Dooddii murashaxiinta Maraykanka ee Jamhuuriga iyo sidii xalay loo kala guulaystay

Republican presidential candidates, from left, John Kasich, Mike Huckabee, Jeb Bush, Marco Rubio, Donald Trump, Ben Carson, Carly Fiorina, Ted Cruz, Chris Christie, and Rand Paul take the stage during the CNBC Republican presidential debate at the University of Colorado, Wednesday, Oct. 28, 2015, in Boulder, Colo. (AP Photo/Mark J. Terrill) ORG XMIT: OTK

Goor dambe oo xalay ah waxa mar kale foodda is geliyey murashaxiinta Jamhuuriga ee u tartamaya madaxweynenimada Maraykanka. Doodda xalay waxa daadihinayey isla markaana martigeliyey telefishanka caanka ee CNN.

Dooddani waxa ay ahayd tii ugu dambaysay sannadkan waxayna qabsoontay wakhti laba bilood uun laga xigo codbixin xisbiga dhexdiisa ah oo dadweynaha gobolladu u samayn doonaan.

Afarta murashax ee kala ah Jeb Bush, Ted Cruz, Marco Rubio iyo Donald Trump ayaa la sheegay in la odhan karo waa ay ku guulaysteen dooddii xalay marka la eego sahanka laga qaaday dadweynihii Maraykanka ee daawaday.

Jeb Bush ayaa si aan la filayn u noqday qofkii dooddii xalay ugu cadcaddaa isaga oo waajahay murashaxa fadallada cad ee Donad Trump oo Bush ku tilmaami jiray nin aan tamar iyo maskax midna lahayn. Bush wuxu ka faa’iidaystay goldaloolooyinkii beryihii ugu dambeeyey ku soo baxay Trump ee ahaa in uu aflegaadeeyey bulshooyinka Muslimiinta.

Ted Cruz ayaa isaguna sii xajistay kaalintiisii. Waxana lagu ammaanay in uu xalay iska dhawray la muranka Donald Trump oo jecel in ay murashaxiintu dabinkiisa ugu soo dhacaan kadibna uu ku dhiirado wax kasta oo afkiisa ku soo dhaca.

Marco Rubio ayaa isaguna dhibco wanaagsan helay kadib markii uu si gun dheer u faaqiday siyaasadda arrimaha dibedda ee Maraykanka isla markaana muujiyey aqoonta uu ammuurtan u leeyahay.

Donald Trump oo la filayey in uu khadka ka baxo marka la heego hadalladii uu dhawaanahay ku tiraabayey ee ka dhanka ahaa Islaamka ayaa ka mid noqday afarta qof ee dooddan xalay loo arkay in ay ku guulaysteen. Laakiin halkii uu awal ka ahaan jiray qofka ugu sarreeya inta guulaystay, xalay wuxu noqday qofkii ugu hooseeyey afartii qof ee loo arkay in ay doodda ku guulaysteen. Xalay wuxu wax ka beddelay hab-dhaqankiisii waalida loo arki jiray ee uu wixii afkiisa ku soo dhacaba iska odhan jiray isagoo is-xakamayn waxoogaa ah muujiyey.

Hase ahaatee waxa sagxadda taabtay murashaxa madow ee Ben Carson iyo murashaxiinta kale ee ay ka mid yihiin haweenaydii madaxda ka ahaan jirtay shirkadda kombiyuutarada ee caanak ah ee la yidhaa HP. Waxa iyaguna guul-daraadaas aan ka qadin John Kasich iyo Raund Paul.

Weli lama saadaalin karo cidda ku guulaysanaysa murashaxnimada Jamhuuriga hase ahaatee waxa la filayaa Jebb Bush, Ted Cruz iyo Marco Rubio in midkood uu hanan doono iyadoo hadda saadaasha laga saaray Donald Trump habdhaqankiisa dartiis.

Bandhige joogto ugala soco wixii hadba ka soo kordha doorashooyinka Maraykanka.

Il-wareed: CNN

Bandhige@gmail.com