Doorashooyinka Gobolka Geeska Afrika Iyo Sannadka 2021-ka (WQ: Muxamed Dhimbiil)

Jamhuuriyada Somaliland
Waxa la filayaa in doorashooyin ay dhacaan sanadka soo socda oo aad loo saadaalinayo , walow aan la garan karin qaabka ay u dhacayaan iyo in doorashooyinku mar wada dhici karaan iyo in kale , sidaasi kale ayaa waxa iyaduna taagan xiligii la furi lahaa ururada siyaasada oo dhow,  taasi oo ku xidhan doorashada goleyaasha deegaanka jamhuuriyada Somaliland.
Doorashooyinkani oo ah qaar in badan dib u dhacay oo u baahan in la qabto,  isla markaana aan mar dambe in ay dib u dhacaan aan u wanaagsanayn dalka iyo dadka jamhuuriyada Somaliland , oo wax badani kaga xidhan yihiin doorashooyinka,  sidaasi oo kale culeyska muwaadiniinta raba in ay mansabyada qaranka qabtaan oo aad usii badanaya taasi oo keeni karta culeysyo siyaasadeed iyo qaar nololeedba.
Xukuumada hadda talada haysa ayaa iyadana aan la garanayn in ay suuragalin karto doorasho  marka aad eegto ilaa hadda sida dalku yahay iyada oo waliba la heshiisay labada xisbi mucaarid ee Somaliland oo aad moodo in iyaguna furistii ururada siyaasada in ay ka yacaan oo sababtay in arinkaasi dartii wax badan uga tanaasulaan.
Jamhuuriyada federalka Somalia
Waxa la doonayaa inta ka horeysa bisha March ee sanadka 2021 in ay doorashadu dhacdo iyada oo caqabado badani jiraan isla markaana aan la garanayn si ay u dhici doonto doorasho,  oo xataa xukuumadii dalka doorashada gaadhsiin lahayd ayaa ilaa maanta aan la soo dhisin.
Qaabka doorashada ayaa ah mid lagu noqday dariiqii hore ee doorashooyinka Somalia 4.5 , waxaana meesha ka baxay nidaamkii uu Madaxwaynaha dawlada federalka Somalia rabay ee ahaa qof iyo cod oo aan xiligan suuragal noqon karin , kaasi oo galaaftay raisal wasaarihii hore iyo xukuumadiisii oo rabtay in doorasho la galo.
Dalka Ethiopia
Dalka Ethiopia oo ay doorashooyinkiisu mudeysnaayeen bisha Aug 2020 ayaa dib loo dhigay sababo uu keenay xanuunka #Corronavirus , arinkaasi oo ay qaadaceen Gobolka waqooyiga ee qoomiyada Tigray , waxaanay qabteen doorashadii Golaha wakiilada Dadweynaha ee Gobolka Tigray , taasi oo keentay in ay dawlada federalka Ethiopia ay sheegtay in aanay aqoonsanayn.
Sidaasi oo kale maalmo kooban ka hor ayaa baarlamaanka dawlada federalka Ethiopia joojiyey gabi ahaanba wada shaqeynta maamulka sare ee Gobolka Tigray oo iyagu sheegay in aanay aqoonsanayn Raisal Abiy Ahmed ilaa uu qabto doorashooyin , waxaana ay dawlada Ethiopia isku raacday in wada shaqeynta laga jaro madaxda maamulkaasi laakiin maamulada hoose iyo adeegyada dadweynuhu sidoodii ahaadaan.
Ilaa iyo intii uu Raisal wasaaraha Ethiopia dalkaasi qabsaday sanadkii 2018 ayaa aanay isku wanaagsanayn xukuumada Abiy Ahmed iyo qoomiyada Tigray , arimahaasi waxa keenay markii saraakiil badan iyo madaxdii xukuumadii hore lagu eedeeyey tacadiyo badan,  arimo musuq-maasuq iwm oo gabi ahaanba xilalka sare ee dawlada federalka laga dhameeyey iyo waliba go’aankii uu Abiy Ahmed ka qaatay Badhame xuduudka Erateria iyo Ethiopia oo ay u arkeen in dhulkoogii ay ku dagaalamayeen mudada badan si dhib yar la isaga bixiyey.
Qoomiyada Tigray waa jabhadii dalka Ethiopia ka xoreysay dawladii Dhergiga,  waxaana ay la midoobeen ODP oo ah Oromo democratic Party  oo iyaguna ka soo horjeeday nidaamkaasi dhergiga , sidaasi oo kale ayaa ayey  jireen qoomiyada Ahmara oo laftoodu ka soo horjeeday Dhergigii oo sameystay xisbiga Ahmara Democratic party ADP iyo xisbiga ay lahaayeen qoomiyadaha shucuubta koonfureed   ee SEPDM iyo xisbiga Tigray TPLF ayaa sameystay isbahaysigii dalka Ethiopia ka talinayey mudada dheer ee EPRDF.
Markii uu geeriyooday Raisal wasaarihii awooda badnaa ee dalka Ethiopia Malez zenawi waxaa loo dhiibay Haeila mariam desalem oo ka soo jeeda shucuubta koonfureed iyo xisbiga SEPDM , si uu u dhameystiro mudada u hadhsanayd malez zenawi,  waxaana sii xoogesystay kacdoono ay qoomiyada Oromadu bilaabeen,  kaasi oo uu u sameeyey isku shaandhayn masuuliyiinta dawlada waxaana la magacaabay madax badan oo ka soo jeeda qoomiyada oromada si uu u damo kacdoonku.
Dedaaladaasi waxba kama tarin,  waxaana xilkii iska casilay Raisal Haielamariam Desalem sanadkii 2018 kii , waxaana Raisal wasaare loo magacaabay Abiy Ahmed Ali oo ahaa Gudoonkii Xisbiga ODP ee oromada si uu culeysku uga dago dalka doorashooyina loo qabto , Abiy Ahmed oo noqday horaantiiba shaqsi ka saameyn badan oo ka gadisan waxii laga filayey oo dalka Ethiopia u raray nidaam democratic ah , la heshiiyey dalka Erateria,  mucaaridkii dalka iyo jabhadihiiba soo xareeyey.
Dedaalo badan oo uu gallay ayuu Ethiopia kaga badbaadiyey in uu dumiyo mucaarid iyo jabhado dalka dibada kaga yimaadaa,  taasi oo noqotay yididiilo iyo wanaag uu aduunka oo dhami ku soo dhaweeyey oo uu ilaa bilada nabada aduunka ku qaatey , waxaana aad moodeysay in uu laftiisa deg-deg badani ku jiray taasi oo dhalisay in dhawr goor la isku dayey inqilaab iyo in ay soo cusboonaadeen mudaharaadadii qoomiyada oromada dhawr goor.
Raisal wasaare Abiy Ahmed ayaa waxa uu aasaasay xisbi la yidhaahdo xisbiga barwaaqada oo uu ugu talogalay in uu ku mideeyo qoomiyadaha dalka Ethiopia oo dhan xisbigaasi oo uu u bixiyey Ethiopian prosperity party (PP ) ayaa la filayaa in uu kaga qayb galo doorashooyinka soo socda .
Dr Abiy Ahmed iyo xukuumadiisa ayaa waxa laga sugayaa in ay dalkaasi doorasho ka qabato bisha March ee sanadkan,  iyada oo waliba ay xidh-xidhan yihiin qaar ka mid ah mucaaridka dalka Ethiopia ugu waaweynaa oo lagu eedeeyey in ay kacdoonadan ku lug leeyihiin , markaa lama saadaalin karo in ay doorasho dhici karto iyo in kale .
Marka aad eegto Gobolka Geeska Africa oo aad moodo in uu galayo xaalado iskuwada dhow dhow marka laga reebo labada dal ee Djibouti iyo Erateria oo aanay iyaga nidaamka dimuqaeadiyadeed ee axsaabta badani si wanaagsan uga shaqeyn oo laftooda ay haystaan culeysyo dadkooga ka haysta iyo qaar xaga aduunka ka haystaaba,  lama garan karo waxa uu ku dambayn doonaan dalalkaasi mustaqbalka dhow.
WQ: Muxamed Dhimbiil