalanka camal la,aanta, sinaanta bulshada dhexdeeda iyo helida adeegyo bulsho oo tayo leh oo la siiyo dadka u nugul in ay ku dhacaan tacadiyada ka dhanka jinsiga sida dumarka, caruurta iyo dadka makaxda ka jiranba.
Adeegayaasha bulshada ayaa ka shaqeeya goobaha adeegyada bulshada lagu bixinayo ee ay ka midka yihiin cisbitaalada, iskuulada, maxkamadaha, ururada maxaliga ah ee ka shaqeeya bani adaantinimada, dawlada iyo goobaha aan dawaliga ahayn sida ganacsiyada iyaagoo markasta ku hawlan inay xaliyaan dhibaatooyinka bulsheed ee ka jira dhamaan goobahaasi. Hawlaha ugu muhiimsan ee adeegayasha bulshadu ay bulshada u qabtaan ayaa ah inay maamulan tacadiyada ka dhex dhaca bulshada kuwaas oo ay kisaskooda maamulaan sidoo kalana ay goobaha sharcigana ku xidhaan anba ay u gudbiyaan, sidoo kale waxaa ka mid ah shaqooyinka ay bulshada u hayaan in ay u doodan dadka aan codkoodu meel gaadheyn iyo sidoo kale talo bixin ay siiyan dadka nugul ee tacadiyadu ku dhaacan ee ku jira marxalda kasoo kabashada.
Doorka ay ka qaatan Adeegayaasha bulshadu hormarinta bulshada
1: kiis maamulayaal, sida aynu wada ogsoonahay bulshadeena waxaa ka dhex dhaca si maalinle ah tacadiyada ka dhanka jinsiga iyaadoo taasi loo kuur galayo adeegayashu bulshadu waxa door weyn ka qaatan maamulida kiisaskaasi haday noqoto in loo doodo dadkaasi uu tacadiga ku dhacay iyaago adeegayaasha bulshadu dhibanayaashaasi siinaya adeeg, sido kale waxay u gudbiyaan kisaskaasi goobaha sharciga ee dhibanuhu uu ku heli karo nidaam sharci oo xaqiisa uu ku heli karaayo.
2: Adeege kooxeed: adeegayaasha bulshadu waxay la shaqeeyaan kooxa ka mid ka ah bulshada ee u nugul dhibaatooyinka iyaago ka caawinaya inay siiyaan la tacaalid maskaxeed iyo waliba iyaago ku tababaraya qaab hogaamineed oo ay isku maamulaan koodaasi bulshada ka midka ahi.
3: Abaabule bulsheed: adeegayasha bulshadu waxay ka qayb qaataan doorkooda bulsheed si loo abaabulo bulsho aqoon ahaan iyo xirfad ahaanba dhisan, iyagoo taasi u maraya inay bulshada wacyigalin siiyaan, sidoo kalana ay u qabtaan tababaro lagu kobcinayo garaadkooda si ay u helaan dabeecado wanaagsan, hab dhaqan ka duwan kii hore iyo aqoon xirfadeeda wadataba, si ay wax badan ugu badalan noloshooda lana janqaadan bulshada inteeda kale.
4: falanqeeye baahiyeed: adeegayasha bulshada ayaa falanqeeya hadaba marxalada tagaan iyo baahideeda, taas oo ay ka sameeyaan cilmi baadhisyo kala duwan iyaga oo u kuur galaya baahiyaha lagama marmaanka ah in wax lagala qabto iyagoo kala kala kaashanaya qeybaha kala duwan ee dawlada iyo ururada aan dawliga ahayn ee ka shaqeeya arimaha bani adantinimada. Adeegayasha bulshada ayaa ayaa door weyn ka qaata falanqeynta sida baahiyaha kala duwan ee bulshada wax looga qaban lahaa iyago xooga saara baahiyuhu say u kala culus yihiin.
5: Mashruuc maamulayaal: adeegayasha bulshada ayaa door wayn oo cad ka qaata hagida, isku dubaridida, maareynta iyo hirgalinta mashaariicaha hormarineed ee bulshada, iyaga oo haga masharicahaasi bulshada lagu hormarinayo si loo helo bulsho si kastaba u dhisan oo ka qeyb qaadan kara dhamaan shaqooyinka bulshada ka dhex socda iyo sidoo kale haday noqotoba inay helaan adeegyo bulsheed oo tayo leh si ay noloshodu u noqoto mid amni ah oo aan wax carqalad ah dareemin.
6: isku xidhayaal: adeeyasha bulshada ayaa kuwo isku xidhayaal, iyagoo u gudbinaya dadka ay tacadiyada ku dhaceen xaruumaha dawlada haday noqoto maxkamadaha, saldhig boolisyada, xaarumaha xaquuqal insaanka iyo waliba sidoo kale ururada maxaliga ah ee bixiya adeegyada bulshada, si dadkaasi dhibanayaasha ah loo caawiyo looguna xidho qeybahaasi kala duwan ee dawlada iyo ururada.
7: Lataliyayaal: adeegayasha bulshadu waxay kaalin ka qaatan talosiinta dadka dhibanayaasha ah iyaago had iyo jeer xooga saara sidii ay qofkan dhibanaha ah ee tacadiga ku dhacay ay bulshada dhexdeeda mar labaad ugu soo dhex dari lahayeen, sidoo kale adeegayaasha bulshada ayaa la taliyayaal u noqon kara cid kasta oo bixisa adeeg bulsheed si uu uga caawiyo si ay isku fahmaan adeeg bixiyaha iyo adeeg qaatuhu, si looga hortago khilaafadka bulsheed ee ka dhex dhaca bulshada iyo cida adeega siinaysa.
Dhamaan qodobadani aynu soo sheegnay waa doorka ay ka qaadan karaan adeegayaashu bulshadu hormarinta bulshada amaba hormarinta Qaranka, si aynu wada ogsoonahay maanta dalkeena waxaa kusii badanaya dhibaatooyinka bulsheed haday tahay danbiyada, fakhriga, dagaalada, masiibooyinka, iyo shaqo la,aanta dhalin yarta taas oo udub dhaxaad u ah dhamaan ficilada xun xun ee bulshada ka dhex dhaca, hadaba si loo helo bulsho tayo ahaan iyo cilmi ahaan dhisan waxaan soo jeedinaya dhawr talo soo jeedin oo aan usoo jeedinayo dawlada iyo cidii ay khuseysaba.
Talosoojeedin;
1: Dawladu waa inay adeegayasha bulshada ee jamacada dalka ku yaal ku dhiirigaliso inay cilmi baadhisyo ka sameeyaan dhibaatooyinka bulsheed ee jira, iyaado dawladu markaasi ay isticmaali doonto dhamaan cilmi baadhistaasi ay soo sameeyeen ardeyda ka baxday amaba dhigata cilmiga adeega bulshada
2:In jamacadaha dalku xoojiyaan dhamaan kuuliyadaha lagu dhigto cilmiga adeega bulshada sido kalana ay cilmi baadhisyo ay ka sameeyaan dhibtaatooyinka bulsheed ee jira sida qabyaalada, fakhriga iyo maamul xumida si xalkeeda loo helo.
3:In adeegayaasha ee bulshadu ee dalku anay hawsha qaran ee umadooda u hayaan isku dayin inay aduun ka sameystaan se ay dalkooda iyo dadkooda ay ugu sameeyaan nolol qurxoon oo boqolaalka sano ee soo socda uu isagu ku suntanaado.
4: adeege bulsheed oo kasta oo dhibaato bulsheed oo weyn wax ka qabata la sharfo lana tixgaliyo si uu wax intaa ka badan ugu sii dhiirado inuu wax u qabto bulshadiisa ay dhibaatooyinku dul hoganayaan.
5:In ay dawladu sameyso liisan bixinta adeegayasha bulshada si loo helo adeegayaal bulsho oo khibrad sare u leh hawsha ay bulshada iyo dadka u qabanayaaan.
Ugu danbayn;
Cilmiga adeega bulshada ayaa ah khibrad iyo aqoon bulshada loogu adeegayo taasi oo ina faraysa inaynu qaadno maasuuliyada bulshadeena la dhiban dhibaatooyinka bulsheed ee ina ragaadiyay si loo hormariyo noloshooda iyo daryeelka naftoodaba.
Waxaa qoray: Guuleed Cabdiraxmaan
Email:ย Guuleedsuldaan407@gmail.com
What’s app Number: 063-4032700