Doorashadii Farmaajo Puntland waxa ay ku wayday Raysal-wasarihii (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

 

Dorashadii dalka Soomaaliya ee shalay lagu kala calaf-qaaday, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo codod aad u badan kaga guulaystay Xasan Sheekh Maxamuud, waxa kale oo meesha kasoo ifbaxay in Puntland iyana ay waydo Raysal-wasarihii ay dhaxalka joogtada ah ay u qaadan jirtay.

Haddaba maadaama inta badan doorashada Soomaaliya ay ku qiimaysan tahay qabyaalad iyo qolo qolo, sida wakhti aad u badan looga bartayna Raysal-wasaraha iyo Madaxwaynaha ay kala qaybsanayeen Puntland iyo Muqdisho balse wakhtigan xaadirka ah uu doorashadii kusoo baxay nin kasoo jeeda Gobolada Jubaland balse ay isku hayb qabiil yihiin reer Puntland.

Maxay ayay noqon kartaa doorka wada shaqaynta ee ay Puntland ka qaadan doonto in ay la shaqayso Madaxwayne Farmaajo, mase laga filikaraa in ay carqalad horlihi ay ka dhex dhalato Farmaajo iyo Puntland maadaama uu meesha ka baxay Raysal-wasarihii markasta ay kuu taami jireen reer Puntland.

Madaxwayne Farmaajo oo waddanka hore uga soo noqday Raysal-wasaare, isla markaana xukunka hayay muddo aan ka badnayn lix bilood, ayaa mucaaradadii barigaasi ku kacday waxa kow ka ahaa reer Puntland, iyaga oo u arkayay in uu Farmaajo ku fadhiistay kursigii Puntland ay dhaxalka u lahayd.

Balse haddadan lafteeda ayaa waxa shaki badani ka iman karaa madaamaa uu Farmaajo Madaxwyne noqday in ay isu calool furnadaan wayaan Puntland iyo Farmaajo, maadaama uu Raysal-wasaarahu uu hada noqonaayo nin kasoo jeeda Muqdisho.

  1. Khadar Aar.