Doorashada Maraykanka: 5 qodob ayaa i soo jiitay (WQ: Maxamed Aadan Tarabbi)

1. Colaadda siyaasiga ah ee aad la gasho rag siyaasiyiin ah natiijada ka dhalata. Tusaale ahaan. Kala duwaanshihii Senator John McCain iyo Donald Trump waxay Xisbiga Jamhuuriga dhaxal siisey, inuu  dhabarka kaga jabo Arizona oo ahayd meel Jamhuuriga aad ugu weyn.

2. Georgia oo ahayd meel laga dhaariyey Xisbiga Dimuqraadiga. Jamhuuriga waxa adhaxda ka jabisay Stacy Abrams oo gabadh madaw ah,  Georgia marna Xildhibaan aqalka hoose ah ka ahayd, mar danbana u tartantay Badhasaabka Georgia laakiin se weyday. Uruurintii dadka madaw iyo u diiwaangalintii inay codkooda ku shubaan Dimuqraadiga ayaa iyana dadka madaw iyo guud ahaanba USA aad looga xusay kaalinteedii.

3. Markale Halgamaagii madawga ahaa ee geeriyooday sannadkan gudihiisa oo ahaa Senator John Lewis degmadii uu matalayey 1987-2020-ka. Ayaa afka ciidda u dartay Donald Trump. Marka laga yimaaddo halganka dadka madaw, Abaabulkii Brack Obama ee reer Georgia, waxa guushan la siiyey John Lewis oo Donald Trump ay ku ka la dhinteen iyagoo is haya.

4. Dadka madaw oo is muujiyey, Laatiinka oo halgankii madawga soo raacey, iyo Xisbiga Dimuqraadiga oo si dhab ah oo run ah u noqday Xisbigii ajaanibta, ama dadka aan caddaanka ahayn. %80 dadka madaw waxay u codeeyeen Dimuqraadiga, halka caddaanku %56 ay u codeeyeen Jamhuuriga. Waxay u badan tahay in Jamhuurigu 2024 uu madaxweyne xigeen u ka dhigto qof Laatiino ah ama ba madaw. Nikki Helay oo ah Hindiyad Maraykanka u fadhiday Qaramada Midoobey ayey saadashaydu u badan tahay.

5. Madaxweynahii la doortay la ga soo bilaabo November 3, illaa iyo hadda oo guushiisu caddaatay waxa hal heys u ah

” I will be a President for all Americans — whether you voted for me or not”

Wuxuu rabaa inuu maamulo dad mideysan oo ugu yaraan uu yareeyo dhaawaca ka imanaya Donald Trump oo diidan natiijda doorashada.

Ka Somaliland ahaan waxaan saadaalinayaa Togdheer, Sool iyo Sanaag inay noqdaan dhinaca waddani oo gabi ahaanba uu meesha ka baxo Kulmiye. Xirsi iyo Xaashi ayaan u rajaynayaa inay John McCain iyo John lewis siday u baddaleen Georgia oo 24sanno ahayd Jamhuuriga, iyo Arizona oo 28sanno ahayd Jamhuuriga, inay dabada dhulka ugu dhuftaan Kulmiye.

Madaxweyne macangag ah, indho adag, afka taaga, kaligii toocsi iyo anaa idhi ummadd ku Hoggaamiya, waa inuu maraa waddada Donald Trump la marsiiyey.