Xukuumadda Itoobiya waxay soo dhoweysay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Kulmiye

 

Musharaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga Kulmiye ahna Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi ayaa soo dhoweyn  heerkeedu sarrayso la sheegay in uu kala kulmay xukuumada Itoobiya, martiqaad rasmi ah uu ka helay Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa lagu soo dhoweeyey qolka martida (VIP) ee garoonka diyaaradaha ee caasimada Addis Ababa uu ku soo dhoweeyey Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Axmed Shide iyo madax ka socotay xukuumadda Itoobiya, sida uu xaqiijiyey safiir-xigeenka safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya Ayaanle Salaad Diiriye.

Muuse Biixi wuxu kulan ah la qaadanayey Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, oo martiqaad rasmi ah uu u fidiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku tegay dalka Itoobiya, isagoo hoggaaminaya wefdi xukuumada Somaliland ka tirsan.

Kulanka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Desalegn ayaa la filayaa in uu ka soo baxo natiijo wax weyn ka tari doonta xidhiidhka iyo cilaaqaadka labada wadan iyo labada shacab wadaagaan.

bandhige@gmail.com