Ciidamada dalka Maraykanka ayaa sheegay in ay 11 oo ka mid ahaa dagaal-yahannada Al-qaacida ay ku dileen laba weerar oo ay ka fuliyeen meel ku dhow Iblib ee dalka Suuriya.
Dadka duqeynta lagu dilay waxa ka mid ah hoggaamiye saaxiib dhow la’ahaan jiray Usama Bin Ladin, sida war ka soo baxay Pentagon-ka lagu sheegay.
Sarkaal ka mid ah ciidamada oo lagu magacaabo Jeff Davis, ayaa sheegay in 10 ka mid ah lagu dilay hal duqeyn oo la fuliyay saddexdii bishan.
Duqeynta labaad oo 4-tii bishan la qaaday waxaa ku dhintay Abu Hani al-Masri, kaas oo saaxiib dhow la ahaa hogaamiyihii Al-qaacida Usama Bin Ladin.
Al-Masri ayaa la sheegay in uu maamuli jiray xero ku taallay Afghanistan oo lagu tababari jiray dagaal-yahanada Al-qaacidda sannadihii 1980 illaa 1990-maadkii.
Sidoo kale wuxuu xidhiidh dhow la lahaa hoggaamiyaha hadda ee Al-qaacida Ayman al-Zawahiri.
Kabtan Davis oo ka hadlayey duqeynta loo gaystay Al-qaacidada Suuriya ayaa waxa uu yidhi:
“Duqeynta waxay wiiqday awoodda Al-qacidda ay ku abaabuli lahayd weerar ka dhan ah danaha Mareykanka ee dunida.”
Al-qaacidada dalka Suuriya waxaa si weyn looga garanayaa Jabhadda loo yaqaano Jabhad Fatxu Al-Shaam, oo horey loogu yaqaanay Al-Nusra.
Waxaa la aaminsan yahay in weli hoggaanka jabhadaasi ay ku Milan yihiin Al-qaacidda.
Maraykanka ayaa todobaadkii tagay weerar ka fuliyay dalka Yaman, kaas oo ahaa midkii ugu horeeyay ee Trump uu amray tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.
Wararka waxay sheegayaa in duqeyntaas ay ku dhinteen ciidamo iyo 16 qof oo shacab ahaa.
Maamulka Trump ayaa howlgalkaas ku tilmaamay mid guuleystay oo ka dhashay xogo sirdoon oo si weyn loo lafa-guray.