Door-roonihii da’dii aan ogaa: Mujaahid Bashiir, Q.6aad-7aad (WQ: Boobe Yuusuf Ducaale)

Mujaahid Bashiir waxa lagu wareejiyay si uu u carbiyo Mujaahid Indho-case oo ‘Kamaandowsta’ ahaa. Waxa kale oo ku lammaanaa Mujaahid Raage-bidaar. Dardaarankii Mujaahid Indho-case la siiyay wuxu ahaa in uu rasaasta u badiyo oo uu inta uu doono u qaado RBJ-7-ka mooyaan e’. Laba maalmood markii ay u baxeen dab-ridka, ayaa waxa Mujaahid Muuse Biixi loo keenay natiijadii.

Muuse Biixi oo natiijadii dab-ridkaa ka soo baxday ka hadlayay, wuxu yidhi:

• Baastooladdana waa 90%,
• Qoriga AK-gana 100%

Intaa ka dib, Mujaahid Indho-case waxa la faray in uu hubiyo in Mujaahid Bashiir orod wax ku ridi karo oo wax ku toogan karo. Meel ayaa loo dhigay wax uu toogto isaga oo ordaya, waxaanu qiimayntii keenay wax wanaagsan. Waxa ka sii fiicnaan lahayd in lagu tababaro yool ordaya, laakiin markaa lama hayn.

Aniga oo qaybo badan oo xogtan ah marti uga ahaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, bal aan idiin soo daayo isaga oo ka hadlaya Mujaahid Bashiir iyo sahammadii gudaha, waxaanu yidhi:

“….Horto, ninkaasi ninka sidaas dagaalka ugu xariifka ah ayuu ahaa, waxaana aan u soo diray dhowr hawl-gal (Mission) oo hore isaga, Raage-bidaar iyo Fooxle. Markii ugu horreeyey sahan gudaha ah ayay soo dhammeeyeen. Waxay soo sugeen yoolalkii aanu doonaynay, waa ay soo noqdeen. Yoolkii hore ee ay ka soo noqdeen waa uu naga dhicisoobay. Mar labaad ayay soo noqdeen. Gaar ahaan, waxaa soo noqday isaga, Raage-bidaar iyo Ismaaciil Cabdi Taanigan nool, ka-dibna waxay soo taabteen badda Bullo-xaar. Waxay ka soo lugeeyeen Durya. Soo-noqodkii labaad waxay soo sahamiyeen meelo aanu hub dhiganno. Hubkii waxay ku aaseen meelo u dhow buurahan ka hooseeya Agabbar. Markii ay laba door geeyeen waxa u qorshaysnaa in halkaa hub badan la dhigo, buuraleydaa la fadhiisto oo dariiqqaa Jabuuti la kala gooyo. Nin basaas ahaa, si uu u ogaaday mooyaan e’ oo reeraha meesha deggan ahaa ayaa qoday xabaalihii ka-dibna la baxay hubkii, waxaanu u sheegay ciidammadii Siyaad Barre. Bashiir, Raage-bidaar , Ismaaciil Cabdi Taani, Fooxle iyo Cali-sandheere, waxay go’aan ku gaadheen in ay helaan ninkii hubka la baxay. Inta ay Durya ka soo lugeeyeen ayay raadkiisii gureen, waanay ku guulaysteen in ay helaan.”

Tababarkaas, markii uu Mujaahid Bashiir dhammeeyey ilaa saddex, afar jeer oo kale ayaan Hargeysa u soo diray oo sahan iyo yool sugan ah. Saddex ayaa naga khasaaray, kii ugu horreeyey ilaa kii uu ku dhintay.”
Hawl-galkii Abaarso:

Sida aan ka weriyay looga-qaateenkii ka qayb-galay, hawl-galkan waxa laga fuliyay magaalada Abaarso 17kii Oktoobar, 1986kii. Waa maalin amran. Waa mid ka mid ah maalmaha xuska iyo xusuustaba ka mudan Mujaahidiinta iyo dhammaan geyiga Somalilandba. Waa maalin ku beegnayd sannad-guuradii 2aad ee Xuska maalinta shuhadada oo ka soo bilaabantay 1984kii. Inta badan hawl-gallada SNM iskama ay dhici jirin, bal se dabka ayaa loogu xiddigin jiray si loo muuneeyo loona maamuuso maalmahaa dhawrsan ee halgameed.

Lix Mujaahid oo muddo laba habeen ah socod lug ah kaga soo maqnaa magaalada Dibiile oo ay ka soo ambo-baxeen, ayaa goor ay saacaddu ku beegnayd qiyaastii ila 6.30kii subaxnimo kula kulmay magaalada Abaarso saddex baabuur oo ay wateen nin caddaan ah iyo lix ilaa toddoba Soomaali ahi. Lixda Mujaahid waxay kala ahaayeen:

1. Axmed Ibraahin (Raage-bidaar),
2. Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir),
3. Nuur Muhindis,
4. Mooge Xasan Samaawiye,
5. Maxamed Odowaa,
6. Maxamed Cali Guuleed (Ina Indho-case),

Magacyadan Mujaahidiinta waxaan ka martiyay oo ii yeedhiyay Nuur Muhindis. Mujaahidiintu saddexdii Baabuurba halkii ayay ku furteen kuwaas oo kala ahaa laba Land-cruiser iyo Xaajiyad ‘singeer’ lahayd. Hal Land-cruiser oo caddaa Guddoomiyaha SNM ayaa lagu maamuusay, labadii kalena ciidanka ayaa adeegsan jiray. Wax khasaare ah oo Mujaahidiinta soo gaadhay ma jirin.

Baabuurkan Guddoomiyaha oo uu dirawal ka ahaa Mujaahid Cabdi Xiis, ciidammada cadowgu 29kii Diisambar 1990kii, mar ay soo weerareen xaruntii SNM ee Balli-gubadle ayay dib u kaxaysteen.

Waxa kale oo isaguna jiray baabuur land-rover ahaa oo ay boolisku lahaayeen oo oo uu wadan jiray sarkaal la odhan jiray Bay-lambar oo ay SNM af-duubtay oo lagala noqday oo ay haddana mar kale soo kaxaysatay. Nin Mujaahid Ismaaciil la odhan jiray ayaa isagana waday.

Hawl-galkii “colka wadhaf ma lagu deyay”

Magaca Hawl-galka waxaan ka soo xigtay Cismaan Awr-liqe. Waa mid ka mid ahaa hawl-galladii ugu dhiirranaa uguna mudnaa ee ay SNM ka fuliso magaalada Hargeysa dhexdeeda goor cawayskii ku beegnayd, 19/12/1986kii. Dhowr jeer ayaa sahanka la kala qaaday oo la hubiyay. Markii si sax iyo maan ah loo sugay sahankii ayaa la soo diray saddex Mujaahid oo kala ahaa: Mujaahid Bashiir, Mujaahid Cismaan Awr-liqe iyo Mujaahid Nuur Muhindis.

Mujaahidiin badan oo kale ayaa hawl-galkaas ka qayb-qaadatay oo qofba kaalin kaga jiray, waxaana Mujaahidiintaas ka mid ahaa Maxamed Oomaar oo habeenkaa hawl-galka baabuurka sida waday aadna ay isugu xidhnaayeen iyo Mujaahid Qureysh oo ka mid ahaa dadkii Bashiir magaalada ku hayay

Maxamed Oomaar ayaa iiga sheekeeyay dhacdooyin xanuun iyo xaradhaamoba oo soo maray Mujaahid Bashiir intii uu hawl-galkan Hargeysa u joogay ee ay ku mashquulsanaayeen hawlihii sahanka. Laba dhacdo aan tusaale u soo qaato:

Dhacdada koowaad
Maxamed Oomaar ayaa ma-hadhadan marinaya, waxaanu yidhi: “Waa intii aanu hawl-galku fulin oo cid walba loo baahnaa. Xog iyo waanu u baahnayn. Adduun iyo taakuleyn ayaanu u baahnayn. Siyaabo badan oo kalena in naloo caayo ayaanu u baahnayn. Ayaan-darrda na haystay se waxay ahayd in dadka intiisa badani iska kaayo ilaalinayso oo ay baqanayee. Galab ayay niman dhallinyaro ahaa oo aanu arrin iyo adduunba ka sugaynay nagula ballameen Makhaayadda Ina Garow. Halkii ayaanu sii fadhiisannay oo shaah iska dalbannay. Heeso ayaa ka socday rikoodh Makhaayadda ka shidnaa. Si ay wax u dhaceenba nimankii ballantii waa ay nagaga baxeen. Shaahii ayaanu iska cabbaynay annaga oo heesihii iska dhegaysanaynay.
Annaga oo yar niyad-jabsan oo heesihii isku baananayna ayuu soo galay Maxamed Saleebaan Tubeec oo cod Qaraamiya ku qaadayaa. Codkaasi in uu Aroor ahaa ayaan filayaa. Tuduc ku jiray ayaa ahaa:

“Dhibtayda kuwaa ka dhuumanayow,
Dhirtoo maqashaan i dhaafteen oo,
Dhagaxaa ii damqan laa dhadhaabta ah,”

Mar keliyaa ayaan arkay muuqii iyo dareenkii Mujaahid Bashiir oo is-beddelay. Waxaan arkay isagii oo is-beddelay. Inta aan naxay ayaan markiiba weydiiyay waxa ku dhacay. Waxaanu iigu jawaabay: ‘Heestan miyaanad maqlayn innaga ayay inala hadlaysaaye.” Wuxu intaa ku dabo-karay ninka Makhaayadda leh inoo weydii oo inooga soo qaad, sidiina waan yeelay oo waan ka soo qaaday si aanu boogaha iyo nabarrada ballan-darrada ugu dheyno uguna baananno.”

Dhacdada labaad
Waxaynu weli maalaynaa gaaxdii xusuuseed ee Mujaahid Maxamed Oomaar. Waa dhacdo kale oo la yaab leh. Maxamed oo sheekadan marinayaa, wuxu yidhi: “Mujahid Bashiir ayaa fuulay Bas uu is-lahaa Gol-janno u raac. Waa uu iska fadhiistay isaga oo sugayay inta uu buuxsamayo. Bashiir oo fadhiya oo sugaya inta uu Basku buuxsamayo, ayuu mar keliya ku war helay Mujaahid hore uga tirsanaan jiray Unugtiisii Sahanka ee Diibiile oo cadowga isu soo dhiibay ama soo galayba oo siro badan bixiyay. Labadood indhood ayaa si buuxda oo aan mugdi lahayn isugu dhacay.

Bashiir ayaa markii uu ninkii si dhab ah u aqoonsaday, Baskii ka degay oo hortiisa fadhiistay. Gaadh ayuu ka hayay ilaa intii uu Basku buuxsamayay. Wuxu iska ilaalinayay in uu ogaado halka uu Baska kaga degayay. Baastooladdii ayuu cabbaystay, waxaanu go’aansaday haddii uu ka soo dabo-dego in uu qudha kaga jaro. Ilaa intii uu Baski dhaqaaqayay wuu hor taagnaa. Ninku cadow sirtii SNM ee weliba Sahanka nin la soo tallaabay ayuu ahaa. Sidii ayuu Baskii ku dhaqaaqay. Maalin iyo laba ka dib ayaanu aragnay isaga oo la socda Taliyihii NSS-ta oo warbixintii bixiyay. Ninkii aanu hawl-galka ku fulinaynay ayaa meelihii lagu yaqaannay oo dhan beddelay.”
Maxamed Shiil Dhidar oo maalmahaa hawl-galkan la sahaminayay ahaa Taliyihii Ciidankii Guulwadayaasha oo ay derejadiisu xilligaas ahayd Gaashaanle ayaan kula kulmay Hudheelka Summer Time 19kii Sebtember, 2015ka. Waa xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo. Waxaan hayay tibaax ah in uu wax ka ogaa hawl-galkaas. Waxaan ka codsaday in uu iiga warramo wixii uu ka ogaa ama kala socdayba hawl-galkaas lagu khaarajiyay Axmed Aadan oo ahaa Taliyihii Nabad-sugidda ee Gobolkii Woqooyi-galbeed.

Codsigaas ayaan weydiistay Maxamed Shiil Dhidar. Wuu iga oggolaaday, waxaanu ku deexday:

“Aniga oo habeen habeennada ka mid ahaa gurigayga iska fadhiya oo TV ku daawanaya oo aanay innaba iga qasnayn, ayuu ii soo galay nin SNM ah oo ka tirsanaa kooxdii sahanka ee hawl-galkii Axmed Aadan lagu khaarajiyay. Ninka hore ayaanu isu naqaannay muddo aan fogaynna wuu tallaabay oo SNM ayuu ku biiray. Wuxu iiga sheekeeyay waxay u socdaan isaga oo isla markaana i weydiiyay su’aalo ku saabsan tilmaamaha Axmed Aadan iyo meelaha laga helo.”

Intii aan u tilmaami karayay ama u sheegi karayay ayaan u sheegay. Aad ayaan u naxay oo waxaan is-idhi malaha waxani inta ay fashilmaan ayaa khsaare badani ka dhalan doonaa. Aniga oo sidii u anfariirsan ayaan ninkii ku idhi wixii immika ka danbeeya waxaad la xidhiidhi doontaa Dhamme Maxamuud Ibraahin Guuleed oo aan kugu ballamin doonaa.

Maalin ama laba maalmood ka dib aniga oo xafiiskaygii fadhiya ayaa waxa ii soo galay nin go’ shaal ah hagoogan. Ku-ye: ‘Ma i garanaysaa?’ Aniguna: ‘Maya’, ugu jawaabay. Ku-ye: ‘Waxaan ahay Bashiir. Tilmaamihii aad na soo siisay ayaa nagu fillaan waayay. Waxanu u baahannay tilmaamo intaa hore ka badan.’ Naxdintii hore bikh. Ninkan xafiiska iigu soo galay ee Bashiir go’a waxa uga hooseeya oo aan halacsaday: laba bambo iyo baastoolad.

Waxaan ku idhi wixii aan war idin siin karayay waan idin siiyay oo waxba idin kama hagran. Wuxu igu yidhi: ‘Waxaan u baahanahay in aan arko oo la i tuso qofka aan dilayo, maxaa yeelay ma doonayo in aan ku qaldamo cid kale oo aan waxba galabsan’ Yaabkii iyo amankaaggii ayaa igu sii batay. Annaga oo jiq isku ah ayuu noo soo galay Dhamme Maxamuud Ibraahin Guuleed. Sheekadii ayaanu si deg-deg ah ugu marinnay.

Ku-ye: ‘Ina soo saara aniga ayaa soo tusaya e.’ Baabuurkii Dhamme Maxamuud ayaanu wada raacnay. Hargeysa Kilaab markii aanu maraynay, ayuu Dhamme Maxamuud baabuurkii dib u soo kala fireeyay oo yidhi: ‘Aniga iyo Bashiir ayaa raadinayna Axmed Aadan e’, adigu gaadhigaagii ku noqo. Sidii ayay isku raaceen, aniguna aan xafiiskaygii iyo gaadhigaygii kaga hadhay. Iyaga oo guriga shaqaalaha hormaraya oo Axmed Aadan raadcaynaya, ayuu kaga soo baxay guriga shaqaalaha isaga oo markaa soo dhammaystay shir uu ku jiray. Waxoogaa ayay barbar carareen, ka-dibna wuu u joogsaday, iyaguna waa ay dhinac is-taageen. Dhamme Maxamuud ayaa inta uu si wanaagsan Axmed Aadan u salaamay ku yidhi: ‘Meel kasta oo ay joogaanba, dadku waa kaa raalli. Aad ayaa laguugu han-weyn yahay.’ Intaa haddii u ritay ayuu jalleecay Mujaahid Bashiir oo gaadhiga la fuushanaa, waxaanu ku yidhi: ‘Waa kan ninkii Axmed Aadan ee aad ammaanaysay.’ Mujaahid Bashiirna si fiican ayuu indhaha uga buuxsaday, ka-dibna waa ay kala dhaqaaqeen.”

Axmed Aadan wuxu ahaa Taliyihii Nabad-sugidda ee Gobolka Woqooyi-galbeed. Wuxu ahaa nin khatar iyo halisba ku ahaa halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Wuxu ahaa nin nidaamkii uu ka tirsanaa ee Siyaad Barre 100% daacad u ahaa si la yaab lehna ugu adeegayay. Axmed Aadan, dhinaca kale marka aad ka joogsato, wuxu ahaa nin dadka aad iskaga dhaadhiciya oo dhulka isu dhiga naxariis badanna u muujiya. Dadweynuhu iyaga oo daalacanayay wejiga wanaagsan ee uu tusayo aad ayay ugu han-weynaayeen oo aanay u haysan ama aamminsanaynba in uu yahay ka boqnaha jaraya.

La soco qaybaha dambe