Dadweynaha Koonfur Afrika oo ku mudaharaaday Madaxweyne Jacob Zuma

Dibbed-baxyo laga soo horjeedo Madaxwyne Jacob Zuma ayaa ka dhacay qaar ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Afrika, dadka isku soo baxay ayaa waxay dalbanayeen in uu Madaxweyne Zuma ka dego xilka.

Dadweynaha banaan baxayey ayaa waxa ku eedeeyeen xisbiga xaakimka ee ANC in uu danihiisa gaartka ah ka hor mariyey dannaha Qaranka Koonfur Afrika.

Ka hor intaanay dadweynaha bannaan-baxayey mudaharaadka dhigin ayaa waxa uu ka bilaabmay mudaharaadku baraha bulshadu kuwada xidhiidho, kuwaas oo olole balaadhani ka socdo.

Sidii kale ololaha ka dhanka ah Madaxweyne Zuma ayaawaxa uu bilaabmay markii uu xilka ka qaaday Wasiirka Maaliyadda oo dad badan taageersanaayeen, sumcad balaadhanna ku lahaa bulshada.

Todobaadkii hore ayey markii uu Madaxweyne Zuma magacaabay saddex wasiir oo isku daba xigay muddo todobaad gudaheed ah, ka dibna uu xilkii ku soo celiyey wasiirkii hore ee Maaliyadda ee xilka ka qaaday.

Zuma ayaa waxa uu la kulmay mucaaridad badan oo kaga iyamanaysa dhinaca dadka oo haatan wada mudaharaado ay kaga soo horjeedaan Zuma oo ku dalbanayaan in uu xilka iskaga tago.

Dhawaqa ka soo yeeshay dadka mudaharaadayey ayaanu wali ka jawaabi Madaxweyne Jacob Zuma.

bandhige@gmail.com