Doorashada dib loo dhigay, dabin Muuse loo dhigay, anigu waan ku diirsaday (WQ: Drs. Hoodo Yuusuf)

Waxaan marka hore tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan shacbiga Somaliland, siiba taageerayaasha Xisbigga UCID, oo Maxkamadda Sare  xalaalaysay in aanu xisbigaasi  ka qayb gelin tartanka  doorashada  Madaxweynaha, markay  go’aamisay in Xisbigu Shirwayne ku qabsado ugu danbayn 25th Nov,2016.

Hadduu Aqoonyahan Jamaal guulaysto, suurta gal maaha in uu muddo 3 bilood ka yar uu  ku galo ololoha doorashada. Waxa kale oo go’aamada Maxkamada hadheeyay mugdi iyo madmadow badan oo durba muran ka dhashy.

Waxa kale oo halkan bogaadin uga  dirayaa  Madaxweyne Siilaanyo oo gartay in labada doorasho la kala qaado. Danta guud waxay ku jirta in shacbigu toos u kala doorto  Dr. Cirro iyo Kornayl Muuse Biixi.

Haddii labada doorashu la isbarkiyo, waxa dhici lahayd in shacbigu u qaybsamo beelo oo qof  waliba taageero xisbigga uu ku biiro xildhibaanka beeshoodu.

Tusaale ahaan, dad fara badan oo isbedel-doon ah oo maanta taageersan Waddani ayaa ku biiri lahaa Kulmiye haddii  xildhibaanka beeshoodu iska sharaxo Kulmiye. Haddaba, maanta shacbiga Somaliland ee jecel isbedlka waxay fursad qaali ah u heleen  in ay toos u kala doortaan DR Cirro iyo Kornayl Muuse. Waxay kala dooranyaan hoggaamiyaha  Somaliland ka saari karaa go’doonka siyaasadeed, ictiraaf u raadin kara, dabaqada danyarta ah u hiiln kara, Habarta xaabada sida xanbaari kara, qofka  aan godob lahayn ee isku hayn kara Selel ilaa Sanaag.

Qofka aan xoolada ummadda iyo beeraha  dhicin iwm. Waxaan Mar labaad  hanabalyaynaa Madaxweyne Siilaanyo oo  suldaarou dhigay Kornayl Muuse. 

Wuxuu u heeliyay shacbiga Somaliland, oo kala dooran doona   Dable iyo DiktoorQori iyo Qalin, Diploomasi iyo Seef la- bood. Ugu danbayn,

Doorashada dib loo dhigay,

Danta shacabka Weeyaan,

Waa dabin Muuse loo dhigay ,

Anigu waan ku diirsaday.

Qalinka Drs Hoodo Yusuf, Uk,London.

yhoodo@yahoo.com.