Golaha sharci dajintu waxa uu ka ciyaaraa kaalin mug leh la dagaalanka musuqmaasuqa. Waxa uu golaha sharci dajintu ka qayb qaataa la dagaalanka dhamaan noocyada kala duwan ee musuqmaasuqa gaar ahaaan musuqa dhaqaalaha iyo waliba in uu hirgaliyo la xisaabtaanka waaxda fulinta amba xukuumada. Golaha sharci dajintu waxa uu waajibkan u gudanayaa si loo helo bulsho caafimaad qabta iyo in la helo kobac dhaqaale oo waara.
Ururka baarlamaanada caalamka ee la dagalaanka musuqmaasuqa (GOPAC),waxa uu ku qeexay musuqmaasuqa khatarta ugu wayn ee dawlnimada soo waajihi karta kana soo waajihi karta bulsho gadoodsan,kawaasi oo ay culaysisay aafada musuqmaasuqu. Waxa sidoo kale musuqmaasuqu keenaa hoos u dhaca kobaca dhaqaalaha,cadaalada bulshada dhexdeeda oo xumaata (Social justice),waxana luma kalsoonida bulshadu ku qabto haayadaha dawliga ah. Cida dhibaatada iyo culayska musuqmaasuqu ku dhacaa inta badan waa muwaadiniinta,taasi oo uu culays dhaqaale iyo mid bulshaba ku keeno.Dimoquraadiyada shaqaynaysa muwaadiniintu waxa ay u cararaan dhinaca golaha wakiilada iyaga matala si ay dhibtan wax ooga qabtaan.
Golaha wakiilada Somaliland ee la doortay 2005 muddo shan sanno ah,waxa ay wali fadhiyaan kuraasta iyagoo muddo dhaaf ah 7 sanno. Su’aasha iswaydiinta mudane waxa weeyi miyay dayaceen kaalintoodii la dagaalanka musuqmaasuqa mise waabay fududeeyeen musuqa laftiisa?
Golaha sharci dajintu waxa uu ku guuldaraystay in uu la xisaabtan la sameeyo golaha fulinta sida kharashaadkooda iyo hubinta barnaamijyada iyo siyaasadaha ay xukuumadu fuliso. Tusaale ahaan waxa golaha la hor keenay intuu jiray 13 sanad miisaaniyadeed,kuwaasi oo dhamaantood duuduub lagu ansixiyay iyadoon lagu samayn taxliilin dhab ah,dib u eegis iyo wax ka badal dhab ah,lamana eegin macquul nimada miisaaniyadahan, iyo in dhaqaalayn iyo tashiilidi ku lamaantahay midna (value for money).
Xaalada golaha wakiiladu waxa ay ka sii dartay markii Mudane Cabdiraxman Cirro oo ah gudoomiyaha golahiisi uu samaystay xisbi siyaasadeedka Waddani,halkaasi oo uu isugu geeyay dhamaan wakhtigiisii iyo tamartiisiiba,golihii uu hogaaminayayna waxa uu ka dhigtay il dakhli (Cash cow) oo ku maalgaliyo xisbigiisa.
Qaybihii ugu muhiimsanaa xeerka haayada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa waxa lagu dhalan rogay golaha wakiilada,taasi oo curyaamisay haayadaasi,meeshanaa ka saartay awoodihii baadhitaan ee haayadaasi yeelan lahayd.
Dhinaca kale dhamaan xeerarkii la dagaalanka musuqmaasuqa ee golaha la keenay waxa ay noqdeen wax la candadawlay sidii xeerkii haayada maamul wanaaga iyo wax miiska hoosteeda la dhigay. Xeerarka miiska hoosteeda la dhigay waxa ka mid ah xeerka la dagaalanka lacagaha la maydho (Anti money laundering law),xeerka isla xisaabtanka maaliyadeed (Financial accountability act).
Sidoo kale,goluhu waligii si saxa ooma eegin xisaab xidhada golaha uu keenay Hantidhawraha guud. Dhamaan xisaab sanadeedyadii golaha la hor keenay 13 sanno ee u danbaysay waxa lagu ansixiyay duuduub iyadoo aan xaashi qudhaatana la hubin. Tani waa khiyaamo laga galay bulshada Jamuuriyada Somaliland,ayna u wada heshiiyeen labdii waxood ee is hubin lahaa,kuwaasi oo kala ah sharci dajinta iyo xukuumada.
Marka la eegayo dhinaca maamulka miisaaniyada faraha badan ee golaha wakiilada,gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu ku guuldaraysay in uu u sameeyo golaha waaxda hantidhawrka gudaha si loo hubiyo kharaashaadka goluhu in uu ka baxo iyo in kale ujeedadii loogu talo galay. Mar ay waydiiyeen gudoomiyaha golahaasi xildhibaanadu sida ay ku baxdo miisaaniyada goluhu,kulan albaabadu u xidhan yihiin waxa ka soo baxay in ay xildhibaanadu isku kordhiyaan mushaarka iyo gunooyinka,taasi oo ah qaataye qaado.
Hadaba,masuulka guuldarooyinka hogaamineed ee intaa leegi dharbaka ay u saaran yihiin,gudoomiyaha golaha wakiiladu, waxa uu rabaa in hadana bulshada Somaliland madaxwayne u doorato sanadkan 2017,isagoo ka sharaxan xisbigiisa Waddani.
WQ: Maxamed Dahir Axmed