Maxaa halbeeg u ah qiimaynta qofka? (WQ: Mukhtaar Axmed)

Marar badan dhallintu waxa ay is wayddiiyaan; maxaad ku dooran lahayd qofka aad nolosha la wadaagayso ? Ammaba maxaad ku dooran lahayd qof xil qabanaya meesha ay doonto ha noqotee. Dadka wayddiintan la wayddiiyo ismaba dhibaan oo si fudud ayaa ay uga warceliyaan oo waxa ay dhahaan; waxaan ku dooran lahaa Diinta, Dhaqanka, Dadnimada iyo Dabeecadda. Mudanayaal iyo marwooyin bulshadeednu soo dad diin haysta maaha oo laga soo wada helayo dhammaan astaamaha aad xusteen ? Waa suuro gal in kala dadnimo iyo dabci wanaagsan yahay ha yeeshee sidee ayay halbeeg kuugu noqdeen sifooyinkaas maaddaama ay yiniin kuwo ka dhexeeya guud ahaan bulshooyinka adduunka ?

Sida ay tibaaxayaan daraasadaha lagu sameeyo bulshooyinka adduunka waxa ay xusayaan in 90% dadka dunida ay yihiin kuwo aaminsan nooc ka mid ah diimaha faraha badan ee la aaminsan yahay, halka inta soo hadhayna ay yihiim kuwo aan aaminsanayn diimaha iyo jiritaanka Ilaahay. Soomaalidu 100% Muslimiin ah saas awgeed marka aynu leenahay hebel ama heblaayo waxa aan ku doortay Diinta taas macnaheedu maanay ahayn waxa jira hebel ama heblaayo kale oo bilaa diin ah ? Qofka aad diinta ku dooratay soo ma jiraanย  kuwo kale oo ka diin badan ama kaga badiya fulinta waxyaabaha ay diintu inna farayso ?.

Dhanka kale, habdhaqanka qofka waxa saamayn ku leh waayiniisa nololeed, sida uu qofkaas usoo barbaaray, siduu wax u bartay, xaalladda deegaanka uu qofkaas ku noolaa iyo aragtida uu ka haysto nolosha adduunkan balaadhan. Haddii aad tidhaahdo qofkaas dadnimo ayaan ku doortay halkaa waxa imanaysa wayddiin odhanaysa haddiiba ay meesha doorasho taallo goorma ayaad dadka cilmi baadhis ku samaysay ? Sidee ayaad ku ogaatay in hebel ama heblaayo uu dadnimo leeyahay ?

Badiba dadku aragtiyo iyo aaminaad aan cilmi iyo caqli midna ku fadhiyin ayaa ka bixiyaan hadba qofka ay rabaan inay sifo u yeelaan, Tusaale ahaan waxa aad atagtay qof samaynaya fal wanaagsan sida isaga oo caawinaya qof dhibaataysan, falka uu qofkaasi sameeyay miyuu u noqon sifo uu ku suntan yahay jiritaankiisa oo dhan. Sidaas oo kale waxa aad aragtay qof xumaan samaysanaya , xumaantaas miyay ka dhigantahay mid uu astaan u leeyahay ? Waxa jira dad ku sifaysan inay badanaaย  wanaag sameeyan sidaas oo kale waxa iyaguna jira dad badanaa xumaan sameeya haddana taasi ma keensanayso in kii xumaanta samaynayay inuu wanaag samayeeyo, kii wanaagga samayn jireyna uu xumaan sameeyo.

Shayddaanka waxa loo abuurey inuu goor kasta xumaan sameeyo oo abuurkiisa oo dhan ayaa sidaa ah halka Maalaa’iigtana loo abuurey inay mar kasta wanaag sameeyaan sida uu Ilaahay Quraanka ku xusey. Laakiin bani aadanku labadaa kale wuu ku duwan yahay, isagu waxa uu leeyahay labada sifoย  ee ah wanaag falliidda iyo xumaan samaynta. Bani aadamka lama cadaabeen haddii aanay doorasho lahayn oo jannada iyo cadaabtu waa doorashada qofka maaddaama loo caddeeyay waxa jannada keensanaya iyo waxa cadaabta keensanaya.

Haddaba qofka bani aadamka ah maaha mid goor kasta dhammaystiran oo laga helayo wixii looga bartay. Ged-geddoonka waayaha ayaa ka saamayn badan ku leh habdhaqankeenna aan dhidibada adag ku taagnayn. Qof aad muddo ku ogayn inuu wanaag fale ahaa ayaad muddo kale ku arki isagoo faraha kula jira wax laga dayriyo saas oo kale qof xumaanta walaaqan jirey ayaa arki isaga oo aad mooddo in aanu weligii xumaan samayn. Ebbe xumo ka nasahnaaye wuxuu Quraanka ku leeyahay Aayad macnaheedu yahay ” Haddaydaan danbaabayn oo aydaan ka toobad keenayn adduunkan mabuu jireen” tani macnaheedu waa in waxa nolosha macblnaha u yeelayaa uu yahay doorsimadda xaaladaha.

Qofka bani aadamka ahi kuma sugnaan karo weji keli ah, ammaba ma jiro dabci iyo hab dhaqan gaar oo uu qofku ku waarayo. Ma odhan karnaa doorashadii aynu samaynay waxa ahay mid khaldan maaddaama qofkii aynu wanaagga ku sifaynay uu xumaan fale noqdey kii xumaan falaha ahaana uu wanaag fale noqday. Bani aadamku maaha noole la odorosi karo oo gaโ€™aan fudud laga gaadhi karo ka sal gaadhidda dhaqankiisa. Dadaalo badan oo ilaa wakhtigan socdo ayaanay weli fari ka qodnayn in la xuso shay qudha oo layskaga raacsan yahay in qof la qiimeeyo.

Qiimaynta aynu qof ku qiimayno hadba waxa taagan isla goorta uu falku dhacayo maaha mid waaraaysa, saas awgeed wayddiinta kor ku xusan maaha mid si fudud looga jawaabi karo. BAL aynu la kaashano caqligeena iyo aqoonta gaaban. Nabiga Scw waxa uu xadiis ku leeyahay โ€˜โ€™ Diintu dhammaanteed waa akhlaaq, qofkii kaa akhlaaq bataana wuu kaa diin badan yahayโ€™โ€™ xadiiskan qiimaha badan waxa laga dhex fahmaya in waxa ugu mudan ee qof lagu qiimayn karaa ay tahay akhlaaqda. Mar kale Suubanuhu waxa uu leeyaahay โ€˜โ€™ Layma soo saarin wax aan ka ahayn inaan dhaamaystiro akhlaaqda wanaagsanโ€™โ€™ akhlaaqdu maaha mid ay cidi gaar u leeyhay sida qolo gaar ah amma diin gaar ah. Si kale akhlaaqdu waa samaynta anshaxa wanaagsan oo dhan. Akhlaaqdu si kale waxa ay noqon karta damiirka, kaasoo innoo diida samayn wax xun sidoo kale inoo sheega waxa wanaagsan.

Si kastaba ma jiro hal shay qudha oo la odhan karo wuxuu halbeeg u noqon karaa in aynu qof ka yeelno mid ku sifaysan waxa aynu la rabno. Waxa jira qaanuun loo bixiyay qaanuunka dahabiga ah waana xadiis nabiga ka sugnaaday SCw sidoo kale waa hadal ay guud ahaan bani aadamku isku raaceen in lagu dhaqmo, qaanuunkaas wuxuu odhanaya โ€˜โ€™ Ula dhaqan dadka sidii aad jeclaan lahayn in laguula dhaqmoโ€™โ€™ Ugu dambeyn qoramadani waxa ay u muuqataa inay inna leedahay ma jiro shaly keliya oo halbeeg u ah sifaynta amma qiimaynta qofka bani aadamka ah.

 

W/Q: Mukhtaar Axmed.